Xikmada
Soomka Bisha Ramadaan ee Barakaysan
(U.A.E, Aug 30,
2008 Ceegaag Online)
Mahad iyo
amaan Allaah ayaa mudan oo iska leh, Rabiga Caalamiinka,
amaan iyo nabad gelyona ha ahaato korkiisa Rasuulka Allaah
iyo Ahalkiisii iyo Asxaabtiisii iyo mid kasta oo maray
Jidkiisii oo ku hadaysma Hanuunkiisii ilaa iyo Maalinta
Qiyaamaha
Intaas ka
dib:
Iyada oo ay
ina ku soo fool leedahay Bishii barakaysnayd ee Ramadaan
inshaa Allaahu tacaalaa ayaa waxaa laabud ah bal inaan in
yar is xusuusino Arimo ku tacaluqa Bisha barakaysan iyo
sidaynu fursadaa wanaagsan uga faa’iidaysan lahayn, ugu
horayna waxaan u baarikayaa munaasibadan wanaagsan dhamaan
Aqristayaasha Bogan ee Muslimiinta ah iyo dhamaan Ummada
Soomaaliyeed ee Muslimka ah iyo dhamaan Ummada Islaamka
Allaah tacaalaa ha inaga yeelo kuwa uu ka aqbalaayo Soomka
oo uu Cadaabta ka xoraynaayo
Waxaan
jeclaystay in aan Qoraalkan idiinku soo gudbiyo oo aan ka
dhegaysano Caalim Rabaani ah Muxaadarad uu leeyahay oo ku
saabsan Xikmada Allaah tacaalaa ugu farad yeelay Adoomihiisa
Soomka Bisha Ramadaan, Muxaadaradan waxaa jeediyay Waqti aad
u horeeyay Shiikh Alislaam Alcalaamah Shiikh Maxamed
Nasiru-Diin Alalbaani Allaah ha u naxariistee, Shiikhu
intaanu u gelin Mowduuca Muxaadarada wuxuu horta in yar ka
hadlayaa Arin Salaada ku saabsan waana Salaada Casar Salaadi
ma ka dambaysaa?
Waxaa kaloo
jirta in markuu dhamayay Shiikhu Allaah ha u naxariistee
Muxaadarada in la waydiiyay Su’aal fara badan in kasta oo ay
wada muhiim ahaayeena hadana waxaan gartay inaan soo raaciyo
Mowduucan oo ku dhamaystiro Su’aal Su’aalahaa ka mid ahayd
oo uu runtii aad ugu dheeraaday Shiikhu aadna u muhiim ah
waana Salaada Qiyaamka ama Taraawiixda, waxa xusid mudan
sidii caadiga ahayd inaan sheego in Tafsiirka Aayataha
Quraanka kariimka ah iyo Xadiithyaduba ay ka baxasan yihiin
Hadalka Shiikha, waxan kale oo aad u soo dhowaynayaa kuna
faraxayaa oo uga mahad celinayaa Cidii ugu baraarujisa wixii
Khalad ah ee ka soo baxa Qoraalkan, waxayna u dhacday
Muxaadaradii sidatan:
Mana jirto
Salaad ka dambaysa Casarka ilaa ay Qoraxdu dhacdo
Wuxuu yidhi
Shiikhu Allaah tacaalaa ha u naxariistee: Allaah ayaa mahad
iyo amaan mudan oo iska leh, waan u mahad celinaynaa waan
kaashanaynaa dembidhaaf ayaan waydiisanaynaa, waxaan Allaah
ka magan gelaynaa shararka nafahayaga, iyo acmaashayada
kuwooda xun, kii Allaah hadeeyo cid lumin kartaa ma jirto,
kii Allaah luminayona cid hadayn kartaa ma jirto, waxaan
qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudaa Jiritaanka oo
aan Allaah ahayn kelidii oo aan lahayn wax shiriik ah oo
lagu lamaaneeyo, waxaan qirayaa in uu Maxamed yahay adoonkii
Allaah iyo Rasuulkiisii.
{Kuwii Allaah
iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow, Allaah ka cabsada cabsi
dhab ah hana dhimanina idinkoo aan muslimiin ahayn.} [Aali
cimraan: 102] {Dad yohow rabigiina ka cabsada, idinka
abuuray naf keliya (Aadam calayhi salaam) ee ka sii abuuray
xaaskeedii (Xawaa calayhaa salaam) ee ka sii abuuray rag
badan iyo dumar oo ku kala fidiyey dunida guudkeeda, ka
cabsada Allaaha aad wax isku waydiisataan iyo inaad riximka
gowsaan, Allaah kor buu idinka ilaalinayaa oo waa ogyahay
acmaashiina} [Nisaa: 1].
{Kuwii Allaah
iyo diintiisa xaqqa ah rumeeyeyow Allaah ka cabsada oo ku
hadla hadal toosan wuxuu idiin hagaajin acmaashiina wuuna
idiin dembi dhaafi kii Allaah iyo Rasuulkiisa adeeca ayaa
liibaanay liibaan wayn (janada nimcooyinka badan gelaaya)} [Alaxzaab:
71&72].
Intaa ka dib:
hadal waxaa u khayr badan hadalka Allaah, jid lagu hanuunona
wax u khayr badan kii Maxamed sala Allaahu calayhi wasalam,
arimaha waxaa u shar badan kuwa la abuuro, arin kasta oo la
abuuraana waa bidca, bidca kastaana Naar ayay geli.
Intaa ka dib:
Waxaa laga
yaabaa inay haboon tahay anaga oo idiin nimi Salaadii Casar
ka dib waana Waqti ka mid ah Waqtiyada Sharci ahaan loo
yaqaano inay tahay tukashada Salaadu Makruuh, hadana waxaa
laabud ah inaad aragteen in aan iyada oo ay sidaas tahay iyo
qaar Walaalihii aanu wada soconay ma aanu fadhiisan ilaa ka
dib markii aanu tukanay laba Rakcadood, markaa waxa ay is
waydiin karaan qaar inta halkan joogta oo ka mid ah inta og
ama taqaan Xukumka Sharciga ah ee aan hada soo tilmaamay
waana karaahiyada Salaada ka dib Salaada Casar, markaa waxay
is waydiinayaan waa maxay Salaada ay hada tukanayaan
Walaalahaasu?
Jawaabtayda
taasuna waxay tahay Diintu waa nasiixo ugu horayn, tan
labaadna waxa ugu khayr badan ee laga rabo Cidii leh ama
taqaana wax Cilmi ah waa in uu u cadayo Cilmigaas Dadka oo
aanu la aamusin, wuxuuna yahay Cilmigaasu kan Caam ahaan
Dadka ugu xukuman in uu yahay Cilmi dahsoon, hadaba cadaynta
Cilmigaas dahsoon oo sida waaqica ahna ah Cilmi lagu yaqaano
Sunnaha, Cilmigaas oo kale ayaa ah kan la rabo in Caalimka
iyo Ardayda Cilmiguba u cadayaan Dadka oo aanay la aamusin,
gaar ahaan haduu Cilmiga shaygaasu yahay shay ay ku badan
tahay la kulmidiisu Dadka isaga oo kale si toos ah iyo si
aan toos ahaynba, waxaan ujeedaa in Muslimku ay
Laabud tahay
in ay la kulanto in uu galo Masjidka Waqtigan ay Salaadu
Makruuha tahay oo kale, markaa tanu waa Arin aanu sinaba uga
maarmi Karin Muslim kastaa in uu ogaado hadii uu galo
Masjidka Waqtiga ay Salaadu tahay karaahiyada sida Waqtigan
oo kale waa maxay Waajibka la gudbooni? Miyuu fadhiisanayaa
isagoo raacaaya Qaaciidad Caamka ah ee ah oo ku sugan sida
Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam: (ولا
صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس)
(mana
jirto Salaad ka dambaysa Casarka ilaa ay dhacdo Qoraxdu),
mise halkaa waxaa jira waxyaabo laga reebaayo Qaaciidatan,
tan weeye xaqiiqada ay tahay Waajibka in mid kasta oo Muslim
Qaangaadha ahi uu ogaado in aan Qaaciidatanu ahayn sidaa loo
yidhi oo keli ah ee ah Karaahiyada Salaada Waqtiyada la
yaqaano
May aha sidaa
loo yidhi oo keli ah ee waxay ku xidhantahay Shuruudo badan,
mana aan doonaayo hada in aan idiin soo jeediyo Deris Fiqhi
ah oo ah wixii ku tacaluqa Salaada oo hada waxaynu ku jirnaa
Bishii Soomka, laakiin waxaa laabud ah in aan idiin sheego
wixii ku tacaluqa munaasibadan aad aragteen waana Salaada ah
ka dib Salaada Casarka, markaa waxaan leeyahay Salaada loo
yaqaano xaga Culimada Taxiyat Almasjid, Salaadatanu waxay ka
mid tahay jumlada waxyaabaha laga reebaayo Qaaciidadaa
Caamka ah: (ولا
صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس)
waxaana jira halkaa waxyaabo badan oo laga reebaayo sidii
aan hada idhina ma jirto hada munaasibad aan ku samayno
cadaynteeda iyo tirakoobkeeda toona, hase yeeshee ka
Reebitaanadaa waxaa ka mid ah Taxiyat Almasjid
Waayo Nebigii
calayhi salaatu wasalaam wuxuu yidh: (إذا
دخل أحدكم المسجد فلا يجلس حتى يصلى ركعتين)
(hadii
midkiin galo Masjidka yaanu fadhiisan ilaa uu tukado laba
Rakcadood) halkan dabcan waxaa ah tafsiil Fiqhi ah oo
aad u daqiiq ah, iyada oo ay iska horyimaadeen laba Nas oo
Xadiith Caama ah (ولا
صلاة بعد العصر)
waa Nas Xadiith ah oo Caam ah, Hadalkiisa calayhi salaatu
wasalaam ee ahna (إذا
دخل أحدكم المسجد)
isna waa Nas Xadiith ah oo Caam ah, hadaba labada Xadiith ee
Caamka ah kee baa la hormarinayaa, Baadhitaanka Arintanu
waxay u baahan tahay tafsiil iyadana hada daruuri maaha
inaan galo, ilaa iyadoo Allaah casaa wajalaa uu inoo
dheereeyo oo inoo barakayo Waqtiga oo uu ku kaco mid uun
Walaalaha jooga ahi, inuu naga dalbado tafsiilta Arintaa,
markaa ana diyaar baan u ahay markaan dhamayno oo ka
faaruqno Jawaabaha Axkaamta ku tacaluqda Bisha Soomka
Laakiin waxaa
hadana laabud ah in aan sheego Arin aad u muhiim ah oo ku
tacaluqda tan aynu hada ku jirno Waqtigan waana Hadalkiisa
calayhi salaatu wasalaam ee: (ولا
صلاة بعد العصر حتى تغرب الشمس)
Naskan Xadiithka ahi maaha sida loo yidhi uun, oo waxaa ku
yimi Sunnaha laba Xadiith oo xidhaaya, mid waa Xadiith uu
soo weriyay Cali Binu Abii Daalib radiya Allaahu tacaalaa
canhu, kan kalena waxaa soo weriyay Anas binu Maalik radiya
Allaahu tacaalaa canhu, midkood waliba wuxuu ka soo weriyay
Nebiga calayhi salaatu wasalaam ee Xadiith xidhaaya ama
shardi u yeelaaya Xadiithkaa Caamka ah ee hore: (ولاصلاة
بعد العصر حتى تغرب الشمس)
Waxayna
yidhaahdeen waa Cali iyo Anas ee radiya Allaahu tacaalaa
