shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Nuur Cadde "Waxaa jira qilaaf aan sidaas u badnayn oo u dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha".

(Muqdisho, Aug 08,  2008 Ceegaag Online)

Ra'isal Wasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka qeybgalayay dood ay soo qaban qaabisay idaacada Horn Afrik ayaa si toos ah u xaqiijiyay inuu jiro qilaaf u dhaxeeya Madaxda Sare ee Dowlada Federaalka kaas oo ku saleysan hanaanka nabad raadinta Soomaaliya sida uu sheegay Nuur Cadde .

Nuur Cadde ayaa dhanka kale daaha ka qaaday in wasiiradii dhawaan iska casilay xilalkoodii lagu qasbay is casilaada isagoo ku gaabsaday ciidii doontaa ha ku qasabtee, waxa uu si aan gabasho lahayn u carabaabay qilaafka u dhaxeeya isaga iyo Madexweynaha inuusan ahayn sida loo weyneynayo balse uu yahay wax yar.

"Waxaa la isku casilaayo waa diidmo laga qabo in an ka shaqeyno nabada magaalada Muqdisho iyo xil ka qaadistii lagu sameeyay maamulkii gobolka oo lagu eedeyay inuu ka shaqeynayay qas iyo qalaanqal siyaasaded" ayuu si cad u yiri Ra’iisal Wasaaare Nuur Cadde, waxuuna wacad ku maray inta uu xilka hayo inuu ka shaqeynayo nabada uu isaga bilaabay, isagoo shacabkana ku booriyay inay garab istaagan nabada socota.

Mar la weydiyay sida uu u arko hadalka xeer ilaaliyaha guud uu soo saray ayuu yir i"Raisal wasaaruhuna waxa uu leeyahay la taliye sharci Madaxweynuhuna sidaasoo kale ayuu u leeyahay laakiin xeer ilaaliyaha waa danbi ooge booliska u gudbiya cida danbiga leh ee isaga ma aha la taliyihii sharciga xafiiska Madaxweynaha" ayuu ka dhawaajiyay Ra'isal wasaaraha oo si aad ah uga leexleexanayay wax ka dhihida warka xeer ilaaliyuhu soo saaray.

Ra'isal wasaare Nuur Cadde ayaa u muuqday nin raba kalsoonida shacabka inuu kasbado taas oo dadkii oo wacayay idaacada ay intooda badani ugu hanbalyeyeen hadalkiisa wanaagsan iyo qorsha dibu heshiisineed uu bilaabay, wuxuu dadka u sheegay in dowladu tahay adeegaha shacabka balse aysan ahayn madaxda shacabka.

Hadalka Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde oo dheeraa ayaa nuxurkiisa waxa u ahaa mid ka fog is qabqabsiga u dhaxeeya isaga iyo Madaxweyne C/llaahi Yusuuf, balse indhaha dadka siyaasada indha indheeya waxa ay diirada ku hayaan natiijada shirka Jabuuti iyo goorta uu dhici doono saxiixa loogu balansan yahay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com