shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo Gudiga Amniga Qaranka ayaa wada qorshe hub ka dhigis loogu sameenayo duqa magaalada Muqdisho.

(Muqdisho, Aug 29,  2008 Ceegaag Online)

Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo Gudiga Amniga ayaa hoos ka xariiqay qorshe hubka looga qaadaayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere).

Wararka qaarkood waxay xaqiijinayaan in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa codsaday in dib loo dhigo hub ka dhigis deg deg ah oo lagu sameeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Max'ed dheere.

Maxa'ed Dheere ayaa leh ciidamo u gaar ah oo si aad ah u hubeysan oo loogu yeero ciidanka Gobolka, kuwaas oo aan ka tirsaneyn Booliska iyo Milateriga toona , laakiin toos uga amar qaata Duqa magaalada.

Maxamed Cumar xabeeb (Max’ed Dheere) ayaa  tiir dhexaad u ahaa howlgalada Dowlada iyo kuwa Itoobiya ay ka fuliyaan Caasimada ,lama garanayo sababta kala geysay Itoobiyaanka iyo Max'ed Dheere.

Max'ed Dheere ayaa saameen balaaran ku lahaa siyaasada Dowlada KMG isagoo sanadkii 2004 kursigiisii xildhibaanimada u baneeyay Ra'isal Wasaarihii hore Cali Max'ed Geedi , isagoo waliba magacaabistii Nuur Cadde olole weyn ka geystay.

www.ceegaag.com  

  

webmaster@ceegaag.com