Lamaanihii u
dhashay Dalka Jarmalka ee Afduubka loogu haystay Buuraha
Calmadow oo lasii daayay.
(G.Sanaag, Aug 09,
2008 Ceegaag Online)
Wararka naga
soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa tilmaamaya in la sii
daayay lamaanihii Jarmalka ahaa ee lagu haystay buuraha
Calmadow ee Gobolka Sanaag halkaas oo kooxo burcad
Soomaaliyeed ah ay ka soo qafaasheen badda gacanka Carmeed.
Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf ayaa saxaafada
u sheegay in lamaanahaasi la sii daayey iyadoo ay jirto
Lacag madax furasho ah oo dhan Hal Milyan oo Dollarka
Mareykanka ah inkastoo ilaa iyo haatan aan si dhab ah loo
ogeyn inta ay la egtahay lacagta madaxafurashada ah balsa
waxaa noo suurta gali wayday in aan helno odayaasha dhaqanka
ee maalmahaan ku howlanaa amuurtaan.
dadkan la heestayaasha ahaa ayaa xaaladooda caafimaad ay
tahay mid laga deyriyay iyadoo maanta diyaarad laga saaray
garoonka diyaaraddaha ee magaalada Boosaaso iyagoo isla
maantaba ay ka dageen magaalada Nairobi ee Dalka kenya oo uu
kusoo dhaweeyay Safiirka Somalia u fadhiya Kenya Maxamed
Cali Ameeriko.
Lamaanahan
ayaa Mudo labo bilood waxaa afduub loogu heystay
buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag iyadoo sii deynta
Lamaanahani ay gacan ka geysteen Waxgarad iyo dad dhex
dhexaadinayey burcadda iyo ehelada la heystayaasha. oo
markii danbe ku guuleestay in la sii daayo.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |