Fadhigaas kadib ayaa Wakiilka gaar ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah waxa uu saxaafadda u sheegay in doodaasi ay aheyd mid wax ku ool ah xambaarsaneydna farriin wanaagsan isla markaana la iskula soo qaaday heshiiskii magaalada Jabuuti ay ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga dib u xoreynta, garabka Sheekh Shariif Sh. Ahmed.
Ahmed Ould Abdallah ayaa sheegay in wada hadaladaasi diiradda lagu saaray Ammaanka, iskaashi siyaasadeed iyo sameynta labo guddi oo u kuurgala meel marinta Heshiiska Jabuuti lagu gaaray, waxaana uu sheegay in natiijooyinka wada xaajoodka guddiyadaasi ay noqon doonaan in ay soo gudbiyaan talooyin ku aadan sidii dowladaha Caalamka uga qeyb qaadan lahaayeen Arrimaha Soomaaliya.
“Arrimaha Ciidamo geynta Soomalaiya waxaa loo xilsaaray Dowladda Ingiriiska, iyada ayaana soo diyaarinaysa”ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ahmed Ould Abdallah.
Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in Soomaaliya lagu geeyo Ciidamo Caalami ah oo ilaaliya nabadda Soomaaliya, inkastoo rajada ah in Soomaaliya lagu soo celiyo kala dambeyntii waayo waayo ka jirtay ay tahay mid aan sidaas u buurneyn.
www.ceegaag.com