Gumaysiga Itoobiya oo si waxashnimo leh ugu xasuuqaya dad Rayid ah magaalo madaxda Soomaaliya.
(Muqdisho, Aug 15,
2008 Ceegaag Online)
Ciidamada Dalka aynu Jaarka nahay ee Itoobiya ayaa Agagaarka qabuuriihii KM 13 ku gumaaday dad rayid ahaa waxaa kale oo ay ku gumaadeen ilaa 45 qof oo saarnaa Xaajiyad iyo laba Bas buundada carbiska, dadkan aayaa lagumaaday ka dib markii kooxaha wax qarxiyaa ku qarxiyeen gaadhi Itoobiyaan ah oo goobta marayay.
Talaabadan oo la dhawrayo waxa ay dawlada Soomaaliya kaga jawaabi doonto iyada oo ay ku sugan yihiin masuuliyiintii ugu sarsaraysay dawladaa Xarunta Adis Ababa.
Gumaadka ciidamada Itoobiya ayaa ah mid ay caadeesteen inay gumaadaan dadka ka agdhawdhaw meelkasta oo miino loo dhigo.
Waxaa kale oo ilaa labaataneeyo rayid ah ayku gumaadeen 24 saacadood ee na dhaafay gudaha magaalda Muqdisho iyadoo kooxaha wax iska caabintu aysan waxba ka caabin dadkaa rayidka ahaa ee Itoobiya gumaaday.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |