Ururka ONLF iyo
Masiirka Ummadda Gobolka Ogaadeeniya (Qeybtii koowaad)
(Ogaadenia, Aug
09,
2008 Ceegaag Online)
Anigoo
kaashanaya xog-ogaalnimadayda iyo la socodka aan la socdo
arrimaha mandaqadaas muddo aad u dheer,gaar ahaan wixii ka
dambeeyay 1991. Anigoo ka xanuunsan baaba'a, rajo la’aanta
iyo jaha-wareerka dadka gobolka soo food saaray. Waxaa aad
iigu adkaatatay in aan ka sii amusnaado xaaladdan sidaas u
murugada badan
Waxaan haddaba go'aansaday in aan fadhiga ka kaco, qoraalna
ku tilmaamo aragtidayda iyo dareenkayga, si aan dadka ugu
baraarujio xaqiiqada dhabta ah iyo xaaladda gobolku ku sugan
yahay,anigoo xusaya dhacdooyin iyo tallaabooyin siyaasadeed
oo si hkaldan loo qaaday, sababna u noqday dhibaatooyinka
maanta taagan.
Waxaan haddaba maqaalkan ku soo qaadi doonaa hor-dhac gaaban,
Taariikhda Ururka Onlf oo kooban, dabeecadiisa dhabta ah,
dagaalka ka oogan gobolka iyo dhibaatada uu dadka
dhaxalsiiyay, masiirkii ummadana mugdi u galiyay.
Ugu dambeyntii waxaan gabo-gabo-ahaan u soo jeedin doonaa
wixii talo ah een is leeyahay waa looga gudbi karaa
xaaladdan cakiran iyo weliba dood furan oon jeclaan lahaa in
si buuxda looga soo qayb galo si talada loo qaybsado,xalkana
loo wada raadiyo.
Hor-dhac gaaban oo
Taariikheed.
Talisyadii gumeysiga Europe ee Qaaradda Afrika qaybsaday ee
kala qoqobay, laga soo billaabo bartamihii qarngii 19aad,
Geeska Afrika wuxuu noqday Gobolka keliya ee Dawlad afrikaan
ah (Ethiopia) ka qayb gasho sidii loo isticmaarsan lahaa
dadyowga reer Afrika waa xilliguu boqor Menelik ka talinayay
dalkaas.Wuxuu ku guuleystay in cadkiisa loo oggolaado,
asagoo gacanta ku dhigay qaybtii u horreysay ee gobolka
Ogaden iyo gobollo kale ee qowmiyadaha faraha badan ee
Ethiopia.
Godobtaas taariikhiga ah waxaa xigay dagalkii gardarrada
ahaa ee boqortooyada ingiriisku ku burburisay
Tawraddii
Daraawiishta 1921.
Isticmaarku sidaas kuma hadhine wuxuu sii waday gabood
falkii iyo kala qoqobiddii ummadda somaaliyeed. Markuu
jabiyay talyaaniga,geeska afrikana ka saaray, wuxuu
ingiriisku si badheedh ah ku duudsiyay xuquuqdii dadka
gobolka Ogaden,qaybtii labaad ama dhammaan intii ka hadhay
gobolkaas ayuu asagoon cidna kala tashanin hadiyo iyo
mag-dhaw u siiyay boqor Hayle Selassie, si looga raalli
geliyo qabsashadii iyo burburkii ka soo gaadhay Xukinkii
Fashistiga ahaa ee talyaaniga ee Benito Mussolini,sanadyadii
1935-1941.
Kaniisadaha Dalalka Qarbiga ah iyo ururkii qaramada(League
of Nations) ee la asaasay dagaalkii 1aad ka bacdi,dawladaha
galbeedkuna hoggaaminayeen,gaar ahaan Ingriiska iyo
Mareykanka oo waagaas cudidiisa la soo baxay ayaa ka
xumaaday dagaalkii Talyaanigu ku qaaday Dawlad masiixi ah oo
xubin ka ah ururuka League of Nations.Waxay Heyaddas si xun
u cambaareysay weerarkii Mussolini, iyo qabsashadii uu
Ethiopia qabsaday, arrintasoo uu aad uga cadhooday Mussolini
kuna riixday in uu xiriir sokeeye la yeesho Hitler intuu
socday dagaalkii 2aad 1939-45.Tasoo soo dedejisay jabkiisii.
Waxaa kaloo xusid mudan in isla mudadaas dawladaha qarbigu
mag-dhaw iyo xadhaadhsin u siiyeen dalka falastiin firirkii
dadkii yuhudda ahaa ee ka badbaaday nidaamkii naziga ee
Hitler, si ay damiirkooda u dejiyaan dunuubtii badnaydna
isaga maydhaan.Taasoo yuhuudda u noqotay hub siyaasadeed oy
had iyo jeer ku beer-laxawsato kuwii dambiga ka galay.
Labadan mushkilo oo uu gumeysiga Ingiriisku abuuray muddo
laga joogo 60 sano, weli sidii bay u calliqan
yihiin.Inkastoo labadooduba ay maanta haystaan xukun
daakhili ah.
Haddaan u soo noqdo mandhaqadeena, dabcan,waqtigaas dadka
Gobolka Ogaden(Somali galbeed) ku nolaa ma lahayn biseyl
siyaasadeed iyo madax u dooda shacabka oo gardarraas diida
ama ka dhiidhida.
Gobolku markuu isticmaarka madow gacantiisa galay, waxaa
gudaha dalka Ogaden ka billowday dhaqdhaqaaqii ururkii SYL
ee 1943 Somalida konfureed ka dhashay, kadibna waxaa xigay
iskudayo kale iyo jabhado xorriyo u dirir ah oo lagu baadi
goobayay xuquuqda ummadda soomaliyeed.
Dhaqdhaqaaqii Xodayo(1963-64) ee Garaad Makhtal Daahir
hoggaaminayay,Ururkii Nasrullahi ee Dr. Ibrahim Xaashi
madaxa ka ahaa, Ururkii WSLF ee lagu asaasay
TuuladaYaaq-badhiweyn,duleedka Muqdisho bishii January 1976
ayaa ka mid ahaa ururadii gobanimadoonka ee ayagu u istaagay
madax-bannaanida Gobolka Ogaden.
Ugu dambayntii
dagaalkii
77
ee sida xun loogu jabiyay Taliskii Mengistu ayaa ka dhacay
mandhaqada. Shacabka iyo dawladda J.D.S. uma kala hadhin
dagaalkaas, si hagar la'aan ahna way uga qayb galeen, dad
iyo duunyo badana way uga baabe'en.Hayeeshe, gurmad hiil iyo
hooba leh oo dawldda ruushku u fidisay Mingistu ayaa gushaas
tirtiray, riyadii soomaliweyna aasay.
Mujaahidiin fara badan oo ka tirsanaa ururkii WSLF oon
tirakoobkooda la haynin ayaa iyana dagaalkaas ku hoobtay oo
naftooda u huray Eebe ha u wada naxariiste.
Iskudayadan kor ku xusan oo idil, ayaan darro, way wada
fashilmeen, Sababaha guldarradaas wey badan
yihiin,haseyeeshe kuma talo gelin in aan qoraalkan ku soo
qaado.(maqaal cinwankiisu ahaa: Dib u Dhaca iyo Guuldarrada
aan dhammaadka lahayn) ayaan horey ugaga faallooday sababaha
qaarkood.billowgii 2004.
Ururka Onlf oo maqaalkan aan kagaga hadli doono ayaa ugu
dambeeyay ururadii isu taagay in uu dalkaas u halgamo. .
Haddaan intaa uga gudbo hor-dhacan kooban ee taariikhi ah,
aan marka u leexdo mowduuca aan doonayo in aan ka hadlo ee
ah Cinwaanka maqaalkan.
ONLF
Ayadoo qaddiyaddii gobolka Ogaden sidii u calliqan tahay wax
isbeddel ahna uusan dhicin ayuu Xukunkii Maxamed Siyaad
Barre burburay billowgii 1991, muddo yar ka dibna waxaa
asagana meesha ka baxay kii Mengistu. Ayadoo lagu jiro
walaahowgii iyo kala cararkii ka curtay Geeska Afrika,ayaa
markii ugu horreysay la maqlay jiritaanka Urur cusub oo la
magac baxay ONLF.
Ururkan wuxuu saaxada siyasadeed soo galay saagaashamaadkii
iyo wixii ka dambeeyay burburkii Dawladdii Somalia.Inkastoo
ay curashadiisu Jabhaddu ku beekto xilli waqtigaas ka
horreeya.Waa Urur Aabayaal badan leh oo asaaskiisu muran
badan abuuray. Shahksiyaad dhawr ah ayaa mid-walba sheegta
in uu fikradda iyo dhismaha ururka asagu ka dambeeyay. Ilaa
iyo maantana si sugan looma hayo qofka ama kooxda fikradda
dhabta ah lahayd , meesha iyo waqtiga Ururka Onlf lagu
asaasaay Way habboonaan lahayd qofkii xogtaas haya in uu
arrintan diirka ka qaado,dadweynahana ka jaahil bixiyo.
Intaas ka bacdi, aan markan nalka ku iftiinsho ururka iyo
masuuliyiintii isaga dambaysay hoggankiisa, habka ay wax u
maamuleen iyo doorka ay ka ciyaareen dhibaatada,jabka iyo
jaha-wareerka dadka iyo dalkaba aafeeyay.
Haddaba in yar aan taariikhda Onlf dib ugu noqono.
Kooxdii Dimishiq (Suriya)
Koox dhallinyaro ah oo Dalka Suuriya wax-barasho u joogtay
ayaa soo ifbixisay jiritaanka Ururka ONLF billowgii
sagaashamaadkii Qarnigii 20aad, (Maxamed Sheekh Ibrahim,
Siyaad Badri, Ahmednur Sanwado, Ismaciil sheekh Cabdi iyo
Caddani Hirmooge) ayaa ka mid ahaa dhalinyaradaas inta aan
ka xusuusto.
Wuxuu ahaa urur loo hanweynaa oo car-car geliyay qaddiyaddii,
dadweynuhuna aad u soo dhaweeyay.Wuxuu ku soo beegmay
dhicitaankii taliskii Mingistu, dad fara badan oo ka soo
qaxay dagaalkii sokeeye ee Somalia oo gobolka u dhashay ayaa
dib ugu soo noqday dhulkoodii hooyo, dadkan iyo kuwii horey
ugu sugnaa dalka gudihiisa ayaa si wada jir ah u raacay
ururkan cusub ee ay dhallinyardan fir-fircoon mayalka u
hayeen.
