Sheekh Shariif
oo Qaahira kulamo xasaasi ah kula leh Jaamacadda Carabata
iyo Garabka Asmara oo kulankaas eedeeyay.
(Qaahira, Aug 07,
2008 Ceegaag Online)
Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta garabka Jabuuti
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah kula
qaatay Magaalada Qaahir xogheynta xoghayaha guud ee
Jaamacada Carabta Axmed Bin Xilli kaasi oo ay isla soo
qaadeen arrimo dhowr ah.
Kulamada
labada Mas'uul ay kaga wada hadleen waxyaabihii kusoo
cusboonaaday Xaalada Soomaaliya gaar ahaan khilaafka sii
xoogeystay uu u dhexeeya xubnaha Isbaheysiga Dib U Xoreynta
kuwaasi oo laba garab u kala jabay.
Ilo xog ogaal
ah ayaa sheegaya in Masuuliyinta Jaamacadda Carabta iyo kuwa
Masaariduba ay isku dayayaan in ay dhameeyaan khilaafka ka
dhexeeya xubnaha Isbaheysiga ayna isu keenaan
hogaamiyeyaasha Maxaakiimta ee ku kala sugan Asmara iyo
Jabuuti.
Axmed Bin
Xilli waxaa uu ballan qaaday waxyaabaha ay ka wadahadleen
iyaga iyo wafdiga Dib U Xoreynta in uu u gudbin doono
xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta si loo meel mariyo
heshiiska dhawaan lagu saxeexay Magaalada Jabuuti ee dalka
Djibouti.
Dhinaca kale
Afhayeen
u hadlay Isbahaysiga Dib U Xoreynta garabka ku sugan
magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa si kulul u eedeeyay
kulanka Sheekh Shariif magaalada Qaahira kula yeeshay xunbo
ka tirsan Jaamacada Carabta.
C/fitaax
Maxamed ayaa sidoo kale dhaliil usoo jeediyay Dowlada Masar
isagoo sheegay inay iska indho tirtay markii ciidamada
Itoobiya ay dalka qabsanayeen taas oo uu yiri waxa ay ku
ahayd Masar arin fool xun, isagoo dhanka kale ku amaanay
doorkii ay xiliyadii hore ka qaadatay xornimo gaarsiinta
dalka Soomaaliya xiligii gumaysiga.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |