shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xeer Ilaaliyaha Qaran ayaa Sharci daro ku tilmaamay Golaha Wasiirada cusub ee dhawaan soo Magacabay RW Nuur Cadde.

(Baydhabo, Aug 07,  2008 Ceegaag Online)

Xeer ilaaliyaha Qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sharci daro ku tilmaamay dhamaan tallaabooyinka uu qaaday Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ah xil ka qaadista Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere iyo Magacaabista xubnaha cusub ee Golaha Wasiirada

C/llaahi Daahir Barre hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in uusan xaq u lahayn Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya inuu wareegto wax ku magacaabo iyo inuu xil ka qaado Guddoomiye Gobol, waxaa uu sheegay Xeer ilaaliyaha Guud in Ra'iisal Wasaaraha uu xaq u leeyahay oo kaliya soo jeedin, laakiin wixii magacaabis ahna uu leeyahay Madaxweynaha

29-kii bishii July ayaa Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya waxaa Xilkii looga Xayuubiyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho Max'ed Dheere

30 kii Bishaas Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Dowladda KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa lagu buriyay tii Ra'iisal Wasaaraha soo saaray, waxaana lagu amray wareegtadaas Maxamed Dheere inuu sii wato howshiisa Maamulka Gobolka Banaadir.

Khilaafka Labada Mas'uul ee ugu sareysa Dowladda ayaa u muuqda mid sii xumaanaya oo laga yaabo in aaqirkii khatar badan dhaliya

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com