Hidaha
Soomaalida iyo dhaqanka Gaalada! :By Mustafa Akhyaar.
(UAE, Aug 11,
2008 Ceegaag Online)
Bismillaaah
Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida
Hidaha iyo dhaqanka Sooomaalidu waa astaanta lagu garto
ummadda Somaaliyeed ee Muslimka ah, hadaba waxaa is waydiin
mudan Markasta oo la soo bandhigo Hidaha iyo dhaqanka
somalida waxaad arkaysaa Gabadh Soomaaliyeed oo loo soo
xidhey Dhacle iyo Sadexqayd oo ah maro loo bixiyey hidaha
iyo dhaqanka somalida oo Dumarku xidhaan, Mardaas dumarku
xidhaan marka aad fiirso qaabka loogu soo labisey Gabadha
Soomaaliyeed ee Muslimka ah waxaad arkaysaa In Dhar aan u
qalmin loo xidhey oo Karaamadeedii iyo sharafteedii
Banaanka loo soo muujiyey.
Qof
kasta oo Muslim ah waxa uu og yahay in ilaahay uu amrey
Rasuulkiisa Muxamed SCW iyo Haweenkiisa iyo Dhamaan Gabdhaha
Muslimiinta ah In ay Xidhaan Xijaabka, Xijaabka waxaa la
yiraahdaa Maro kasta oo ka raaracsan gabadha jidhkeeda
Asturaysana Cawrada Gabadha Muslimadda.
Hadaba Hadii aan fahanay in uu yahay Xijaabku Shay ku waajib
ah gabadha Muslimka ah, waxaa mudan in aan su'aal u soo
bandhigno had iyo jeer dadka isku hawla hidaha iyo dhaqanka
somalida.
Dadka Xiiseeya Cayaaraha sida ay ka daawadeen TV'yada waxaa
lagu qabtey wadanka Shiinaha Caasimadiisa Bakiin Cayaaro La
isugu Yeedhey Ummadda aduunka oo dhan furitaankii
Cayaarahaas waxaa Lagu furayey inay Qolo walba soo maraan
Dadka Hortiisa si loo arko Iyaga oo wata Calaamadda
wadankooda lagu garto.
Maalintaas waxay noo ahayd Galab Jimce ah waxaan ku soo
leexdey koox Somali iyo Jinsiyado kale isugu jirta
Hortoodana uu ka soo jeedo Shaashad wayn oo ay ka socoto
Bandhigii Furitaanka Ciyaarihii olympicada, isla markiiba
waxaa Maskaxdayda ku soo dhacay bal fiiri Somalidu waxa ay
astaan ka soo dhigtaan, waxaa bilaabmey in qolo walba soo
baxdo iyagoo wata astaanta wadankooda xidhanna dharka ay
dhaqanka u leeyihiin Markii Dad badani Soo mareen meeshii
Waxaa shaashadda ka soo boodey Eritrea waxaa soo marey
Ethiopia oo xidhan dharka Hidaha iyo dhaqanka Somalida loogu
magacdarey dhar u eg.
Si
fiican markaan uga bogtey Ethipiankii waxaan Maskaxdayda u
sheegey bal inaan isu fiiriyo dharka somalidu ku soo maraan
meesha xoogaa yar kadib waxaa soomaray koox Somali ah oo
wadata Calanka somaliya Dharkii raggu watey waxa u ahaa
dhar ku munaasab ah ragga sifiican ayeey u labisnaayeen
waxaanse Jeclaystey inaan si fiican u dhugto Bal Dumarka ka
danbeeya dharka ay xidhan yihiin waxaa igu soo baxay Gabdho
Somaaliyeed oo loo soo xidhey Dhar aan u qalmin inay xidhato
Gabadh Muslimad ah. Runtiina hablihii soomaaliyeed wax farqi
ah oo aan kaga sooco koodii Ethiopia ka socotey iima muuqan
aan ka ahyn Calanka buluuga ah.
Hadaba Ujeedada Qoraalkaygu waxa uu yahay:-
Walaal Ma jeceshahay inaad ilaaliso Karaamada Gabadhaada,
Hooyadaa, Xaaskaga, Walaashaa, Hadii ay tahay jawaabtu
haaaaaaaa Sidee u suurtoobaysaa inaan Dhawrno Karaamada iyo
sharafta gabdhaheena Khaastan Xiliyada ay isku
hawlayaan Dharka loogu magac darey Hidaha iyo dhaqanka?
Ma
suurtoobaysaa Hadii aan laga maarmayn dharka hidaha iyo
dhaqanka in Gabdhaha loo talo ama loo sameeyo Maryo Asturan
oo aan Islaaamnimadooda wax u dhimayn?
Gabdhaha Muslimka iyo gaalda waxaa kala sooca Xijaabka
Hadii Gabadhii Muslimka ahayd Xijaabkii dhigto maxaynu kaga
soocaynaa Gabdhaha gaalada?
Talo
Waxaa iga talo ah in dhamaan la joojiyo Dharkan Qaawanida
ah ee Gabdhaha Somaliyeed Hidaha iyo dhaqan looga dhigayo
Gabadha Muslimadda ah Dhaqankeedu waa dhaqanka Islaamka,
Islaamkuna ma ogola Gabadh Cadaysimo ah inay Caalam hortiis
marmarto Dadka Masuuliyiinta ah ee had iyo goor hawlahan
Cayaaraha qabta waxaan kula talin lahaa inay ilaahay ka
cabsadaan ilaaliyaanna Sharafta iyo karaamada Qofka Muslim
ka ah, Hadii aydaan ka maarmayn inaad ka qaybgashaan
Cayaaraha Gabdho ha inaga gaynina, Hadaad diidaan Astura oo
dhar Muslim u xidha.
Wixii talo iyo tusaale ah waxaad iigu soo hagaajin kartaa
Mustafa Akhyaar
mustaf83@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |