Xaalada
Magaalada Kismaayo oo xasiloon kadib markii ay saaka la
wareegeen Xoogaga Maxkamadaha.
(Kismaayo,
Aug 22,
2008 Ceegaag Online)
Xaalada
Magaalada Kismaayo oo maanta ay dagaalo Culus ay ka dhaceen
ayaa ah mid degan, inkastoo Magaaladu guud ahaan gacanta ugu
jirto Xoogaga Maxkamadaha ee uu Hogaamiyo Sheekh Xasan Turki.
Jawiga Magaalada ayaa caawa u muuqda mid bandow ku jira,
waxaana Magaaladu tahay mid cidlo ah oo ay dadkii ku sugnaa
intooda badan ay barakaceen, waxaana sidoo kale Magaalada
isaga baxay Maleeshiyaadkii beesha gacanta ku heysay
Magaalada Kismaayo.
Joogjooge ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Ceegaag Online u
xaqiijiyay inay Xoogaga Maxkamadaha gaaf wareegayaan Gudaha
magaalada, iyagoo ay saaran yihiin gaadiidka dagaalka.
Xildhibaan Barre Hiiraale ayaa Magaalada Kismaayo isaga
baxay, markii looga itaal roonaaday dagaalo socday saddex
maalmood, oo ay maleeshiyaadkiisu qeyb ka ahayd dagaalada.
Ilaa iyo hada ma jirto wax mas'uul ah oo ka tirsan
Maxkamadaha oo ka hadlay dagaaladii Kismaayo iyo la
wareegitaankooda Magaaladaas oo muddo sanad iyo bar ka hor
laga soo ceyriyay maamul uu u magacaabay Madaxweynaha
Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |