Go'aanka
Shir ugu soo gaba gaboobay Jalalaqdi Saraakiisha ururka
maxkamadaha ayaa gees laysaga riixay khilaafka Sh.
Shariifka iyo Daahir Aways.
(Jalalaqsi, Aug 18, 2008 Ceegaag Online
Dhagayso Shirka
Jaraaid.
SH,
C.QADIR CALI CUMAR GUD.KUXIGEENKA MAXAKAMADAHA.
SH,C/RAXIIN
CIISE CADOW (SHIRJARAA,id
SH,
C.QADIR CALI CUMAR GUD.KUXIGEENKA MAXAKAMADAHA.
SH,C/RAXIIN
CIISE CADOW (SHIRJARAA,
Maxaakiimta Islaamiga hogaankooda Sare ee gudaha Dalka
Soomaaliya ayaa gees iska Taagay Khilaafka u dhexeeya
Masuuliyiinta Maxaakiimta ee ku kala sugan Eritrea iyo
Jabuti oo hadda wada hadalo uga socda qeyb ka mid ah
Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka.
Kulan u
socday mudo 5 maalin ah isla markaan ay isugu yimaadeen
Golaha Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed ayaa maanta lagu
soo gabagabeeyay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Sida
wararka sheegayan ujeedada kulankan loo qabtay ayaa waxay
ahayd go'aan ay Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ku sugan
gudaha dalka uga qaadan lahaayeen khilaafka u dhaxeeya
xubnaha Jabuuti iyo Ereteriya ku kala sugan,dood dheer kadib
waxaa ka soo baxay kulankaasi go'aamo lagu sheegay Muhiim.
Sheekh
C/qaadir Cali Cumar gudoomiye ku xigeenka Golaha Fulinta
Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed ayaa waxaa uu warbaahinta
u aqriyay qodabadii ku qornaa bayaan ay ka soo saareen
kulankaasi waxaana uu sheegay in kulankaasi uu ku soo
dhamaaday is afgarad ah waxaana qodobada ka soo baxay ka mid
ah.
In Midnimada Maxaakiimta Islaamiga uu yahay mid muqadis ah.
In wax saameeyn ah uusan ku yeelan Xoogaga Maxaakiimta
Islaamiga qilaafka soo kala dhex galay madaxda Sar Sare ee
Maxaakiimta islaamiga.
In la adkeeyo heshiikii Maxaakiimta
Islaamiga Ay ku gaareen Magaalada Sanaca ee Dalka Yemen .
In Culumaa'udiinka Soomaaliyeed la
aruuriyo si ay uga qeyb qaataan Xalinta Khilaafka soo kala
dhex galay Madaxda Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed isla
markaana ay u sii anba qaadaan Heshiiskii Sanca.
In
aaneey taageerin wax ka baxsan heshiikii Sanca ee ka soo
baxa shirarka ka kala soconaya Jabuuti iyo Asmara
Kulankani oo ahaa mid ay ka soo qeyb galeen ergo gaareeysay
70 xubnood isla markaana ka kala yimid gobolada dalka ayaa
waxa ay dhamaantooda isku wada raaceen in la dhaqan galiyo
qodobada ka soo baxay kulankaasi isla markaana la adkeeyo
Wada Jirka Maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |