shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qabsashadii Gobolka Sool ee Maamulka S/land oo raadad xun ku reebtay Bulshada.

(Laascaanood, Aug 19,  2008 Ceegaag Online)

Tan iyo intii ay qabsadeen Ciidamada Huwanta ee Somaliland  Gobolka Sool waxay bulshada ku dhaqan Gobolka ku reebtay shaki iyo is aaminaad la’aan, Sababtoo ah soo gelitaanka Ciidamada Somaliland ayayna u wadadhamayn beelaha wada degan Gobolka Sool ama waa loo kala badnaa,dhinaca ciidanka iyo dhaqaalaha.
 
Waxaa kale oo aan meesha ka madhnayn in beelaha qaarkood lagu xaglinayey maamulkii hore ee gacanta ku hayey Gobolka Sool.
 
Shaki iyo is,aaminaad la,aantii hore waxay keentay in dhowr jeer oo hore baabuur lagu kala dhaco meelo ka mid ah Gobolka,in kastoo arintaas isla markiiba ay xaliyeen odayaasha iyo waxgaradka ka tirsan beelaha gaystay dhibaatadaas.
 
Xaaladahaas aan soo sheegnay darteed waxaa shalay galabnimadii abaaro saacadu markay ahayd 4 Galabnimo lagu dhacay tuulada Dharkayn ooka tirsan deeganada Gobolada SSC gaadhi booyad ah oo ka tegay magaalada Laascaanod, waxaana dhacay niman ka tirsan beesha degta tuuladaas,waxaana loo aaneeyey Qori laga qaaday nin ka tirsan beeshaas gaadhiga dhacday, gaadhigana waxaa iska lahaa beel ka tirsan beelaha dega Gobolka sool.
 
hadaba xaaladahaas oo dhami waxay kajiraan Gobolka Sool gaar ahaan Magaalada laascaanod  iyo deegaanada SSC oo dhan,waana arin u baahan wax ka qabasho.

Xafiiska Wararka Ceegaag.com

Laascaanod

  

webmaster@ceegaag.com