shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Puntland oo ku talo jirta in ay dib gacanteeda ugu soo celiso Magaalada Laascaanod ka hor Doorashada January 2009.

(Garoowe, Aug 20,  2008 Ceegaag Online) 

Madaxweyne kuxigeenka maamul Goboleedka Puntland Mudane Xasan Daahir Maxamud (Af-Qurac) ayaa shaaca ka qaaday in gacanta Maamulka Puntland dib ugu soo celin doonaan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobalka Sool.

Mudane Xasan Daahir Maxamuud (Af-Qurac) oo u waramayey saxaafada  ayaa sheegay arimaha ku aadan dib u soo celinta magaaladasi ka hor xiliga doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan maamul Goboleedka Puntland oo ku beegan bisha January ee sanadka soo socda ee 2009.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan dad reer Puntland ah oo ka soo horjeeda in gacanta Puntland dib ugu soo laabato Magaalada Laascaanood, isagoo madaxweyne kuxigeenku aan si buuxda u carabaabin dadkaasi cida ay yihiin isagoo ka gaabsaday in uu faahfaahin ka baxiyo.

Maamul Gobaleedka Puntland ayaa hada uun ku baraarugay arrimaha ku aadan gacan ku soo celista Gobolka Sool gaar ahaan Magaalaga Laascanood oo haatan Maamulka Somaliland gacanta ku hayo  tan iyo bishii October ee sannad 2007.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod

  

webmaster@ceegaag.com