Cid ka hortimid ama caariday midna ma jirin. Fursad aan la
heli karin ayaa Ilaahay siiyay. Haddaba, maxay qabteen?
Xaggey wax ka billaabeen?
Shirkii Geerig'an
Shaqo ay qabtaan Kooxdaas waxaa ugu horreeyay shir kadis ah
oo ka dhacay magaalada Geerigo'an.Wuxuu ahaaa shir aad loogu
xiisa qabay lana odhan karo waa shirkii u horreeyay e ka
dhaca gobolka ee dadka gobolka daga oo dhan ka wada muuqdeen,
haddana nasiib darro sidii la rabay loogama
faaiideysanin.Wax natiijo ah ama go'aan ka soo baxay
shirkaas habayaraate ma jirin. Barnaamij siyaasadeed, dhismo
Gole iyo madax ururka matala midkoodna kama soo bixin.Meesha
waa la isu tagay waana lagu kala dareeray ayadoon waxba la
xaqiijinin.Waxay noqotay wax la qaadan waayey oo dadkii
niyad jab ku ridday.
Waxaa xigtay oo kooxdaasi sameysay oo iyana yaab keentay
shirkii Geerigo'an markuu dhammaaday ayay si lama filaan ah
ayagoo habqan ah oon madax iyo minjo toona lahayn isku soo
shubeen Addis-Ababa si ay uga qayb galaan Shirweynihi
halkaas uga socday qowmiyadaha reer Ethiopia bishii July
1991.
Ka qayb galka Shirweynaha Addis Ababa iyo codsiga Ururka
Onlf waxy ahaayeen arrimao si cad u burinaya, baaqii ina
Siraad Doolaal uu ka jeediyay London intuu socday kulankii
jabhadaha reer Ethiopia, kuna saabsaana ka tashiga aayaha
iyo mustaqbalka dalka Ethiopia,Doolal oo sida la wada
xusuusto baaqiisa ku sheegay in shirka London uusan
khuseynin Gobolka Ogaden.
Guddoonkii Shirweynaha markii hore wuu ku gancan saydhay
codsiga Onlf,madaama ay horey ugu baaqeen kuna andocoodeen
in aysan ahayn ethiopian.
Muran iyo dood dheer ka bacdi iyo taladii uu wafdigii Wslf
soo jeediyay ee Allaha ha u naxariiste Sheekh Abdinasir
Sheekh Aden hoggaminayay ayaa ugu dambayntii Shirweynuhu
oggoladay in ay iska soo fadhiistaan shirka ayagoo ku dhafan
wafdiga Wslf.
Qowmiyadda somalida, guud ahaan, guuli kama raacin
madashaas,si xun ayaa loogu bahdalay, dad ka so cararay
dagaalkii sokeeye ee Somalia oon waxba u diyaarsanayn ayay
ahaayeen xubnihii somaliyeed ee shirka ka qayb galay.
Aragti mideysan iyo barnaamij siyaasi ah midna lama aysan
imaanin goobta, sidaa darteed xagga kuraasta iyo awood
qaybsigii waxaa loo tuuray in yar oo san-dareerta ah oo
quudhsi iyo xaqiiraadi ku jirto.
Qaadacaaddii iyo diidmadii ka mid ahaansha dalka Ethiopia ee
ay horey ugu dhawaaqeen madaxda Onlf si dhaqso leh ayey uga
noqdeen, waxayna oggolaadeen in ay ka mid noqdaan kana qayb
galaan nidaamka cusub ee Qowmiyadaha reer Ethiopia
mustaqbalka lagu dhaqi doono. Waxaa durba soo ifbaxday in
kooxdani aanay waxba dhawranin, itjaah iyo mabdà suganna
lahayn. Isburiska, kala hadalka iyo fudaydka waxay noqdeen
astaamaha ay durbaba ku caan baxeen .
Xilligii Sheekh Ibrahim
Eebe ha u naxariiste (1992-1998) iyo Shirkii
Garbo Janayo 1992
Talaaabadii xigtay waxay noqotay in shir hal beel u badan
tahay ay ku qabtaan magaalada Garbo,kadib markay si khayaano
iyo kalsooni darro ku dheehan tahay ay u burburiyeen
heshiiskii Addis-Ababa ee Wslf-Onlf horey u wada gaadheen oo
ahaa in shir-weyne labada urur u dhanyihiin la qaabto markay
soo dhammaadaan boqashooyin la qorsheeyay in lagu kala
bixiyo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba. Malaha waxay ka
baqeen in Wslf ay meesha ka riixdo,manaasibta sarana ka
qaado.Si kasta ha ahaate, arrintaasi waxay abuurtay kalsooni
darro iyo kala jab labada urur iyo guud ahaan dadka gobolka
dega.Maxamad Sheekh Ibrahim oo keliya ayaa taxafudaad ka
sameeyay go'aanka saaxiibadiis,wuxuuna si cad uga sheegay
BBCda in ay habboonayd in la ixtiraamo heshiiskii ay labada
urur wada gaadheen, tasoo u soo jiiday in ay geeska geliyaan
iyo dhibaatooyin badan oo siyaasadeed.
Waxaa shirkii Garbo lagu doortay guddi dhexe oo Sheekh
Ibrahim Cabdalla Madax u yahay.Wiilal yar-yar oo khibradooda
iyo aqoontooduba aad u hooseyso ayay u badnaayeen xubnihii
loo dortay Golaha dhexe.
Dagaal aan laga
fiirsanin oo si fudud u dhacay
Markii ay dhammaysteen shirkoodii, waxay si lama filaan ah
oo qar iska tuur ah dagaal ku qaadeen kolonyo ciidamo ah oo
jid caddaha Qabridahare- Dhagaxbuur iska marayay oon cidina
wax u geysanin,colaad iyo dhibaato ka dhexysay dawladdii
cusbayd ee Ethiopia, iyo dadka gobolka Ogaden waqtigaas
habayaraate ma jirin, Dhimasho iso dhaawac badan ayaa labada
dhinacba dagaalkaas ka soo gaadhay.
Waxaa ka mid ahaa dadka dagaalkaas ku dhintay Kaafi iyo ina
Sheikh Muxumad Iraad oo asaga lagu dilay duleedka magaalada
Dhagaxbuur.
Waan ka xumahay in aanan wiilashaas magacyadooda oo saddaxan
haynin .Labo nin oo aad u qiimo badnaa sida lawada sheegayay
ayey ahaayeen, labaduba xubno ka noqday Golihii dhexe ee
Jabhadda ee Garbo lagu doortay.
Bal maxay ku dhinteen labadaas nin iyo dadkii kalee rayidka
ahaa ee xabbddu haleeshay?, Dhimashadaas micno-darrada ah
een laga fiirsanin ayaa weli sidii u socota oo laga lug bixi
làyahay..Irdhadii iyo kala aamin bixii markaas billowday, ee
ka dhex abuurmay Dawladda dhexe iyo ururka Onlf,maalinba
maalinta ka dambaysa cirkay isku sii shareeraysay.
Sidaas darteed,dhibaatada colaadeed ee maanta taagan
masuuliyadeeda waxaa dhabarka u ridanaya oo abuuray,cidina
inkiri karin kooxdii Dimishiq. Sheekh Ibrahim oo masuulkii u
sarreyay ahaa wuu awoodi kari waayay in uu xakameeyo
dhacdooyinkaas iyo fudaydka nimankaas dhallinyarada ah.
Wiilashaas iyo koox kale oo shirkii Garbo intuu socday ku
soo biiray oo Dolaal,Diirrane iyo Maadey ka mid
ahaayeen,ayaa marin habaabiyay qaddiyadda gobolka Ogaden.
Waa nimankii goosadka noqday ee kala dhantaalay midnimada
ummadda ku nool degaanka somaaliyeed. Beel walba ayadoo ka
shidaal qaadanaysa Ururka Onlf, waxay dhisatay urur u gaar
ah. Muddo gaaban gudeheedana waxaa laga as-aasay Degaanka
somaalida 14 urur beeleed.
Waxaa kala qaybsanaanta iyo kala aamin baxaa ka faaiideystay
Eebe ha naxariiste Cabdilmajiid Xuseen oo markaas ahaa
wasiir ka tirsan xukuumadda federaliga ee Ethiopia iyo koox
asaga tabacsanayd. Jagadadii iyo maqaamkii uu baneeyay
Sheekh Ibrahim,waxaa ku fadhiistaay Dr.Cabdilmajiid.
Qaddarin iyo Leadership uusan weligii ku riyoonin ayuu
meeshaas ka macashay.
Dhiillada iyo dhibaatada dadka degaanka dega maanta
dex-taalla waxaa abuuray oo aabe ka ahaa kooxdan kor ku
xusan ee Sheekh Ibrahim horkacayey Cabdilmajiid iyo
saaxiibadiisna kama aysan roonaanin ee kala aamin bixii iyo
kala qaybsanaantii bay sii kordhiyeen.
Arrintaas waxay dhaawac weyn u geysatay minimadii qowmiyadda
somaaliyeed iyo dawrkii siyaasiga ahaa ee ay ka ciyaari
lahayd Ethioada cusub ee federaliga ah.
Doorashooyinkii
Barlamaanka Degaanka Somaliyeed 1992
Isla sanadkii 1992 dhammaadkiisii,waxaa la guda galay
dorashadii Baarlamaanka ee killilada sida ku caddayd Axdigii
ku meel gaarka ahaa ee lagu ansixiyay Shirweynihii
Addis-Ababa July 1991.Doorashooyinkaas oo ahaa kuwii ugu
horreyay ee si xor ah uga dhaca dalka Ethiopia.
Ururka Onlf si xamaasad leh,laakiin aan wax barnaamij ah iyo
qorshe siyaasisadeed midna lahayn ayuu uga qayb galay
dorashadaas. Kuraastii inteedii badnaydna asaga ku
guuleystay .Markii ugu horreysay ayey dadka Gobolkaas dega u
suurtowday in ay Barlamaan ayaga matala si madax bannaan u
soo doortaan.
Waxaa markiiba la dhisay Heyadddi fulinta ama Xukuumadii
Degaanka. Madaxweynihii iyo Madaxweyne ku xigeenkii iyo 13
xubnood oo guddiga fulinta waxay noqdeen xubno ka tirsan
Onlf.Waaa cusub oo rajo iyo yididiilo xambaarsan ayaa dadka
u baryay..
Awooddii fulinta iyo sharci dejintaba ayagaa wada
helay,Magaalada Godeyna waxaa loo doortay Casimaddii
Degaanka Ismaamulka Somaliyeed.
Si carqalad la'aan ah, faragelin làaan ah xagga Dawladda iyo
xagga shacbigaba ayaa loo soo dhaweeyay,si madax banaan oo
dimoqraadi ah ayey xukunka ku hanteen ,dadweynuhuna ku
aaminay.
Onlf, kolka maxay shacabka ugu qabatay awooddaas ballaaran
iyo xilkaas loo doortay?
Madaama sidaan horey u sheegay, xag siyaasadeed, xag
dhaqaale iyo xag bulsho toona wax qorshaysnaa aanay jirin ,doorashadana
la iska galay, natiijo fiican meeshaas kama soo bixin,dadkii
la soo doortay badankood waxay noqdeen kuwo aqoontooda iyo
waayo aragnimadooda aad u liidato. Sidaas darteed karti ay
wax ku maamulaan ma lahayn.
Hadday daacadnimo,garasho, qorshe iyo strateejiyo
siyaasadeed la imaan lahaayeen,wax walba way hagaagi
lahaayeen.Qaylo dhaan bay meel walba u diri lahaayeen
doorashada ka hor,waxay ka raadin lahaayeen dibedda iyo
gudahaba dadka gobolka u dhashay ee aqoonta iyo khibradda
leh, si ay uga qayb galaan hoggaanka iyo maamulkaDegaanka.
Haddii ay talada iyo tashiga badin lahaayeen si ay u
daboolaan nusqaankii iyo kart-yaridii haysatay, awoodaas
weyn ee gacantooda soo gashay wax badan bay dadka ugu qaban
kari lahaayeen. Nasiib darro, mà aanay yeelin sidaas,
madaama uusan jirin biseyl siyaasadeed iyo meel fog wax ka
odorosid.
Intoodii kooxaysigu ka dhexeeyay iyo waxay ayagu wateen
kelya ayaa ku soo baxay doorashadii,awooddii maamulkana isku
koobay.
Khilaafkii Sheekh
Ibrahim iyo Cabdullahi Sacdi.
Muuddo gaaban
ka bacdi oo weli Godey la wada joogo, maamulkiina uusan weli
dhammaystirmin ,ayaa waxaa billowday buuq iyo is-afgaranwaa,
ka qarxay masuuliyiinta Onlf dhexdooda. Waa arrinta maantaba
taagan, waa wax aanay weligood ka waantoobaynin, kana
ilbaxaynin
Guddoomiyihii ururka Sheekh Ibrahim iyo Madaxweynihii Dawlad
goboleedka Cabdullahi Maxamed Sacdi Eebe ha wada naxariistee
oo labaduba ka tirsanaa ururka ayaa si xun isugu dhacay,
khilaaf aad u weyn iyo is-qabqabsi u diiday in ay wax
talaabo ah qaadaan ayaa Godey hareereeyay.Dawladda dhexe oo
in mudda ah eegeysay sida ay wax u socdaan iyo fawdada weyn
ee Godey ka aloosan, markay ogaatay biseyl la'aanta iyo kala
qaybsanaanta ururka Onlf,ayay ugu dambayntii ka fursan
weyday in ay soo farageliso maamulkii degaanka soomaalida
waxayna si badheedh ah, oo xurmad darro ah oon wax sabab ah
lahayn xabsiga Addis Ababa ugu taxaabtay saddexdii nin ee
maamulka ugu sarreysay. Muddo bilo ah kaddibna waa la iska
soo daayay ayagoon wax dambi ah lagu soo oogin.
Intii ay xidhnaayeen seddxdaas masuul,Ururka Onlf iyo
maxdiisa, ha ahaadaan xubnaha Barlamanka ama kuwa maamulka
oo aqlabiuaddu Onlf ahaayeen,habayaraate meel ka dhacaas iyo
gardarradaas qaawan ee loo geystay madaxdaas, cid ka
hadashay, oo ka dhiidhiday ama daba gashay ma jirin. Laga
soo billabo waqtigaas Saraakiisha Dawladda dhexe u qaabilsan
Degaanka Somalida, militari iyo madaniba, darajadoodu waxay
doonto ha ahaatee, kama deynin maamulka Gobolka fragelin
joogta ah oo illaa iyo maanta socota.
Curyaaminta maamulka gobolka iyo faragelinta dawladda
dhexe,waxaa saldhig u ah karti darrada ururka Onlf asagaana
masuul ka ah, waayo waxay ka soo bixi waayeen xilkuu dadku
ku aaminay, waxay ka baqeen oo ku dhici waayeen in ay
diidaan waxa aan dawga ahayn ee khilaafsan Axdiga iyo xeerka
Ismaamulka Killilada u degsan ee wakiillada dawladd dhexe
banneysteen.
Waxay kari waayeen in ay dhibaatada iyo is-afgaranwaaga
dhexdooda ah xal u helaan. Sheekh Ibrahim wxuu ku gacan
saydhay farriimo iyo martiqaad uu ka helay Madaxweyne Meles
Zenawi waa intuusan noqonin Raiisul Wsaare, wuxuu diiday in
uu Addis ka dago,madaxda dalkana la kulmo xilligaasoo aad
loo sugayay xiiso wena loo qabay.
Meles Zenawi iyo Sheekhuba waxay ka tirsanaayeen madaaxdii
ururadii ka soo horjeeday Taliskii Mingistu, Masuuliyiinta
TPLF waxay markaas maskaxda ku hayeen abaalkii shacabka
soomaliyeed u galay xilligii ay dagaallamayeen iyo halgankii
dheeraa ee qowmiyadda somaliyeed kula jirtay Talisyadii
ayaga ka horreeyay.
Sidaas daraadeed waxaa aad suuragal u ahayd in ay isla fahmi
lahaayeen ka duwnaansha qaddiyada Ogaden kuwa Qowmiyadaha
kale (specificity of the Ogaden's cause),halkasna laga
abuuro jawi wax-wada qabsi iyo iska warqabid joogta ah,si
qaddiyada loo barbaariyo, bushigana looga ilaaliyo.
Sheekh Ibrahim iyo kooxdii la socotay ee madaxa u gundhin
jirtay sidaas wax uma ay fahmin.Waxay damceen in ay nidaamka
dalka Ethiopia ka mid noqdaan isla markaana ay
jabhadeeyaan.Waxaa laga soo wariyay Sheekh Ibrahim iyo la-taliyaashiisa
in ay iska dhaadhiciyeen in aan la qaadanin waxan diyaarka
ah ee nalagu hoosaasinayo iyo xorriyad aan dhiig badan ku
daadanin oon qori caaraddiis lagu soo dhicinina in aanay
ahayn mid dhab ah.
Waa falsafaddaas qar-iska tuurka ah iyo qiimeeyntaas
qalloocan waxaa asaaska u ah dhibaatadan ummadda curyaamisay
ee maanta loo caal la’yahay.
Maamulkii Xasan Jire iyo
Go’aan lagu deg-degay 1994.
Markuu
burburay maamulkii Cabdullahi Sacdi, muddo gaaban ka bacdi
waxaa madaxnimada maamul goboleedka loo doortay Ilahay ha
naxariistee Xasan Jire Qalinle.Wuxa uu maamulkaas ku
dhaqaaqay oo lagu xusuusto waxaa ka mid ahaa go'aankii
taariikhi ahaa ee aaya ka talinta ee Baarlamaanka degaanku
ansixiyay.
Sida xaqiiqada ah Xasan jire iyo maamuulkiisu aad ayey ugu
deg-dageen soo jeedinta mashruuca aayaa ka talineed ee ay
Barlamaanka horkeeneen.Tallaabadaas ma ahayn mid marka hore
shacabka laga dhaadhiyay, ma ahayn mid Dawladda dhexe lagala
xaajooday, bulshada caalamkana wax lagala socodsiiyay.Si
kadis ah oo laab la kac ah ayaa mashruucaas Barlamaanka loo
horkeenay, dhaqsana looga ansixiyay.
Eritrea, oo iyadu awood militari iyo siyaasadba lahayd,
toosna u go’i kartay hadday doonto, waxay haddana ku
qaadatay labo sano(1991-1993) oo wada xaajood ah ayada iyo
dawladda dhexe si la isula meel dhigo habkuu goi’taankoodu u
hirgeli lahaa (modalities). Markaas ka bacdi ayey shacabka u
bandhigtay, aftina lagu aqbalay.
Xasan jire iyo maamulkiisa waxay kala saari waayeen in
mabaad'ida dastuuriga ah iyo hirgelintooda uu farqi iyo
waqti badan u dhexeyn karo, ma aha wax si kadis ah lagu
iclaamin karo.Waa arrin u baahan abuuris jawi kalsooni ku
dheehan tahay ee labada dhinac ee aarrintu
khuseyso,dhiraan-dhirin badan,dadaal joogta ah, samir ,lobby
iyo wargelin bulshada caalamka.
Dawladda dhexe oon weli si fiican u caga dhiganin,
xukunkeediina aan si fiican dalka ugu wada fidinin,umbaa si
lama filaan ah idaacadaha uga maqashay in Qowmiyadda
soomaliyeed ka ansaxisay Barlamaan goboleedka go'aan aaya ka
talineed. Buuqii hore iyo kala aamin bixii oo sidii u taagan
ayey arrintani ku soo beegantay.
Tallaabadaas aan laga fiirsanin waxay sii kordhisay kala
aamin bixii iyo kala fogaansha qowmiyadda somaliyeed iyo
Dawladda dhexe, waxay keentay in Xasan jire iyo ku
xigeenkiisii Axmed Cali Dahir xabsiga isla markiiba la dhigo,
ayagoo la mariyay dhabihii Cabdullaahi Sacdi iyo
saaxiibadiis.
Sidii looga gaabsaday oo looga amuusay xadhigii Cabdullahi
Sacdi iyo ku xigeennadiisii oo kale ayaa qabsatay Mudane
Xasan Jire iyo ina Cali Dahir. Cid ka hadashay ama weydiisay
sababta lagu xiray madaxdaas ma ay jirin ha ahaado
Baarlamaanka go’aanka ansaxiyay ama ururka Onlf .
Muddo markay xidhaayeen ayaa iyagana la iska so daayay
ayadoon wax dembi ah oy ku muteysteen xabsiga loo sheegin.
Xukuumaddu markay aragtay in cidday doonto iska xidhi karto
wax ka aandacoonayana aanay jirin, in madaxda soomaalida
yihiin dad liita oo ayagu is cunaya oo seef la bood ah,
aragti iyo ujeedo mideysana ka maqan yihiin, biseyl
siyaasadedna aan lahayn, waxaa ku dhacay, sida aan qiyaasayo,
isbeddel 180%, markaas ayey billabantay in la quudhsado
qowmiyadda somaalida, in maamulkoodii la dhex-galo, in
madaxdooda sabab la'aan la iska xidho, in sidii la doono
laga yeelo, in xaqoodii la duudsiyo."Lax walba shillalkay is
dhigtaa lagu qalaa".
Dhaqankaas gurracan, fudaydkaas fulaynimadu weheliso,
arrimaha ayadoon la dhuuxin la iskaga dhex-dhacayo waa waxa
sababay is-afgaranwaaga maanta ka dhexeeya Jabhadda ama
qowmiyadda soomaliyeed guud ahaan iyo Dawladda dhexe,
colaadda, darxumada iyo dhibaatada shacabka ku habsatayna
horseeday.
Kuwii xaffisyadii ka
cararay, calankiina cidlada uga tagay iyo Wafdi walaalahood
ah oo waano iyo waan-waan ugu tagay
1994, markay labadii maamul, kii Sacdi iyo Jire bur-bureen
oy siyaaso xumi iyo ka fiirsasho la’aan ku bur-bureen,
markii uu mugdi badan soo kala dhex galay ayaga iyo dawladda
dhexe, halkii la rabay in ay xal siyaasadeed raadiyaan,
xidhiidhka ayaga iyo dawladdana hagaajiyaan, ayay si lama
filaan ah maalin dharaar ah xafiisyaddii isaga carareen
calankii oo dul babanaya, ayagoon cidina waxba ogeysiinin,
xitaa shaqaalihii xaffisyada kala saqeynayey.Waxay
billaabeen dur gal iyo dibad wareeg.Wax u diyaarsanaa xag
siyaasadeed iyo militari toona ma jirin.Waan jabhadaynayna
oo xukunka Tigreygaan la dirirayna mooyaane.
Dhacdadii u horreysay ee murugo iyo tiiraanyo badan ummadda
ku reebtay waxay ahayd iska horimaadkii dhex-maray Sheekh
Ibrahim iyo koox la socotay iyo ciidamada Dawladda ee ka
dhacay magaalada Wardheer, halkaasoo ugu yaraan ay ku
dhinteen 80 dhallinyara ah ayagoo difaacaya Sheekha iyo
saaxiibadiis, dad kaloo badanna ku dhaawacmeen.Sheekh
Ibrahim oo ka badbaaday dagaalkaas,ayaa si dirqi ah ku
baxsaday, wuxuu baqadii ka soo jeestay Jubooyinka iyo
koonfurta Somalia.
Siduu waqtigaas dalka uga haaday dib dambe ugama soo
noqonin,.Keliya markuu la tartamayay Maxamed Cumar 1998 ayaa
muuqaalkiisa lagu arkay dalka gudihiisa.Sheekha iyo
saaxiibadiis sidaas ayey ku lumeen.Caddani oo hadda ah ku
xigeenka Maxamed Cumar mooyaane intoodii kale meel ay cag
iyo jaan dhigeen anigu kolley ma maqal, waxayse u egtahay in
ay halgankii iyo qaddiyaddii faraha kala bexeen, danahoodana
iska raacdeen, kadib markay waddankii hoog iyo halaag u
horseedeen.
Waan-waan Jaaliyadda
Soomalieed ee Addis-Ababa
Bartamihii sanadkii1994, dadkii goboolka u dhashay ee ku
sugnaa dalka Ethiopia gaar ahaan Addis-Ababa ayaa talaabada
Onlf aad uga xumaaday, waxaa durbadiiba la billabay abaabul
iyo is-xilqaamid, si wax looga qabto khilaafka soo kala
dhex-galay Onlf iyo dawladda. Shirar badan ka bacdi waxay
jaaliyaddu ku heshiiyay in si deg-deg ah wafdi loogu diro
madaxda Onlf ee duurka gashay.Wafdigaas waxaa ka mid ahaa
inta aan ka xusuusto General Cabdiraxmaan Khaliif, Cabdi
Adar,Cali Soofe, Yusuf Cabdullahi,Korneel Cadirashiid Axmed
Khaliif Eebe ha u naxariiste, Amiir Cali Weeb, Korneel
Cabdiramaan Caabi Cabdullahi Farah iyo qooraga maaqalkan.
Wafdigu inta uusan u ambabixi dalkii,wuxuu kulamo wada tashi
ah la yeshay madaxdii sare ee dawladda, gaar ahaan
Madaxweyne Meles Zenawi, si khilaafka xal deg-deg ah loogu
helo. Madaxda sare ee Dawladuu way u riyaaqeen tallabadaas
jaaliyadda soomali galbeed qaaday, wayna soo dhaweysay.Sahay
iyo gaadiid ayey dawladdu diyaarisay si hawshaas
dhex-dhex-dhexaadinta ahi wafdigu u soo guto.
Annaagoo sidna dardaarankii shacabweynaha soomali galbeed
iyo kii dawladda dhexe, ayaan ka ambabaxanay Addis toosna u
aadnay halkii naloogu tilmaamay joogitaankooda oo ahayd
Tuulada Qoriile oo ka tirsan Goobolka Doollo.
Diirrane Cabdi Yaasiin, Cabdiraxmaan Maaday, Yusuf Taani,
Ina ugaas Gaataa, Cambaro Dheer, Maxamed Rashid,
Napoleon,Allaha ha u naxariiste Deeq Cabdi Raasin ayaa ka
mid ahaa dadkii aan ugu tagnay goobtaas.
Meel bannan oo geedo teel-teel oo xoday ah ku yiilleen oo
aad u kulul, gabaad iyo meel lagu dhuunto midna lahayn ayay
ku sugnaayeen. Wiilal dhallin yaro ah oo qoryo haystana
dushana ayey ka ilaalinayeen.
Salaan iyo is-warsi ka bacdi, waxaan u bandhignay ujeedada
socdalka wefdiga iyo farriimihii Madaxweynaha iyo dadweynaha
na soo fareen. Waxaan u sheegnay in go’aanka ay qaateen uu
cawaaqib xumo keeni doono, in uusan dan u ahayn shacabka ay
madaxda u yihiin ee sida haggaasan xilka ugu aaminay. In uu
go'aankaas yahay mid caydhiin oon waqtigan u cuntamin dadka
miskiinka ee gobolka Ogaden.
Waxaan gaarsiinay in cid u garaabaysa oo arrintaas ku
taageeraysa aanay jirin.Waxaan kula talinay in ay habboon
tahay in ay dhaqso uga noqdaan tallaabadaas aan ujeedada
qeexan lahayn.Waxaan kaloo gaarsiinay in cidina waxba u
raacanaynin, hawlahoodiina ay markay rabaan ku soo noqon
karaan, in khilaafka iyo waxa ay dawladda ku eedeynayaan
wada-hadal lagu dhammeeyo iyo in dagaalku uusan marna xal
noqonaynin.
Habeen iyo maalin ka bacdi oon ku sugnayn Qoriile intaasna
wada-hadalladu noo socdeen, waxaan ugu dambayntii ku kala
tagnay ballan qaad iyo in ay ka fiiirsan doonaan talooyinkii
iyo farriimihii aan u gudbinay. Markaan dib ugu soo laabanay
Addis-Ababa, anaagoo warbixintii iyo waxaan la soo kulanay
sidna ayaa waxaa naloo sheegay in Dr. Cabdi Adan, wasiir-ku
xigeenkii caafimaadka oo si fiican gacan noo siiyay intay
socdeen abaabulkii iyo magacaabiddii wafdiga, xiriiriyana
noo ahaa annaga iyo madaxda sare in uu ka baxsaday Dawladda.
Waxay noqotay arrin yaab iyo amankaag naagu riday, hawshii
wafdigana kala dhantaashay dhaawac weyna gaarsiisay.
Reportkii iyo warbixintii waxaan u gudbinay Ambassador Peter
Roobleh si uu Madaxweynaha u gaarsiiyo. Ayadoo arrintu
halkaas mareyso ayaan anigu waddanka ka soo tagay arrimo deg
deg ah oo ila soo gudboonaaday dartood. Hayeeshee,waxaan ka
war helay in codsigii dadweynaha soomali galbeed, niyad
wanaagii ay dawladdu u muujisay Onlf, taloooyinkii wafdigu u
gudbiyay, waan-waantii iyo waanadii walaalohood, midkoodna
uusan wax midho ah dhalin.
Madaxdii Onlf way madax adeygeen,waxaan meel mar ahayna
maanka ayey geliyeen, maslaxaddii ummaddana meshaas ayey ku
luntay. Muddo gaaban ka bacdina,intoodii badnayd ee madaxda
ahayd way ka soo baxsadeen waddankii oo waa kuwa maanta ku
sugan Europe, North America, Australia iyo meelo kale ayaga
iyo xaasaskoodai yo caruurtoodaba.
Markii Europe lagu jactaday oo qaxotinimadii ka hortimid
ayaa Maxamed Cumar Cismaan iyo Dr. Maxamed Siraad Dolaal
waxay billaabaeen in ay ababulaan diyaarin shir iyo sidii
looga takhalusi laha Sheikh Ibrahim, hoggaanka ururkana
gacanta loogu dhigi lahaa.
Hayeeshe,heshiiskii iyo saaxiibnimadii Dr. Doolaal iyo
Maxamed Cumar Cismaan ma noqonin wax waara oo waxtar leh.
Maanta labadaa nin mid walba wuxuu sheeganaya madaxtinimada
ONLF."Labadii sir ku heshiisa caad bay u colloobaan."
Qoraalkan qaybihiisa dambe ayaan mar kale arrintan ku soo
qaadi doonaa. La soco qaybta labaad iyo xiligii maxamed
Cumar Cismaan
Ambasador Ali Cabdi Gurxan
webmaster@ceegaag.com |