Dawlada
itoobiya oo isku dayasa inay ku khaarajiso shil
diyaaradeed sadexda masuul ee ugu sareeya Dawlda
Soomaaliya.
(Muqdisho, Aug 15,
2008 Ceegaag Online)
Mar aanu
saaka la xidhiidhnay masuul ka tirsan dawlada Federaalka ee
Soomaaliya oo naga codsaday inaanan shaacin magaciisa ayaa
waxa uu noo xaqiijiyay in ay jirtay isku day ay waday
dawlada Itoobiya isku daygaa oo ay doonasay inay hal mar uga
takhalusto sadexda masuul ee ugu sareeya dawlada Soomaaliya.
Masuulkan ayaa waxa uu intaa raaciyay inaysan suuro gal
ahayn in ay hal diyaarad wada raacaan sadexdax masuul iyada
oo ay jirto jahwaraar siyaasadeed oo ku habsaday dawlada iyo
mucaaradkeedaba.
Masuulkan isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu waxa uu intaa
raaciyay waxaa noo heelan caalamka fursadana nama soo marin
maanta ka horow waa in laga feejignaadaa inaysan ka
fashilmin umada Soomaaliyeed, oo dib loo hantaa hanaankii
dawlad nimo.
Waxaa
cadaw ku ah Soomaaliya dad Soomaali ah oo iyagu dano gaar u
ah eeganaya ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay.
Inataa
ka dib waxaan la xiriirnay Aqalka Madaxtooyada Villa
Soomaaliya oo aanu ka xansanay in madaxwaynuhu u anbabaxoyo
Adis Ababa iyo in kale waxaana naloo sheegay in diyaaradi
fadhido garoonka Muqdisho madaxwaynuhuna tagayo Adis Ababa isagoo markaa shir kula jiray Ergay ka socda uruka
midnimada Africa.
Xafiiska Wararka ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |