Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo Maanta ku soo Laabtay Magaalada Baydhabo
(Baydhabo, Aug 27,
2008 Ceegaag Online)
Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay Maalin kadib markii ay Magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya ku soo afjareen khilaaf in muddo ah ka dhaxeeyay Madaxdaas.
Socdaalka ay maanta ku tageen Magaalada Baydhabo, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa looga dan leeyahay in lagu dejiyo xiisaha Siyaasadeed ee ka taagan Magaaladaas gaar ahaan muranka u dhaxeeya Xildhibaannada Baarlamaanka oo la kala safan Madaxweyne Yuusuf iyo Nuur Cadde.
C/llaahi Yuusuf Axmed Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo markii ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha ee Baydhabo kula hadlay halkaasi Saxaafadda ayaa sheegay in uu kusoo laabtay Baydhabo isla markaana arrimo fara badan oo taagan ay soo xaliyeen.
“Aniga iyo Nuur Cadde waxaan isku haysanay arrimo Dastuurka ku saabsan haddana waa la soo dhameeyay arrimahaas”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
Waxaa si aad ah maanta loo adkeeyay Ammaanka Magaalada Baydhabo iyadoo isu socodkii gaadiidka BL-ka iyo dadweynaha maanta wax badan ay xadideen Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ee kusugan Magaalada Baydhabo.
Lama oga waxa ay ka bedeli doonta imaanshaha Madaxweynaha, Ra'iisal Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka mooshanka ka dhanka ah Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde ee Baarlamaanka horyaala
Majirto wax faah faahin dheeri ah oo ay ka bixiyeen safaradooda iyo sida ay wax u soo xaliyeen laakin waxa ay sheegeen in maalinta berito ay hortegi doonaan Baarlamaanka halkaasina ay warbixinta oo buuxda kusiin doonaan Xildhibaanada Barlamaanka.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |