shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yusuuf iyo Nuur Cadde oo Ethiopia ku heshiiyay, kana soo gaaray Qodobo dhowr ah.

(Addis Ababa, Aug 23,  2008 Ceegaag Online)

Kadib Todobaadyo isqabqabsi iyo isku tanaasulaad la’aan  hareeyay Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayntii waxaa maanta la gaaray heshiis dhowr qodob ka kooban.

Qodobbada heshiiska ayaa waxaa ka mid ah:

1. In lagu dhaqmo Axdiga kumeel gaarka ah

2. In la dhiso Gole Wasiirro oo ka kooban 23 wasiir laguna dhiso mudo 15 cisho ah iyadoo kuwii is casilayna lagu soo darayo.

3. In la doorto maamulka Gobolka Banaadir lagana soo doorto degmooyinka uu ka kooban yahay, laguna soo dhiso mudo 15 maalmood ah.

4. In Heshiiskii Djibouti la sii wado oo la hirgeliyo

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com