QM ayaa
cambaareysay Qaraxii lagu laayay Haween badan oo ku howlanaa
Nadaafadda Magaalada Muqdisho.
(New York, Aug 05,
2008 Ceegaag Online)
Dhacdadan
waxay ahayd mid ka mid ah xanuunadii ugu darnaa ee soo
wajahay Shacabka Soomaaliyed, sidaas darted lagamana yaabo
in la ilaabo waayo waxaa la laayay waxay ahaayeen Dumar
Nolol Maalmeed ka raadin jiray NGO-yada ka howlgala gudaha
Caasimadda Muqdisho si ay u nadiifiyaan waddooyinka
Magaalada.
Wakiilka
Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ahmad Ould
Cabdallah ayaa waxaa uu tilmaamay in uu aad ugu xun yahay
dhibaatadii gaartay maalintii Axada ahayd haweenka
Soomaaliyeed ee gaarayay 20 oo lagu dilay Qarax Miino oo
lagu aasay wadada Makka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho.
“Haweenkani waxa ay isku dayayeen in ay hormariyaan nadafada
jidadka magaalada Muqdisho marka uu qarax haleelay taasina
waa mid aan loo baahnayn in haween qarax lala eegto”ayuu
yiri Ahmed Oulda Cabdallah.
“Sanado ka dib qalaalasaha ka taagan Dalka Soomaaliya waxa
ay u baahan tahay in ay dib u hesho sumcadeedii,sharafteedii
iyo nabad waarta”ayuu Ahmed Oulda Cabdallah war
murtiyeedkiisa ku yiri,waxana uu dhamaan dhinacyada
Soomaaliya ugu baaqay in ay wada shaqeeyaan islamarkaana ay
xaliyaan dhibaatada siyaasadeed ee ka taagan dalka
Soomaaliya.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |