Midowga Yurub oo
21 Million Euro ugu deeqay dalalka Geeska Afrika.
(Brussels, Aug 09,
2008 Ceegaag Online)
Midowga
Yurub ayaa waxa ay lacag ugu deeqayaan wadamo ay ka mid
tahay Soomaaliya taasi oo wax looga qabanayo dhibaatada
haysata shacabka ay dagaaladu halakeeyeen.
Deeqdan
Lacageed oo gaaraysa 21-Milyan oo Lacagta Yurub ah ayaa
waxaa la siinayaa dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea,
iyadoo ujeedada laga leeyahay bixinta Lacagtan ay tahay in
wax looga qabto dadka dhibaataysan ee dalalkaas ku nool.
Qaramada
Midoobay ayaa waxa ay sheegtay in (14 Million) oo dad ah oo gobolka
ku sugan ay xaalad deg deg ah u baahanyihiin oo dhinaca gar
gaarka ah iyadoo sicirka cuntooyinka uu aad u kacay
islamarkaana ay abaaro ka jiraan wadamada Geeska Afrika.
Midowga
Yurub ayaa go'aansaday in dalalka Itoobiya Soomaalia iyo
Eritrea ugu deeqo lacag fara badan oo gaaraysa (21 Milyan)
oo lacagta Yurub , waxyaabaha muhiimka u ah Nolosha dadka
ayaa lagu iibin doonaa Lacagtan sida Biyaha, raashiidka iyo
Caafimaadka deg dega ah
Qaramada Midoobay ayaa iyaduna dhinaceeda waxa ay sheegtay
in sanadkan dhamaadkiisa kala bar dadka ku nool dalka
Soomaaliya ay u baahnaan doonaan gar gaar dhinac walbo ah
kadib markii ay dadkaasi dhibaato fara badan ay ka soo
gaareen dagaalada ka soconaya dalka Soomaaliya iyo qiimaha
cuntada iyo shidaalka laga siisto oo sare u kacey.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |