Jaamacada
Bariga Afrika ee Magaalada Bosaaso ayaa soo Kordhisay
Barnaamij Cusub oo ah Aqoon (Daawo Sawiradda).
(Bosaaso, Aug 31,
2008 Ceegaag Online)
Jaamacada
Bariga Afrika ee ku taala magaalada Bosaso ee xarunta
Gobolka Bari ayaa soo kordhisay Barnaamij Cusub oo ay u
bogeen Bahda Waxbarashada Jecel, Maamulka Jaamacadaasi ayaa
sheegay inay barnaamijkaasi dhawaan daaha ka qaadeen isla
markaana ay gacanwayn ka gaysatay Jaamacad ku taala Dalka
Malaysia
Jaamacada
Bariga Afrika ayaa waxa dhigta Arday badan oo ka soo
sadcaashay Gobolada Dalka Somaliya iyo waliba kuwa kale oo
ah Reer Puntland, waxana inta badan lagu Amaanaa inay kaalin
xoogle ka qaatado kobcinta Aqoonta.
Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika
Prof Maxamed Cabdi
ayaa sheegay inay dhawaan hashiis wada galeen Maamulka
Jaamacada Bariga Afrika iyo Maamulka kale ee Jaamacada UTeM
ee ku taala Dalka Malaysia.
Gudoomiyaha ayaa u mahad celiyay xubnihii ka socday
Jaamacadaasi Dalka Malaysi isaga oo sheegay inay diyaar u
yihiin ka Jaamacad ahaan xidhiidh kasta oo lagu xoojinayo
Aqoonta.
Prof-ka
ayaa sidoo kale sheegay inay Jaamacada Bariga ay tahay
Hooyadii Puntland marka laga hadlayo heerka Aqoonta.
Gudoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf Faroole ayaa
halkaasi hadal ka soo jeediyay waxana uu sheegay in haatan
ay Jaamacada Bariga Afrika talaabsatay isla markaana ay
gaadhay meel sare Mr Faroole ayaa dhankiisa sheegay inay Ka
Maamul Gobolka ahaan ay la shaqaynayaan Maamulka Jaamacada.
Akhri Hashiiska ay wada Galeen Labada
Jaamacadeed
Progaramka
Engineerinka Waxaa heshiis ku galay Jaamacada Bariga africa
iyo UTeM malaysia March 2008da Magaalada Malaka Malaysiya si
loo fuliyo ayey UTeM u soo dirtay Team Sadex Nin ka kooban
oo uu Hogaaminayo Kuxigeenka arimaha Akademiga ee UTeM
Maxahed Nooh Jamacaal.
Barnaamijka Engineerring a waxaa uu isugu jiraa labo qaybood
1-Electrical Engineeringa-Shan takhakhus
2-Mechincal Engineering Shantakhakhus.
Progaramku waa 2 qaybood
(1)-Diploma
(2)-Degree
year Zero wax yaabaha laga baran Doonona waxa ka mid ah Math
Phaysic ,Chemistry, iyo English.
Deploma 2
years , Degree 4 years
Shahaadada Macalimiinta iyo Nidaamka Waxbarashada kuli waxaa
bixinaya UTeM Jaamacada Bariga Africana way marti gelinaysaa.
Daawo Sawiro kale
Xigasho:
Laasqoray
webmaster@ceegaag.com |