Warar aan laxaqiijin ayaa sheegaya in sadexda masuul ee ugu sreeya DFDR looga yeedhay Adis-ababa
(Muqdisho, Aug 14,
2008 Ceegaag Online)
Madaxwayne Yuusuf, Raysalwasaare Cade, iyo Godoomiyaha Baarlamanka Madoobe ayaa u ambabaxaya magaalada Adis Ababa ee wadanka Itoobiya.
Wararkan oo naga soo gaadhaya ilo u dhaw dhaw madaxwaynaha Soomaaliya Ayaanan ilaa hada noo suuro galin inaan Xaqiijino.
iyadoo Raysalwasaare Cade ka biyo diidan yahay wadahadalada
oo lagu soo qaadayo xilka qaadistii uu ku sameeyay
gudoomiyiihii/Duqii hore ee gobolka Banaadir.
Safarkan degdega ah ayaa lagu macneeyay in ladoonayo in lagu soo afjaro khilaafka soo kala dhexgalay Xukuumada raysal wasaare Cade, iyadoo ay is casileen xubnaha halbowlaha u ahaa dawladiisa wiigii hore ka dib markii uu jagada ka xayuubiyay duqii magaaladada muqdisho.
Sidoo
kale madaxwayne C/laahi Yuusuf ayaa isna ka biyo diidan
safarka waa sida aanu xanta ku helnay e isagoo ka cararaya
inuu u muuqdo mid aan taladiisa ku socon balse fulinaya uun
danaha Itoobiya.
Safarkan ayaa u muuqda
hadii uu hirgalo mid dhirbaaxo ku keenidoona nabadayntii raysal wasaaraha Soomaaliya Nuur Cade ka waday gudaha iyo dibadaba maadaama aysan nabad Soomaaliya ka dhalataa wakhtigan dani ugu jirin wadanka jaarka aynu nahay ee Itoobiya.
Xafiiska Wararka ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |