shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Anigu ma diidani xil ka qaadista Max`ed Dheere, balse waa in ey sharciga waafaqsan tahay 'M/weyne Yuusuf'

(Muqdisho, Aug 12,  2008 Ceegaag Online)

Dhagayso Jirka Jaraa'id oo Dhan ee Madaxweynaha.

Madaxwayne Yuusuf ayaa Saaka ku nuux nuux saday fikirkiisa ku aadan Jago ka qaadida Gudoomiyiihii Hore ee magaalo madaxda Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).

Madaxwaynuhu waxaa kale uu ku tilmaamay warar kutiri kuteen ah in asaga iyo raysalwasaarihiisa soo kala dhex galay Khilaaf.  khilaafkaas oo uu yidhi waxaa wada dad aan dan kalahayn dib u soo noolaynta sharciga iyo kala danbaynta ka luntay Wadanka Soomaaliya.

Madaxweyne  Yuusuf isagoo tafaasiil ka bixiyay warar been abuur ah oo ay fidiyeen  warxumo tashiilo ah saxaafada gaarka loo leeyahay ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa uu yidhi. 'Anigu ma lihi ujeedo gaar ah balse waxaan difaacayaa kuna dheganahay axdiga ku meel gaarka ah ee Somalia,  xilka ka qaadista Maxamed Dheerena aniga ma diidini, xilka waa laga qaadi karaa, laakiin waa iney sharciga waafaqsanaataa, waana taa mid aan ku dheganahay oo aan difaacayo'.

Hadalkan ka soo yeedhay madax waynaha ayaa ah mid dardar galinaya dadaaladii dib u heshiisiinta ee laga dhax waday Dawlada iyo Xoogagii Maxaakiimta kuwooda Daacada ahaa ee ka madhnaa Qabyaalada iyo nin jeclaysiga.

Dadaalada nabadaynta Soomaaliya ayaa waxaa u suxul duuban Raysalwasaare Nuur Cade oo doonaya inuu dawlada ka siibo shaatiga Itoobiyaanka dhinaca Maxaakimtana shaatiga Diinta u eeg ee Qabyaaladu ka hooseeso.

Xafiiska Wararka ceegaag.com

Laascaanod

  

webmaster@ceegaag.com