shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Mareykanka oo 1.4 Million Dollar ku bixinaya mashruuc miino saaris oo laga fulinayo Somalia.

(Washington, Aug 05,  2008 Ceegaag Online)

Wasaaradda Arimaha dibedda ee Dalka Mareykanka ayaa shaacisay in Dowladda Mareykanka ay maal gelinayso mashruuc miino saaris oo dhawaan laga bilaabayo Goboladda Puntland iyo Somaliland ee Dalka Somalia.

Barnaamijkan oo sidoo kale ay ka qayb galayaan meel marintiisa Hay’addo madax banan ayaa la filayaa in dhawaan laga bilaabo, Sababta meel marinta barnaamijka loogu doortay goboladaas ayaa lagu sheegay in ay ka jirto Nabadgalyo marka loo eego Goboladda Koonfireed ee Soomaaliya.

Goboladda Puntland iyo Somaliland ayaa hore waxaa uga socday mashaaariic miino baaris oo ay wadeen Hay’ado madax banana oo dhawr ah.

Miinada dhulka lagu aaso ayaa inta badan waxyeelo aad u xanuun badan u geysata dadka rayidka ah ee Soomaaliyeed iyada oo tii ugu danbeysay doraad miino ku dishay magaalada Muqdisho haween fara badan oo Nolol Maalmeed ka raadin jiray NGO-yada gudaha Caasimadda Muqdisho si ay u nadiifiyaan waddooyinka Magaalada.

Warkan waxaa qortay Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Dalka Mareykanka

US State Department.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com