shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Musharax kamida musharixiinta maamul goboleedka Puntland General Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa maanta duhurkii soo gaarey Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag

(Dhahar, Aug 14,  2008 Ceegaag Online)

Musharax kamida musharixiinta maamul goboleedka Puntland General Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka Jiir ayaa maanta duhurkii soo gaarey Degmada Dhahar ee gobolka Sanaag iyadoo Generalka loogu soo dhoweyey si madax weynino isla markaana damaashaad iyo dabaal deg loogu soo dhoweyey.

Ciidamo tiro badan iyo Fardihii Sunaariga ayaa waxay Generalka iyo wefdigiisii kaga hortageen Laamiga iyo tuulada Alxamdulilah dabeedna ay ciidamadii halkaa Salaan ku siiyeen soona gelbiyeen.

Jaamac Ayaanle iyo Maxamed Ciise oo ka mid ah Saxafiyiinta Madaxa banaan ee Dhahar iyo LaasqorayNET oo wehiliya Wefdiga goor aanu la xiriirney oo aanu weydiiney qaabka ay wax u dhaceen ayaa noo sheegey inuusan hore u arag soo dhoweyn sidan oo kale ah iyadoo uu sheegay in Magaaladu ay dhamaanteed isu soo baxdey.

Ciid Ducaale [Wiilkii Col Ducaale] oo gacan qaadaya Generalka

Sidoo kale wariyaal kale oo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa noo xaqiijiyey Generalka iyo wefdigiisa lagu soo dhoweeyey caleemo qoyan iyo calankii Jamhuuriyada Somalia. 

Cutubyo ka tirsan Ciidanka La dagaalanka Xaalufinta Dhahar

Warar kale oo Hoose ayaa sheegaya in Generalku uu si Gaar ah ula kulmi doono Saraakiisha Ciidanka la dagaalanka Xaalufka oo ah kuwa aad u taysan isla markaana tababar milateri haysta, walaw aan si rasmi ah loo sheegin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

Ciidanka la dagaalanka Xaalufka ee Degmada Dhahar ayaa kaalin xoogle ka qaatay soo dhawaynta Murashaxa iyagoo amniga magaalada sugayey isla markaana baabuurta Dagaalka ee gaashaaman ay magaalada  gaaf wareegeysey.

Generalka oo 2 Sunaari dhex taagan

Generaalka iyo wefdigiisa ayaa waxay sidoo kale muujiyeen faraxada weyn, aadna uga mahad celiyey bulshada iyo saraakiisha ciidanka Dhahar isla markaana tilmaamey iney Reer Dhahareed Abaal weyn muujiyeen 

Ciidanka La dagaalkan Xaalufinta oo Salaan siinaya Generalka

Generalka ayaa isna si gaar ah ula hadley bulshada Dhahar in kooban una sheegey iney u diyaar garoobaan dal dhis, horumarin iyo iney ka shaqeeyaan ayaahooda.

Shacabka Dhahar oo si diiran usoo dhoweynaya Generalka iyo Wefdigiisa

Sidoo kale soo dhowaynta waxaa ka qaybqaatay ururada bulshada sida uurka danad iyo waliba sports- ka iyo waliba dad aad ubadan iyadoo maalinimada bari ahna la filayo in uu janaralku uu khudbad ka horjeediyo shacabka ku dhaqan degmada dhahar iyo waliba gudiga ilaalinta degaanka si khas ahaan ah

Waxa uu Generalku sheegey inuu Berito Khudbad balaaran jeedin doono iyadoo aad moodid in Magaalada Dhahar ay noqotey mid hanatey bilada Dahabka ah.

 

Waa fardihii caanka ahaa ee Sunaariga[Garaad Cali Dable ayaa Somalia keeney qarniyadii dhexe]

Bulshadii oo aad ka arkeysid sida wacan ee ay uga soo qayb galeen soo dhoweynta

Maanta waxay ahayd maalintii Dhahar iyadoo ay degmooyinka kale ee Gobolkuna ay sugayaan Generalka iyo wefdigan balaaran hase yeeshee waxaadba moodaa iney Dhahari kaalintey cayaartey aysan gaareyn degmooyinka kale.

Ilo ku dhawo dhawo Xafiiska Murashaxa ayaa warbaahinta Gudaha u sheegay in maalinta Bari ah uu kulan la qaadan doono Odayaasha Deegaanka iyo dhamaan waxgaradka Degmada Dhahar.
 
Sida qurshuhu yahay Maalinta bari ah galinkii danbe ayaa la filayaa inay waftigaasi ka duulaan Magaalada Dhahar kuwaasi oo qoobka soo galin doona Magaalooyinka Xinaglool, Ceel-Buhu ee Badhan, waxa xusid mudan in wariyaal Caan ka ah Gobolka ay safarkaasi ku weheliyaan Gen-ka kuwaasi oo si toos ah warbixinaha uga soo gudbinaya.

Xigsho: Laasqoray

  

webmaster@ceegaag.com