shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Wasiiro ka tirsan Dowladda KMG oo is casilay kadib markii uu sii xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya C/llaahi Yuusuf iyo Nuur Cadde.

(Muqdisho, August  02,  2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaaraya xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ku dhawaad12 Wasiir oo ka mid ahaa Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ku dhawaaqeen is casilaadooda kadib markii uu sii xoogeystay muranka u dhaxeeya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

Lama oga Wasiiradan is casilay cidda aragti ahaan taageersan yihiin marka laga hadlayo Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, laakiin waxaa loo badinayaa inay yihiin Wasiiro ku aragti ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Wasiirada is casilay waxaa ka mid ah

1.      Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim... Wasiirka Gaashaandhigga

2.      Ceydiid Cabdullaahi Ilko-Xanaf.... Ra'iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Waxbarashada iyo Hiddaha.

3.      Saalim Caliyow Ibrow... Ra'iisul-Wasaare xigeen, Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Diinta

4.      Cali Axmed Jaamac Jangali... Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

5.      Cabdirisaaq Ashkir Cabdi... . Wasiirka Horumarinta Gobollada, Arrimaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta.

6.      Cabdi Maxamed Tarrax.. .. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

7.      Khadiijo Maxamed Diiriye... Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

Waxay sheegeen in sababta isku casileen ay tahay waxqabad la'aanta Xukuumaddii ay ka tirsanaayeen iyo tashi la'aan Ra'iisal Wasaaruhu ku maroorsaday Go'aanka Wasiirada uu Madaxda u yahay.

Khilaafka Wasiirada ayaa bilowdey maalinimadii Salaasada markii kulan ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Dowladda Federaalka oo Shaqada looga eryay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho kadib markii uu Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde Go'aan ku gaaray inuu Xilka Ka Xayuubiyo Max'ed Dheere.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com