shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Qodobada ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Mucaaradkeeda oo dhamaystiran..Akhriso

(Jabuuti, Aug 19,  2008 Ceegaag Online)

Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta ayaa Xalay Heshiis dhowr Qodob ka kooban Ku saxiixay  Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti.

Heshiiskan oo dhawr qodob ka kooban ayaa haddana dad badan  waxay muujinayaan dareen shaki ah oo ay adag tahay in la dhaqan geliyo heshiiskan oo qeyb ka ah xabad joojin iyo Ciidamada Itoobiya dalka ka baxaan iyo qodobo kale, waxaana ka mid ah……

  1. Dowlada KMG iyo Isbeheysiga Dib u xoreynta Waxaa ay dalka Jabuuti ku yeesheen Shir ay goob joog ka aheyd Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka Ganacsato ururada Bulshada Rayidka si ay u kormeeraan.
  1. In la sameeyo labo guddi oo ka wada hadli kara arimaha ay wada gaareen dowlada iyo isbeheeysiga gaar ahaan heshiikii Jabuuti.
  1. In la sii wado wadaxaajoodka u dhexeeya labada dhinac lagana fogaado warsaxaafadeedyo sii fogeyn kara dhibaatada taagan iyo in la sameeyo gudiyo sii anba qaada arimaha lagu soo gabagabeeynayo.
  1. In la taageero heeshiisyada ay dhinacyada Soomaalida ku yeelanayaan gudaha dalka iyo dibadiisa si loo dhameeyo mishaakilka dalka ka aloosan, iyo in Beesha Caalamka ay gacan ka geeysato hergalintii heshiikii Jabuuti.
  1. In si wada jir ah loo canbaareeyo falalka dilalka ah ee  aan kala sooca leheyn, afduubka, kufsiga, madaafiicda lagu garaacayo magaalooyinka iyo Burcad Badeedanimada.
  1. In si gaar ah loo eego xaalada Bini'aadanimo ee dalka ka jirta iyo sidii loo cawin lahaa dadka ay dhibaatada dalka ku heyso.
  1. In la daraaseeyo xaalada Wadanka ka jita sida Siyaasada Ammaanka iyo Nolosha.

 

Baaq.

  1. In Beesha Caalamka ay ill gaar ah ku eegto isla markaana ay gargaar u fidiso dadka ku dhibaateeysan dalka Soomaaliya iyo in la furo wadooyinka iyo sidii gargaar ay hay'adaha samafalka u gaarsiin lahaayeen dadka u baahan.
  1. In Beesha Caalamka ay ku dadaasho oo ay ku deg degto sidii dalka Soomaaliya loo keeni lahaa Ciidamo ka socda QM si ay u badalaan Ciidamada Ethiopia .

Mahadnaqa.

Labada Dhica waxaa ay uga mahad celinayaan shacabka iyo Dowlada Jabuuti sida ay hiil iyo hooba u garab istaagtay intii uu socday shirkii ay isugu yimaadeen Dowlada iyo Isbeyheesiga Dib u xoreeynta

Heshiiskaasi waxaa labada dhinac u wada saxiixay Dhanka dowlada Ra'iisal Wasaare Ku xigeenka Dowlada Federaalka Axmed C/salaam Xaaji Aadan, dhanka Isbeheysigana waxaa u saxiixay C/raxmaan C/Shakuur warsame Waxaana munaasibada Heshiikaasi lagu saxiixayay goobjoog ka ahaa Cumar Xaashi Aadan oo ka socaday Dhanka isbeheysiga iyo Maxamed Maxamuud Xeyd oo dhanka Dowlada ka socday madaxna u ahaa Guddiga ammaanka Dowladda ee shirkaas ka qeybgalay,

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com