Gaadhi laga soo dhacay Maamulka Puntland loolana soo galay Maamulka Somaliland oo dib loo celiyey
(Laascaanood, Aug 09,
2008 Ceegaag Online)
Baabuur noociisu yahay Landcrusier, Soomaaliduna ay u taqaan layla calaawi ayaa waxaa laga soo dhacay Maamulka Puntland, kaas oo ay lahayd Hay'ada jidadka samaysa (Neesha) fadhigeeduna yahay Garoowe.
Hadaba baabuurkan oo loo arkayey markii la soo dhacay, inuu mari doono wadadii hore ee ay mari jireen, kuwii isaga ka horeeyey ayaa ka bedelmay sidii la filayey, iyadoo ay malaynayeen in waxoogaa lacag ah lagaga bedelandoono kuwii soo dhacay, sidii horay u dhici jirtay.
Arinkan ayaa mar keliya laga war helay in la celiyey baabuurkii, iyadoo sabab looga dhigay in ay odayaal jooga Laascaanood ka odayeeyeen celinta baabuurkaas.
Waxaa kale oo la sheegayaa in nimankii soo dhacay baabuurkaas la siiyey xoogaa madax furasho ama lacag ah.
Hadaba waraysi gaaban oo Ceegaag la yeelatay qaar ka mid ah nimankii soo dhacay Baabuurka, waxaay u sheegeen markii la waydiiyey sida ay yeelayaan:-
Waxayna ku jawaabeen 'inay ku laabanayaan PL gudaheeda', waxaa kale oo aanu waydiinay inay ka baqayaan in la xir xiro iyo in kale:-
'Waxayna ku jawaabeen maya ,kamana baqayno taa'.
Hadaba arintaasi miyayna ku tuseen ama cadayneen burburka balaadhan ee ku dhacay qaabkii maamul iyo nabadgelyo ee Maamul goboleedka Puntland.
X. WARARKA CEEGAAG
L/CANOD
webmaster@ceegaag.com |