Maamulka Somaliland oo talaalka dabaysha ka bilaabay Laascaanood
(Laascaanood, Aug 13,
2008 Ceegaag Online)
Maamulka S/Land oo kaashanaya Hay'adaha samafalka ayaa talaalka dabaysha ka bilaabay Gobolka Sool 10/08/008 kuna eg 14/08/008.
Talaalkani ma aha kii ugu horeeyey, ee mudooyin farabadan ayaa talaalka laga fuliyey Gobolka Sool, laakiin kani waxuu kaga duwan yahay kuwii hore ee imaan jiray S/Land;-
Waa markii ugu horaysay ee Maamulka S/Land uu ka fuliyo Laascaanod, isagoo keligii gacanta ku haya Gobolka sool.
Talaalkan laga bilaabay Gobolka sool, waxaa lagu talaalayaa caruurta da'doodu dhan tahay shanta sano iyo wixii kayar, kuwaas oo laga talaalayo cuduka polio ama dabaysha.
Hadaba in kastoo dhawr goor oo hore WHO ay sheegtay in Soomaaliya laga ciribtiray cudurka dabaysha, hadana marar badan oo ka danbeysay ayay sheegeen in Soomaaliya laga helay dhowr calaamadood oo ah cudurka dabaysha.
Iyagoo soo noqoshada cudurkaas sabab uga dhigay in cudurkaasi ka soo galay wadamada Djiouti iyo Ithiopia, kuwaas oo aan weli laga dabar goyn cudurkaas.
Hadaba iyadoo Soomaaliya aanay ka jirin dowlad ka wada talisa, ayaa Hay'aduhu galeen booskii Dowlada iyagoo aan wax u qaban sidii laga filayey, taas oo ay sabab u tahay Soomaalida badankeeda oo aan garaneyn sida loo maalo Hay'adaha.
Hadaba hay'adaha hadii la ilaaliyo nabadgelyadooda waa laga faa'iidaysan karaa, hadii kalese waxba lagama helo.
Xafiiska Wararka ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |