Maamulka laascaanood iyo Maanta
(Laascaanood, Aug 10,
2008 Ceegaag Online)
Sidii Somaliland u qabsatay Gobolka Sool, SL waxay ahayd meesha keliya ee la oran karo, waxaa ka
jira wax u eg maamul, marka laga reebo magaalada Oog oo uu ka jiro maamul toos ah.
Sidaa daraadeed iyadoo markii horaba uu san dhamaystirmin maamul u samaynta magaalada Laascaanood, ayaa hadana aanay shaqayn inta badan maamulka Laascaanood.
Hadaba waxa keliya ee shaqeeyaa waa Xarumaha Booliska iyo Maxkamada, labadaas meelood oo la oran karo wax weyn ayay ka qabteen dhinaca
Nabadgelyada iyo Amaanka Magaalada Laascaanod.
MAXAA SABABAY INUU SHAQAYN WAAYO MAAMULKA LAASCAANOOD?
Meel waxaa horumarkeeda iyo dib u dhaceedaba sabab u ah dadka hogaanka u ah, sidaa daraadeed dib u dhaca ku yimid maamul Laascaanood waxaa loo aanayn karaa, is qabqabsi iyo wadashaqayn la,aan ka dhex jirta nimanka maamulka u haya Laascaanood.
Kuwaas oo la oran karo waxay sabab u noqotay inuu dib u dhac ku yimaado rajadii iyo horumarkii loo balan qaaday reer Laascaanood, taas oo markii Somaliland soo gashay GOBOLKA ay ku beer la xowsanaysay reer Sool, taas oo ay lahaayeen haddii aanu joogno 5 bilood oo aanu wax qaban wayno na saara, iyadoo hadana ay joogaan sanad wax dhiman, isla markaana aanay muuqan waxay qabteen.
Hadaba is qabqabsiga ka jira maamulka Laascaanood iyo kala qaybsananta ka jirta waxaad ka arki kartaa:-
Marka mid aado Hargeysa iyadoo inta kalena ka daba yaacayso, aamin daro darteed, waxaa kale oo caan ka noqotay in midba midka kale dacweeyo isagoo leh hebel iska ilaaliya, anaa mudan, hadii aan tayda la yeelin waxba socon maayaan IWM.
Sidaas darteed khilaaf ayaa ka dhex jira maamulka Gobolka
Sool.
Xafiiska Wararka ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |