Qarax
Miino oo dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday toboneeyo
haween ah oo ku howlanaa Nadaafada Magaalada Muqdisho.
(Muqdisho, August
03,
2008 Ceegaag Online)
Inta la og
yahay 10 Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda ayaa ku naf waayay
tiro kale oo lagu qiyaasay 20 meeyo ayaa ku dhaawacmay kadib
markii Haweenkaas oo ka shaqeynayay Nafaadadda Magaalada
Muqdisho lala beegsaday qarax Miino oo la rumeysan yahay
inuu ahaa mid dhulka lagu aasay.
Sida uu
sheegay goob joogo degan Xaafadda Waaberi Qaraxa ayaa waxaa
uu dhashay markii haweenkaas bilaabeen inay wadada
Nadiifiyaan,wadadaas oo ah wadada Maka Al Mukarama agagaarka
Shaneemo Soomaali, waxaana la arkayay hilibkii Dumarkaas oo
gogo'ay.
Wararka
ayaa sheegaya in dadka Xaafadda iyo dad kale oo goobaha
Ganacsiga ka tirsan Gurmad deg deg ah u sameeyen Haweenkaas
dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Haweenkan
ayaa waxay Maalin walba ku howlanaayeen Nadaafadda Wadadaas
iyagoo dhaqaalena ka heli jiray Hay'adaha NGO-yada ee ka
howlgala Magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay
oo qarax lala beegsado Haweenka ka shaqeeya Nadaafadda mar
sii horeysay ayaa sidan oo kale Haween ka shaqeynayay
Nadaafadda agagaarka Masjidka Biyo Maalow ee Wadada Wadnaha
waxaa lala beegsaday Miino, taas oo ay ku dhinteen ilaa iyo
7 Haween ah
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |