shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saraakiisha AMISOM oo soo fara geliyay Khilaafka Madaxda Dowladda u dhaxeeya.

(Muqdisho, Aug 11,  2008 Ceegaag Online)

Saraakiisha Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa Ciidamada AMISOM ayaa la filayaa in ay faah faahin ka bixiyaan kulamo is daba joog ah oo ay maalmahan la lahaayeen Madaxda Dowladda, kaas oo ku aadan xalinta khilaafaadka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha.

Sida ay sheegayaan Ilo ku dhow dhow Saraakiisha Midowga Afrika, labadii maalmood ee u dambeeyay waxay wadeen kulamo ay la lahaayeen Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha, waxaana ay isku dayayeen sidii ay meesha uga saari lahaayeen khilaafka majaraha adag ee Labadaas Mas'uul u dhaxeeya.

Inkastoo aan ilaa iyo hada laga war heyn waxyaabaha ka soo baxay kulmadaas, hadana Saraakiisha AMISOM waxay ahaayeen kuwo u dhabar adeegayay sidii ay usoo afjari lahaayeen khilaafkaas oo keenay in Labada Mas'uul ay albaabada kala xirtaan.

Ergeyga Midowga Afrika ee u fadhiya Soomaaliya iyo Saraakiisha sar sare ee AMISOM ayaa kulamo la kala yeeshay Madaxweyne Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde, waxaana ay labada dhinac ku booriyeen in ay isu tanaasulaan, si khilaafkooda dhinaca siyaasada uu meesha uga baxo

Isku dayada la doonayo in lagu qaboojiyo xiisada siyaasadeed ee ka dhex aloosan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisul Wasaarihiisa waxaa dhinac ka wada Saraakiisha Ethiopianka ee ku sugan Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood shalay dalka soo gaaray, waxaana hadafkooda uu yahay in labada dhinac ay isa soo hor fariisiyaan si ay u wada hadal siiyaan.

www.ceegaag.com


 

  

webmaster@ceegaag.com