shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Haweeney Soomaaliyeed oo Dalka Uganda ka raadineysa Askari ka tirsan Ciidamada Amisom oo ay meher la’aan ugu dhashay Wiil.

(Kampala, Aug 25,  2008 Ceegaag Online)

Soomaalidu waa dad xirxiran oo dhowrsan, waana dad isla weyn oo qabkoodu sareeyo waxay ahaan jirtay sifo dadkeena ay laheeyeen taariikhiyan, laakiin isbedelka dhacay ee qaranjabka ugu weyn yahay wuxuu na dhaxalsiiyay inaanu weyno wax waliba oo qiime lahaa Diin ahaan, dhaqan ahaan iyo dad ahaanba.

Dhaqanka lumaya ee haweenkeena wuxuu ka mid yahay dhibatooyinka waaweyn ee hore u bilownaa balse xaaladda la galay ay uga sii dartay, duruufta jirtana ay sii quudisay ilaa heer gebi ahaan laga tegayo dhaqankii suubaa iyo diintiiba.

Haweeneey Soomaali ah oo wadadata Wiil yar oo ay u dhashay askari ka tirsanaa ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, ayaa gaartay shan maalmood ka hor dalka Uganda, si ay uraadiso ninkii ka dhalay wiilkeeda yar.

Gabadhan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nino Omar Ibraahim waa  23 sano jir,waxaana ay heysataa wiil 4 bilood jir ah kaas oo ay u dhashay askari Ugandes  ah oo ka mid ahaa qeybti ugu horeeysay ee ciidamada Uganda ee soo gaaray magaalda Muqdisho.

Nino Omar Ibraahim, ayaa waxaa ay ka warbixisay habkii ay ku tagtay dalka Uganda oo ay haatan ku sugan tahay,waxaan ay sheegtay in ay kasoo carartay magaalada Muqdisho kadib markii ay soo gaareen hanjabaadyo kaga imanay dad aysan garan kuwaas oo ugu goodiyey in ay dili doonaan.

“Waxaan soo gaaray halkaan mudo haatan laga joogo shan maalmood ah, waxaan soo maray dhib badan iyo xakaar badan,ujeedeydu waa in aan helaa oo aan la midoobaa ninka iga dhalay Wiilkan yar oo ah nin udhashay dalka Uganda” ayey tiri Nino Omar Ibraahim.

Nina mar ay ka hadleysay Askariga ka dhalay Wiilka waxa ay tiri "Haa waan aqaanaa waana jeclahay,waxaan kula kulmay marki ugu horeysay Cisbitaal ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Muqdisho aniga oo halkaas u kaxeeyey aabaheey Sheekh Ibraahim Omar oo xanuunsanaa markaasi”

Waxaa ay sheegtay in ay haatan diyaar u tahay in ay la noolaato Askrigaan walibana ay aad ujeceshahay iyada oo ka codsatay dadka reer Uganda in ay la radiyaan.

Nino oo haatan ku sugan xerada qaxootiga Kisenyi ee magaalada Kampala halkaas oo ay kunool yihiin inta badan qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxaa jimcihii la kulmay Afhayeenkii ciidamada
Uganda Maj. Paddy Ankunda kaas oo usheegay in ay is dejiso isla markaana loo raadi doono wixii xuquuq ah oo ka maqan gabadhani.

Maj. Paddy Ankunda oo isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in uu aqoon saday askariga ka dhalay gabadhan  wiilka ay heysato,waxaana uu ku sheegay magaciisa yahay Joshua Asiza.

“Haa waan aqaanaa waa sarkaal labo alifle ah oo ka mid ahaa 1,600 oo askari oo ka mid ahaa ciidamada Uganda ee AMISOM ee la geeyey magaalada Muqdisho sanadi 2007, waxaa uu ka howl gali jiray Cisbitalkeena ee magaalada Muqdisho,waan la xiriiri doonaa,hadii uu qirto waa sidi la rabay hadiise uu diido waa arin kale”sidaa waxaa yiri Paddy Ankunda.

Sida ay qoreen warbahinta dalka Uganda askarigaan ayaa laga yabaa in uu inkiro waxa ay sheegeyso gabadha Soomaalida ah,waayo ka hor inta aaney ka bixin dalka Uganda ciidamada Uganda ee AMISOM waxaa qudbad dheer u jeediyey madaxweeynaha Uganda Yuweri Museveni,kaas oo uga digay in ay ku kacaan wax ka baxsan sharciga dalka Uganda.

Arintan ayaa waxaa aad uga naxay dadka Soomaaliyeed ee kunool dalka kuwaas oo ka war helay wararka ku saabsan gabadhani xili ay ku sugan tahay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda, waxaana falkani ay ku kacday gabadhani Soomaaliyeed ee lagu magacaabo Nino Omar Ibraahim uu kasoo horjeedaa Shareecada Islaamka maadaama ay dhashay wiil aan ku dhalan Meher sharci ah.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com