shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf iyo RW Nuur Cadde ayaa maanta xarunta Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ku saxiixay heshiis ka kooban dhowr qodob.

(Adis-Ababa, Aug 26,  2008 Ceegaag Online)

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra'isal wasaarihiisa Nuur Cadde oo uu wehliyo Gudoomiyaha Barlamaanka ayaa maanta xarunta midowga Afrika ay ku leedahay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa ku saxiixay heshiis qodobo badan ka kooban oo ay ku wada shaqeeyeen labada masuul.

 

Shir jaraa'id oo ay labada Mas’uul ku qabteen magaalada Addis Ababa ayay ku sheegen in la dhameeyay qilaafkii u dhaxeeyay kaas oo so jiitamayay mudo, waxayna muujiyeen sida ay uga go'an tahay in lagu shaqeeyo qodobada heshiisku dhigaayo.

 

Qodobada laga xusi karo ee ku jira qoraalka heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la joojiyo qilaafka u dhaxeeya xukuumada iyo Hay'adaha kale shaqada Xukuumadana loo madax baneeyo Ra'isal wasaare Nuur Cadde isna uu u guto si waafaqsan xeerka, in xukuumada loo sameeyo miisanayad ay ku shaqeyso iyadoo la marsiinayo Golaha Barlamaanka, in dib loo habeeyo ciidanka qaranka lana howlgaliyo iyo in madaxda gobolada ay soo doortaan bulshada degaankaas waxaan meesha laga saaray magacaabidii ay madaxda dowlada soo magaacabi jireen.

 

Saxiixa heshiiskan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Arimaha dibada Itoobiya Seyoum Mesfin, xubno ka socday midowga Afrika iyo diblomasiyiin lagu casuumay xaflada saxiixa ayaa dhamaantood u hamalyeey madaxda Soomaalida sida wanaagsan ee ay u aqbaleen dhexdhexaadinta iyagoo ku booriyay in ay si dhab ah u wada shaqeeyaan.

 

Labada masuul oo hadlay ayaa mid kasta waxa uu balan qaaday inuu ilaalin doono qodobada heshiiska ku qoran iyagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan.

 

Lama oga sida uu ku hirgalayo heshiiskan qodobadiisa aan si fiican loo qeexin iyadoo meel la isaga riixay waxyaabihii dhaliyay qilaafka, halka maalinta bari ah xarunta Barlamanka ku balansan yihiin mudanayaasha Barlamaanka oo doonaya inay cod u qaadaan kalsooni kala noqoshada Xukuumada Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com