Ciyaarihii
Olympic-da Aduunka oo Bari si habsami leh uga Furmidoona
Magaalada Beijing ee Caasimada China.
(Beijing China,
Aug 07,
2008 Ceegaag Online)
Waxaa Bari oo
Taariikhdu tahay 08-08-2008 si Habsami leh uga furmidoona
Magaalada Beijing ee Caasimada dalka China Ciyaaraha
Olympic-ka Aduunka oo 4-tii sannoba mar la qabto.
Xafladda
Furitaanka Ciyaaraha Olympic-ka Aduunka waxaa goob joog ka
ahaan doona Madaxda Aduunka oo uu horkacayo Madaxweynaha
China ee Martida loo yahay iyo George W. Bush-ka Mareykanka.
Ciyaarahan
Olympic-ka Aduunka oo aad uxiiso galiya Bulsho weynta
Caalamka maadaama Wadan Kaste loo Ogolyahay inuu ka
qeybqaato ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan
Ciyaaryahano tiradoodu dhantahay
10,792
Ciyaartooy oo ku tartamidoona Biladaha
Dahabka,
Qalinka iyo Maarta.
Wadanka
Martida loo yahay ee China ayaa ugu badan ciyaartooyda uga
qeyb galeysa Ciyaaraha Olympic-ka Aduunka waxa ay tiradoodu
dhantahay 638 Ciyaartooy halka Dalka Mareykanku kaalinta
2aad ku jiro isaga oo ay uga qeybgalayaan 596 Ciyaartooy.
Hadaba
Wadankeena
Soomaaliya
waxaa Ciyaaraha Olympic-da Aduunka umatalidoona ama uga
qeybgalidoona Labada Ciyaartooy ee kala ah
Saamiya
Yuusuf
oo Oradka 400M iyo 800M ku tartamidoonta halka
Abdinasir
Saeed
Oradka 5,000M iyo 10,000M u tartamidoono.
Ciyaarahan
Olympic-ka Aduunka ayaa lasoo gabagabeyndoonaa marka ay
taariikhdu tahay 24 -08-2008.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |