Shirkii Garadag ee beelaha bariga Burco oo lasoo gabagabeeyay
(Garadag, Aug 17, 2008 Ceegaag Online
Shir muddo saddex toddobaad ku dhow uga socday degmada Garadag beelaha bariga Burco ee Gobolka Sanaag, ayna ka qaybgaleen ergooyin tiradooda lagu qiyaasay ilaa 200 ergay, ayaa lasoo gabagabeeyay galabta.
Shirkan waxaa laga soo saaray ilaa qodobo 18 qodob ah waxaana lashaa ciyay 8 kamida oo oo kala ah, sidoo kale waxaanan lashaacin 10 qodob oo beesha u gaar ah,
1-Shirku waxa uu si buuxda u taageersan yahay una aaminsan yahay ilaalinta jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland, waxana uu beesha caalamka, ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, iyo Ururuka IGAD ugu baaqayaa qadarinta iyo aqoonsiga madaxbannaanida Somaliland.
2-Shirku waxa uu garwaaqsan yahay, aaminsan yahay ilaalinta nabadgalyada Somaliland in ay muhiim tahay.
3-Shirku waxa uu beelaha Somaliland ku wada dhaqan ugu baaqayaa ilaalinta nabada Iyo nabad-kuwada-noolaanshaha iyo sidoo kale daris-wanaag in lagu wada noolaado.
4-Shirku waxa uu dalalka deriska ah ugu baqayaa nabad-kuwada-noolaanshaha oo uu aaminsan yahay inay qayb ka tahay daris-wanaagga
5-Shirku waxa uu cambaaraynayaa dhammaanba falalka argagixiso, afduub, jidh-dil iyo dhammaanba xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo dhan cid kasta oo ku kacda.
6-Shirku waxa uu meel-kadhac u arkaa dhammaanba xadgudubyada lagu hayo suuqa xoolaha Somaliland oo dastuurku ka dhigayo mid madaxbannaan, sidaa daraadeedna waxa uu xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa inay faraha kala baxdo suuqa xoolaha oo lafdhabar u ah hannaanka dhaqan-dhaqaale ee dalka
7-Shirku waxa uu walaac weyn ka qabaa nidaamka diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda, gaar ahaan qodobadda odhanaya; " Codbixiyuhu waxa uu ka codayn karaa oo keli ah Goobta uu ka codbixiyay," waxaanuna codsanaynaa in wax laga beddelo qodobkaas.
8-Shirku waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay waxa ka qabato lacagta giinbaarta ee laga qaato gobollada bariga Somaliland, kuwaas oo isugu jira kuwo been-abuur ah iyo lacagtii Soomaaliya ee gabowday.
Daawo Sawiradan oo aanu ka soo minguurinay war-saxaafadeed beeshu siidaysay Aug 11 2008
Xafiiska Wararka ceegaag.com
Laascaanod
webmaster@ceegaag.com |