Qarax weyn
ayaa saaka lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee ka howlgala
Muqdisho.
(Muqdisho, August
01,
2008 Ceegaag Online)
Qaraxa
oo aad looga maqlay dhawaqiisa inta badan magaalada Muqdisho
ayaa saaka goor hore ka dhacay wadada u dhaxeysa KM4 iyo
garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee magaalada
Muqdisho, kaas oo lala beegsaday ciidamada nabad ilaalinta u
jooga gudaha magaalada Muqdisho.
Ciidamada oo ku howlana baaritano ay ka wadeen wadada si ay
uga bixiyaan waxyaabaha qarxa ayaa dad goob joogayal ah waxa
ay sheegeen in lagu qarxiyay miinada nooca meelaha fog fog
laga hago,waxaana goobtii ka kacay uuro madow , waxaana la
sheegayaa in ciidamada markaas ay fureen rasaas qadar
socotay oo ay ku kala cayrinayeen dadkii ka agdhawaa goobta.
Khasaarihii ka dhashay qaraxaas ayaa la xaqiijiyay in
ciidamada Uganda uu qaraxaasi uga dhintay hal askari oo ahaa
midkii miinada dhulka ka baarayay. ciidamada Dowladda oo
goobta yimid qaraxa ka dib ayaa masjid u dhawaa goobta uu
qaraxu ka dhacay kala baxeen 4 wadaad oo Tabliiq ah iyo 3
wiil oo Dhalinyaro ah kuwaas oo ay geeyeen Xarunta CID-da ee
ciidanka Booliiska Dowladda Federaalka.
Qaraxan ayaa waxaa sheegtay in ay fuliyeen Kooxaha ka
horjeeda Siyaasada Dowladda iyo Joogitaanka Ciidamada Nabad
Ilaalinta AMISOM, Ma jiraan illaa iyo hadda wax war ah oo ka
soo baxay ciidamada Uganda oo la xiriira qaraxa lala
beegsaday ciidamadooda.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |