shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Jaamacada Muqdishu oo farac cusub ka furatay Goboladda Puntland.

(Bosaaso, Aug 06,  2008 Ceegaag Online)

Waxaa Hoteelka International Village ee Magaalada Bosaaso lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay laguna furrayey faricii ugu horeeyey ee Jaamacada Muqdisho ee deegaanka Puntland

Xafladaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal ruux oo isugu jira Hay'adaha dowlad goboleedka Puntland, Hay'addo caalami ah,bahda waxbarashada, aqoonyahanada, culimada,ururada bulshada rayidka, isimada,ganacsatada haweenka dhalinyarada iyo ardada dugsiyada sare ee Gobolka bari ee Puntland.

        

xafladan oo ahayd mid aad usoo jiidatay ka soo qeybgalayaasha waxaa lagu daawadsiiyay Film muuqaalo sawiri iyo qoraalo isugu jira oo ka sheekeeynayey taariikhda Jaamacada Muqdisho wax qabadkeedii mudadii 12-ka sano ee la soo dhaafay iyo duruufihii ay soo martay wuxuuna dadkii daawanayey uu ku reebay xusuus aad uqiimo badan waxaana filimkaas dadka usharaxay Mudane C/raxmaan Macalin C/llaahi (Baadiyow) oo ah guddoomiyaha Board ka Jaamacadda Muqdisho, waxaa kale oo halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Dowlad goboleedka Muntland Mudane Maxamuud Bile Duble oo si aad ah usoo dhaweeyey furida faracaan sheegayna in jaamacadu ku soo kordhin doonto Gobolada Puntland khibrad aad udheer oo ay ka kasbatay 12-ka sano ee howsha ay ku guda jirtay.

Ugu danbeyntii waxaa aragtida Jaamacada iyo faraca cusub ka hadlay gudoomiyaha Jaamacada Muqdisho Dr. Cali Sheikh Axmed Abuubakar dhibta ugu weyn ee dalka ka taagan oo ah tan keentay bur burka qaxootinimada, lumida sharaftii dowladeed qiimihii dalnimo iyo dadnimo waa aqoon xumo  waxay dhaxalsiisaa jahli gabagabadii wuxuu gudoomiyaha jaamacada Muqdisho wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisii xalku waa tacliin iyo aqoon ku dhisan dadaal xoog badan

           

Jaamacada muqdishu waxaa la aas aasay 1996 jaamacadii ugu horeysay ee dalka laga aas aasay burburkii dowlada soomaaliyeed kadib, jaamacada muqdishu waxay soo saartay 8 sideed dufcadood oo ka qaatay shahaadada BSC iyo  BA waxayna ka koobantahay 7 kuliyadood iyo 22 taqasus iyo barnaamijka daraasaadka sare ( Master iyo PHD) Jaamacaada oo leh aqoonsi caalami ah kana mid ah 40 ka Jaamacadood ee ugu horeeya qaarada Africa waxaa kale oo ay Jaamacada Muqdisho ka midtahay 6 urur oo Jaamacadeed oo kala ah.

1) Midowga Jaamacadaha Caalamka Islaamka( fumi)
2) Midowga Jaamacadaha Wadamada Carabta
3) Midowga Jaamacadaha Carbeed ee gaar ka ah
4) Raabidada Jaamacadaha Islaamiga ah
5) Midowga Jaamacadaha Africa
6) Midowga Jaamacadaha Caalamiga ah

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com