shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Cayaarihii kubadda koleyga ee uu ururweynaha SSIFO oo ah ururka ugu weyn ee qabanqaabiya Basketka ka wado London ayaa maalintoodii labaad shalay galay

(London, Aug 15,  2008 Ceegaag Online)

Tartankii kubadda kolayga SSIFO 2008 LONDON ayaa wuxuu galay maalintiisii labaad, cayaaruhuna maalinba maalinta ka danbayso waa soo kululaanayaan, maalin walba waxaa la cayaaraa ilaa iyo seddax cayaar. Hadaba kulankii shalay ilaa xalay la cayaaray ayaa waxay kooxuhu u cayaareen sida hoos ku qoran:

Game 1: Cayaarihii maalintii labaad ee kooxaha Cardiff Vs USA (Youth)

Waxaa maalintii labaad ee tartanka ka soo qayb galay dadweyne aad u fara badan oo u malaysan waayey gudoomiyaha kooxda London Capital City Brandon Bethel sida ay uga soo qayb galeen daawadayaashu. Wuxuu kaloo aad u amaanay awooda kooxeed iyo shaksi ee dhamaan ciyaartoyda iyo kooxaha.

Waxaa ciyaartii kowaad fooda is daray kooxda Cardiff oo dhibic keliya looga soo badiyey ciyaartii hore ee ay la yeesheen Canada Jnr team iyo kooxda USA Minnesota oo celcelis u ahaa in ay cayaaraan, maadaama aanay weli cayaarin.

Kooxda Cardiff oo kala ahayd Mahad, Aron,Berry, Abdullahi, Hassan, Mohamed Jama, Shaafici, iyo Cisaaq, waxaa ka muuqatay dadaal, balse ma fududa kooxda USA Minnesota oo kala aha Sharmarke, Guleid, Daa'uud, Ahmed Eman, Yasin, Khalid, Cabdiqani, .Cabdixkiin, Cabdullahi iyo Waasuge. Kooxda Maraykan waxaa macalin u ah Axmed Dahir oo runtii aad u soo diyaariyey.

Markii Ciyaartu bilaabatay waxaa kooxda USA ku difaacday Cardiff garoonka oo dhan (full court) taasina way ku adkaatay kooxda Cardiff iney difaacaas jebiso. Kooxda Cardiff waxay u ahayd waaya aragnimo halka kooxda USA ay u ahayd dhoola tus. Waxa cayaarta qaybteedii hore ku dhamaatay USA 50 Cardiff 25. Qaybtii labaad waxaa koox koox kastii iney awood cusub muujiso waxaase gebagebadii ay diiday Cardiff in laga dhaliyo boqol dhibcood oo loo moodayey in USA ay tiigsanaysey waxaana ciyaartii ku dhamaatay USA 92 Cardiff 56.

Game 2: USA Vs Canada (Seniors)

Ciyaartii labaad waxaa iska horyimi ruug cadaagii ama dhalinta cuslaatay waxaa ku kulmay USA iyo koox metelaysey Canada. . Waxaa labada kooxoodba ku jirey ciyaartoy laga yiqiin dalkeenii hooyo, daawadayaal fara badana uga yimaadeen meelo fog fog si ay ula kulmaan ciyaartoydii hore ee qaranka Soomaaliya sida Axmed Daahir, Cabdulqaadir SHIIKHA, Cabdi Xalwo, Rashiid Doob, Nuuradiin, Saley, Maddaxey waxaana tababare u ahaa macalin Idiris Sulaiman.

 

Dhinaca kale ee Canada, waxxa hogaaminayey macalin Cabdi dheere, oo watay Dhamme, Axmed Tuke, Axmedeey B, Dauud Axmed Dheere, iyo Maxamed Sheikh muuse (holoqsane).

Ciyaartu wexey ku bilaabatay iyadoo la kala baqayo oo midba mida kale eegeyso xeesheeda iyo tabaha ay la shir timi, waxaana dadkii daawanayey sheegeen in aaney kooxna si aad ah jaanta usla helin sidii la filayey. Waxaa lagu kala nastay Canada 25 USA 27 waxaana ciyaartii ku dhamaatay USA 58 Canada 47.

Game 3: Canada Vs Switzerland (Youth)

Ciyaartii saddexaad oo ahayd tii ugu xiiso iyo xamaasad badnayd waxaa labada kooxoodba muujiyeen dadaal iyo rabis ama doonis iney guuleystaan kooxd Canada oo leh taageerayaal aad u fara badan ayaa soo bandhigay ciyaar heer sare ah halka kooxda Switzerland samaysay horumar lixaad leh koox ahaan. Bilawgii ciyaarta waxaa hormaray Canada hase yeeshee waa laga daba yimi wax marba kooxi horeyso waxaa dhamaaadkii ciyaarta kooxda Canada ku dartay dadaal waxaana guushii ku raacday Canada 63 Switzerland 55. Mar kale waxaa ciyaar wanaag muujiyey 7 Libaan Isse-Raage, iyo 16 Derek, dhanka Canada waxaa loo bogay oo la amaanay kooxda oo dhan marna ma kala dhicin.

 Cayaartii dhex martay Canada iyo Switzerland

Waxaa intaas ku soo gaba gaboobay labadii maalin ee tartanka ugu horaysay. Kooxaha qaarkood waxay ciyareen min laba ciyaar halka qaarna ay dheeleen hal ciyaar oo qura. Hadaba jadwalka kala badinta ayaa ah sidan hoosta ku qoran.

KOOXAHA YAR YARKA (Jnr)

KOOX CIY. BADIS L.BAD B.DHAC G/DHAL L/DHAL HARAA DHIB
Canada 2 2 0 0 116 107 9 4
Cardiff 2 0 2 0 108 145 -37 0
London 1 1 0 0 83 67 16 2
Swizz 2 0 2 0 122 146 -24 0
USA 1 1 0 0 92 56 36 2

KOOXAHA WAA WAYN (Senior)

KOOX CIY. BADIS L.BAD B.DHAC G/DHAL L/DHAL HARAA DHIB
Canada 1 0 1 0 47 58 -11 0
Europe 1 0 1 0 41 57 -16 0
London 1 1 0 0 57 41 16 2
USA 1 1 0 0 58 47 11 2
  • Maanta oo Arbaco ah taariikhduna tahay 13/08/08 waa nasasho. Waxaa dib la isugu soo noqon doonaa berito oo Khamiis ah. Waxaana wada ciyaari doono kooxaha:

    Switzerland Vs USA 15:00

    U S A Vs London (Senior)

    17:30
    Canada Vs London 19:00

    Waxaa soo diyaariyay:
    Xoghayaha ururka SSIFO
    Mohamed Sheikh Abdi (weli)

     

      

    webmaster@ceegaag.com