shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Meles Zenawi oo sheegay inay ka go'an tahay in Ciidamadiisa uu la baxo, xitaa hadii ay tabar daran tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya. 

(Addis Ababa, Aug 28,  2008 Ceegaag Online)

Ra'iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia Atto Meles Zenawi ayaa ka dhawaajiyay inuu socdo qorshe lagu diyaarinayo sidii Ciidamadiisa uu ugala bixi lahaa Gudaha Soomaaliya, kadib markii Ciidamadiisa ay guul darooyin kala kulmeen soo galistii Dalka Soomaaliya muddo 2 sanno ku dhawaad.

Isagoo wareysi siinayay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa Dalka England wuxuu Atto Zenawi ku nuux nuuxsaday inay ka go'an tahay sidii Ciidamadiisa uga saari lahaa Soomaaliya, xitaa hadii ay Dowladda Federaalka tabar daran tahay.

"Waxaa naga go'an in Ciidamadeena aan kala baxno Soomaaliya, xataa hadii ay tabar daran tahay Dowladda Kmg ah"ayuu yiri Meles Zenawi oo qiray in Ciidamadiisa ay ku dhintaan maalin walba weerarada iyo dagaalada lagala soo horjeedo.

Wuxuu cadeeyay Mr Zenawi in sii joogitaanka Ciidamadooda ay sii joogaan Gudaha Wadanka Soomaaliya ay ku tahay Dhibaato aad u xoogan maadaama gudaha wadankiisa, isla markaana aysan sii awoodi karin in mar walba ay dhaqaalo ku bixiyaan Ciidamadooda ku sugan Soomaaliya

Meles Zenawi ayaa ku eedeeyay Beesha Caalamka inay ka gaabisay taageerada ay siineyso Soomaaliya, waxuuna dagaalada ka sii socda Soomaaliya mas'uuliyadeda dusha uga tuuray Beesha Caalamka oo aan wax kaalmo ah ama taageero aan siin Dowladda Kmg ah.

Wuxuu si cad u sheegay in Dowladda Ethiopia taageerada ay siineyso Dowladda Federaalka aysan aheyn mid waligeeda sii soconeysa oo kaliya ay dhinaca siyaasadda ka taageeri doono hadda kadib dowladda Federaalka

Ciidamada Ethiopia ayaa Soomaaliya ku sugan muddo labo sanno ku dhawaad, waxaana gudaha Soomaaliya ay usoo gashay inay taageero dhinaca milateri ka siiso Dowladda Federaalka , waxaana mudada Ciidamada Ethiopianka ku sugnaayeen Soomaaliya kaga naf waayay askar aad u fara badan, kadib markii ay joogto u noqotay weerarada ay ku soo qaadaan Kooxaha diidan Joogitaankooda.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com