Dahabo Dowlo oo
Canbaareysay Xasuuqii Ciidamada Itoobiya ugu geysteen
Shacabka Soomaaliyeed deegaanka Carbiska.
(Muqdisho, Aug 20,
2008 Ceegaag Online)
KU:
Qaramada Midoobay
KU: Haya'aha Dowliga Caalamka
KU: Hay'addaha xaquuqul Insaanka
KU: Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed
OG: Dowladda Federaalka Soomaaliya
Maaliintii Jimcaha aheyd ee bisha August 15, 2008, ayaa ah
maaliin xasuus Murugo leh Xanbaarsan oo Tiiraanyo aan go'in
ku ah Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, ka dib
markii la xasuuqay dad rayid ah oo Rakaab ahaa oo saaranaa
gadiidka dadweynaha oon waxba galabsan. Dadkaasi la xasuuqay
oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaa oo tiradooda lagu
qiyaasay iney gaareen 90 ruux ilaa 100 qof ayaa sida la
xaqiijiyey ka soo socday magaalada Afgooye kuna soo jeeday
magaalada Caasimada Soomaaliyeed ee Muqdishu, iyadoo dad
badani ay hore uga barakaceen deegaanka caasimada iyo
agagaarkeeda oo ay dhibaato ka soo wajahday dagaalada ka
jira awgeed.
Xasuuqaasi oo lagu eedeeyey Ciidamada Itoobiya oo isla
maalintaas qarax ay la beegsadeen xoogaga ka soo horjeeda
joogitaankooda ayaa la soo xaqiijiyey iney jawaabteeda
Aarsiga loogu bedelay in la xasuuqo dad Rayidka ah ee Biri-
ma- gooyso ah, oo aysan jirin cid ay denbi ka galeen, balse
ahaa dhibanayaal inta badan dhibka uga imanayay dagaalada ka
socda koofurta Soomaaliya ay iyaga qasaare badan ka soo
gaaraan.
Ciidamda Itoobiya ayaa Soomaaliya ku jooga ogolaanshaha
Dowladda Soomaaliyeed sida ay sheegteen, iyagoo cudud u ah
Dowladda Federaalka ah, balse nasiib daro ay tahay in
xoogoodii ay isugu geeyeen sidii ay u xasuuqii lahaayeen
dadka Shacabka Soomaaliyeed ah oo mudan in iyaga la ilaaliyo.
Ciidamda Itoobaya ayaa sidoo kale lagu eedeeya iney caado ka
dhigteen in mar kasta oo xoogaga ka soo horjeeda
joogitaankooda dalka Soomaaliya ay dagaal la beegsadaanba,
iney iyaguna ka aargoostaan shacabka Soomaaliyeed oo ay
madaafiic iyo rasaas aan loo kala meel deyin ay ku garaacaan
xaafadaha Dadka Rayidka ahi u badan yahay, taasoo macnaheeda
uu yahay in ujeedada Itoobiyaanku ay tahay in asakerigii ka
dhinta loogu aarayo dadka Rayidka ah iskaba daa iney iska
celiyaan kuwa ka soo horjeeda, taasoo loo fahni karo falalka
aargiisiga ciidamda Iyoobiyaanku uu yahay maxaa iga galay
kii dhinta Soomaalida ayuu ka dhimanayaaye.
Ciidamda Itoobiya oo durbaba markii ay soo galeen magaalada
Muqdishu ay laba bilood ka dib ku xasuuqeen dad gaaraya
1,384 ruux mudo 4 maalmood gudaheed ah ee dabayaaqadii
bishii March iyo bilaawgii April ee sanadkii hore 2007.
Haddana maalintii
Jimcaha ee 15 August
2008
ayey hadana hal maalin ku dileen 100 qof oo rayid ah oo sida
la soo xaqiijiyey qaar ka mid ah loo gowracay sida xoolaha,
taasoo ku tusineysa sida waxashnimada ah oo ay u dhaqmayaan
Ciidamda Itoobiya oo goor kasta ku xad gudba xuquuqda
Insaanka, kuna kaca falal ka dhan ah bini’aadnimada iyo
xeerka u degsan caalamka oo aan la ogoleyn in goobaha is
khilaafku ka jiro dhibaato loogu geysto dadka rayidka ee aan
waxba galabsan.
Dhacdaan u danbeysay ee ka dhacday deegaanka carbiska ayaa
loo arki karaa in lagu xagal daacinayo dib u heshiisiinta
Beryahan danbe ka socda magaalada Jabuubti ee Jamhuuriyadda
Jabuuti, taasoo dad Badani u dhega taagayaan waxa ka soo
baxaya, iyadoo la filayey iney yaraan doonaan dilalka lagu
hayo shacabka Soomaaliyeed oo lagu eedeeyo Ciidamda Itoobiya
iyo Kuwa Dowladda, balse markasta oo heshiiskaas la
bilaabayo dhib loo geystaa shacabka Soomaaliyeed oon waxba
galabsan. Maxay ku muteysteen dhibkaan?
Waxaa xasuus mudan in inta uusan bilaaban shirkii dib u
heshiisiinta dalka Jabuuti ee bishii Juun, in
masaajidka Al Hidaaya
lagu xasuuqay wadaado Tabliiq ah oon dagaal ku jirin, iyadoo
sidoo kale markii heshiiskaasi ay kala saxiixteen kooxda
Isbaheysiga Soomaaliya iyo kooxdii Dowlada mataleysay,
maalmo ka dib dad shacab ah lagu xasuuqay deeganada
Guri Ceel,
Matabaan
iyo
Baladeweyne
oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
Waxaa xaqiiqa ah in maalin kasta oo dhalata si bilaa macne
ah loo laayo dad rayid ah oo dhalinyaro u badan oo aan waxba
galabsan, iyadoo dhacdooyinka dilalka shacabka Bilahaan
danbe ay murugo badneyd falka xasuuqa ahaa ee jimcihii la
soo dhaafay ka dhacay deegaanka Carbiska ee duleedka
magaalada Muqdishu, iyadoo markaasi uu furmayay heshiiska
Jabuuti oo ay halkaasi joogaan kooxo kala Matalaya
mucaaradka iyo dowladda Soomaaliya, kaasoo laga rajeynayey
bilaawgiisii horeba lagu diirsado oo uu shacabka dhibka ka
duul qaadi doono, balse uu sii kordho mar kasta oo uu
bilaabanayo.
Haddaba aniga oo ku hadlaya magaceyga iyo magaca ummadda
Soomaaliyeed ee igu fikirka ah, aqoonyahanka Soomaaliyeed ee
ka danqanaya dilalka lagu hayo shacabka muwaadiniinta
Soomaalieed ee ka xun xasuuqaasi loo geysatya dadka rayidka
ee gaaraya 100 ruux ee rakaabka ahaa maalintii Jimcaha,
ayaan waxaan u soo jeedinayaa Dowladda Itoobiya iyo
Ciidamadeeda ka jooga Soomaalia canbaareyn ka dhan ah
falkaasi waxashnimada ah ee ka dhanka ah arrimaha
bini’aadnanimada.
Waxaan ka codsanaya Caalamka iyo Qaramada Midoobay iney
sidoo kale canbaareeyaan soona farageliyaan falkaasi
waxashnimada ah oo la ilaaliyo xaquuqda maatida Soomaaliyeed,
maadaama aysan ka hadlin dowladda Soomaaliya ee caalamku
taageersan yahay oo u eg kuwa aan Shacabkooda Soomaaliyeed
ka naxeynin ama aan kala jecleyn dhibaatada joogtada ah ee
loo geysanyo.
Sidoo kale waxaan ka codsanaya Hayadaha u dooda Xuquuqda
Aadanaha iney dhaleeceeyeen fakaas xasuuqa ah ee lagula
kacay dadka Rayidka ah oo masaakiinta ah oo hore u ahaa
dhibanayaal uu saameeyey dagaalka joogtada ah ee ka jira
magaalada Muqdishu iyo koofurtaba Soomaaliya, lana soo taago
maxkamad kuwii ka danbeeyey falalka ka baxsan Bini’adnimada.
Waa Murugo u soo hoyatay ummadda Soomaaliyeed mar haddii
waxgaradkooda, aqoonyahankooda iyo dowladoodu aysan waxba ka
qaban Karin dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo dadka
masaakiinta ay ah ee Biri ma goosada ah ee ah muwaaniinta
Soomaaliyeed, oo xaqii ay ku lahaayeen wadankooda loogu
bedelay dil joogta ah.
Ugu danbeyntii waxaan tacsi teeraanyo huwan u dirayaa
ehaladii iyo qoysaskii dadkooda la xasuuqay iyo dhamaan
shacabka Soomaaliyeed ee ka xun dhibkaas iyo midka joogtada
ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed.
Ilaahay intii dhimatayna ha naxariisto, Soomaalida noolna
dhexdeeda nabad ha ka dhex dhaliyo (AAMIIIIIIIIIIIIN)
Dahabo Isse (Dahabo Dowlo)
BSC, BA, and MA Diplomacy
dahaboisse@googlemail.com
(20 Aug 2008)
webmaster@ceegaag.com |