canhumaa waxayna ku soo weriyeen Xadiithka Shardigan labaad:
(نهى
رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الصلاة بعد العصر إلا أن تكون
الشمس مرتفعة نقية)
(wuxuu nahyiyay Rasuulkii sala Allaahu calayhi
wasalam Salaada ka dambaysa Casarka ilaa hadii aanay ahayn
Qoraxdu mid meel sare ku joogta oo Saafi ah) hadaba
Arintanu way ka balaadhan tahay Arintii hore, Arintii hore
waxaynu nidhi Taxiyat Almasjid waa la tukanayaa Waqtiga
karaahiyada yacni wallow haday taasu noqonayso markay
cawlaato Qoraxdu, hada Waqtigan se oo aanay weli Qoraxdii
cawliin noqon bal sidaad aragtaan ay tahay cadaan saafi ah,
hadii uu doono Muslimku inuu Salaad tadawuc hadana sameeyo
Salaada Casar ka dib maadaama aanay Qoraxdii cawliin noqon
weli, taasu way u banaan tahay
Waxana tan u
daliil ah Xadiithkan u daliilka ah wixii aan soo sheegay
ayaan ku soo gebagebaynayaa Kelmedaydatan ku saabsan
munaasibada Salaada ka dambaysa Salaada Casarka,
Daliilkaasuna wuxuu yahay mid ay ku soo weriyeen Aliimaam
Bukhaari iyo Muslim labadooda Saxeex oo ah Xadiithkii Seyida
Caa’isha radiya Allaahu tacaalaa canhumaa waxayna tidhi:
(ما
دخل رسول الله صلى الله عليه وسلم بعد الصلاة العصر يوماً إلا
صلى في بيتي ركعتين)
(ma
uu soo gelin Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam
ka dib Salaada Casar Maalina isagoo ku tukada Gurigayga laba
Rakcadood mooyaane) markaa kanu waa Nas cad in Nebigu
sala Allaahu calayhi wasalam ahaa hadii uu ku tukado Casarka
Masjidka dabadeedna uu galo Gurigii Caa’isha radiya Allaah
tacaalaa canhumaa in uu ku tukan jiray laba Rakcadood, sida
tan ayayna ku camal fali jireen Salafkii qaarkood oo ah
kuwii ogaaday ama u war hayay Xadiithka Caa’isha oo uu ka
mid ahaa Inankii ay Walaasheed dhashay Cabdullaahi Ibnu
Zubayr radiya Allaahu tacaalaa canhu, tan ayaana ku soo
khatimayaa Kelmedayda tan
Xikmada Soomka
Bisha Ramadaan ee barakaysan
Waxaana
bilaabayaa Kelmed ku haboon inshaa Allaah Goobta iyo
Maqaamka iyo Waqtigaba aynu ku jirno iyada oo aynu dhamaan
ognahay Hadalka Allaah tabaaraka watacaalaa ee ah: {
كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ
مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ [البقرة183]}
{wuxuu
ka waramayaa tacaalaa wuxuu ku manaystay isagu Adoomihiisa
in uu ku farad yeelay iyaga soomis siduu ugu farad yeelay
Ummadihii iyaga ka horeeyayba, waayo waa Sharciyada iyo
Amarada ay ku jirto Maslaxada Khalqigu ama Uumanuhu Waqti
kasta, waxaana ugu jirta Ummadatan firfircooni oo laydinka
rabo inaad kula tartantaan qayrkiin dhamaystirka Camalada
iyo u dheeraynta Sifooyinka wanaagsan, mana aha Arimaha
culus, taas dabadeed ayuu tacaalaa sheegay Xikmada uu ka
leeyahay jidaynta Soomka, inuu yahay Soomku Sababaha ugu
wayn ee taqwada lagu gaadho, waayo waxaa ku jira u
hogaansanaan Amarada Allaah iyo ka tegis wuxuu nahyiyay}
Aayatatan wax
badan baad maqasheen tacliiq ku saabsan iyo Hadal faa’iido
leh wixii ku tacaluqa iyada, laakiin se waxaan u malaynayaa
inaydin noqonaysaan kuwa ay yartahay intaad ka maqasheen
tacliiq gaar ah oo ku saabsan Aayatan inteeda dambe {
لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
}
waxaa
laydinku farad yeelay Soomkan waayo? {
لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
}
si aad u
gaadhaan Taqwada, Aayatanu waxay ka mid tahay Aayataha yar
bal waxay ka mid tahay Nusuusta Sharciga ee yar is
raacinaysa Xukumkeeda Sharciga ah iyo cadaynta ujeedada iyo
Ciladaba, halkaa waxaa ahaatay cadayn Faradnimada Soomka
Bisha Ramadaan, waxaana la gudboon Muslimiintu inay
bilaabaan inay samayaan dabaqaada Xukumkan iyagoo aan is
waydiin waayo? Iyo sidee? Iwm oo ka mid ah waxyaabaha ay
hada badatay iswaydiinteedu, waxyaabaha lagu magcaabo
Xikmadaha Sharciyaynta (حكم
التشريع)
Wax badan baad ka maqashaan Dadka qaar, waayo sidaas?!! Oo
waayo sidaas?!! Waayo sidaas?!!
Sidaas
darteed anagu wanaajisan mayno inaan isku balaadhino oo sii
dhex galo Xikmadaha Sharciyaynta oo aan ahayn wixii Nas leh
oo lagu sheegay Sharciga sida tan aan hada hayno {كتب
عليكم الصيام إلى أخر الأية}
waayo? Wuxuu yidhi tacaalaa: {لعلكم
تتقون}
oo macnaheedu yahay in waxa looga jeedaa Soomku yahay in uu
u noqdo Soomkanu Wasiilad si uu u sii korodhsado Soomanuhu
taqwad xaga Allaah casaa wajalaa iyo ku dhowaanshihiisa,
markaa haduu soomo Soomanuhu oo aan waxba iska bedelin
Wadcigiisa siduu ahaa markii hore yacni Ramadaan ka hor,
markaa taas macnaheedu wuxuu yahay inaan Soomanahakanu
xaqiijin Ujeedadii laga doonaayay Fariidad Soomka, waxaa ku
yimid Xadiithyo qaar oo Saxeex ah dabcan oo ka sugnaaday
Nebiga calayhi salaatu wasalaam oo cadaynaaya oo
hubaalaynaaya Ujeedadatan ay Aayatu sheegtay
Tusaale ahaan
Xadiithka Qudsiga ah ee uu ka soo weriyay Nebigu calayhi
salaam Rabigiisa casaa wajalaa iyada oo uu yidhi: (من
لم يدع قول زوري والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه
وشرابه)
(midkaan
iska daynayn Hadalka Dembiga ah iyo ku camal falkiisa Allaah
waxba ugama baahna inuu iska daayo Cuntadiisa iyo
Cabitaankiisa) kanu waa Xadiith aad u wayn, wuxuuna
la kulmayaa la kulan kasta Aayataa dhamaadkeeda {لعلكم
تتقون},
markaa maaha Ujeedadu hadii aynu isu gayno Aayata iyo
Xadiithka, maaha Ujeedadu Ujeedada oo dhami, waxaan leeyahay
Ujeedada oo dhami si aanay qaar Hadalkayga si xun u fahmin
in uu Soomanuhu Naftiisa ka qabto Cuntada, Cabitaanka, isu
galmoodka ee lagu sheegay iyaga inay yihiin kuwa wax afuriya
Quraanka iyo Sunnahaba iyo weliba Afuriyaalka kale ee uu ka
jiro khilaafka wayni Fuqahaada dhexdooda maaha Ujeedadu iska
qabashada Afuriyaalka kan oo keli ah ee waxaa halkaa jira
Waajibyo kale oo ku Waajib ah Muslimku inuu iyagana iska
qabto hadana siduu isaga qabtay Afuriyayaalkaa
Markaynu
eegno Arinta ku xusan Aayata iyo Xadiithka cad ee Saxeexa ah
ee aan soo sheegnay hada, waxaan kari karaa in aan idhaahdo
Shay laga yaabo inuu noqdo Arin cusub xaga Cabiraada mase
aha Shay ku cusub xaga Axkaamta waayo taas waxaa lagu xusay
Quraanka iyo Sunnahaba, cabiraadaa cusubi waxay tahay in
Kutubta Fiqhiga dhamaan ay ku timid sheegista Afuriyaalka,
taasuna waa Shay ama Arin ay tahay laabud, laakiin anigu
waxaan leeyahay beyaamin iyo cadayn waxaynu hore ugu soo
sheegnay Aayata iyo Xadiithka, waxaan leeyahay in ay
Afuriyaalku yihiin laba Qaybood, laba Qaybood oo ay tahay
Waajib in ay noqoto qaybintan Xaqqa ahi mid ku sugnaata
Dihniyaalkiina dhamaan ahmiyada ay leedahay awgeed,
Qaybta kowaad
waa Afuriyaalka Maadiga ah waana tan ay sheegeen cadaynteeda
Kutubta Fiqhigu sidaan hada soo sheegay, Qaybta kale ee
Afuriyaalkana aan ku magcowno Afuriyaalka Macnawiga ah,
Afuriyaalkan Macnawiga ahi waa tan ay tilmaantay Aayata
Kariimka ahi {لعلكم
تتقون},
uuna cadayay taas Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam ee
Rabigiisa tabaaraka watacaalaa: (من
لم يدع قول زوري والعمل به فليس لله حاجة في أن يدع طعامه
وشرابه),
marka waxa Waajib ah Qofku inuu raaciyo ka tegista
Cuntadiisa iyo Cabitaankiisa iyo Shahwadiisa Galma ahaaneed
waxa Waajib ah inuu ku daro taas inuu ka tago oo ka dhamaado
wixii uu ka xaaraantinimayay Allaah casaa wajalaa isaga oo
uu ku farad yeelay Muslim kastaa inuu noqdo mid ka fogaada
Nebiga sala
Allaahu calayhi wasalam waxa laga soo weriyay inuu yidhi:
(ليس
الصيام في ترك الطعام والشراب وإنما الصيام الإنتهاء عما نهى
الله عز وجل او كما قال النبي صلى الله عليه وسلم)
(ma
aha Soomku ka tegista Cuntada iyo Cabitaanka ee waxaa weeye
Soomku ka tegista ama ka dhamaanshaha wixii uu nahyiyay
Allaah casaa wajalaa ama siduu yidhi Nebigu sala Allaahu
calayhi wasalam), hadaba Cidii doonta inay isku
taagto ama ogaato Xadiithyadatan iyo wixii u egba oo ku
saabsan ka digista Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam ee la
imaanshaha Macsiyadaha ee Soomanaha iyo in nahyigaasu ka mid
yahay Hadalkiisa tabaaraka watacaalaa ee Caamka ah ama Guud
{لعلكم
تتقون},
Cidii doonta inay isku taagto noocyadan Xadiithyada ha ka
eego Kitaabka Atarqiib wa Atarhiib (الترغيب
والترهيب)
ee uu leeyahay Xaafid Almundari Allaah ha u naxariistee,
Ugu
dambayntiina waxaan leeyahay in Soomku xaga ku tacaluqidiisa
in loo sharciyay sababta ah in uu ku korodhsado Muslimku ku
dhowaanshihiisa Allaah iyo taqwadiisa waa sida Salaada oo
kale aad iyo aad, ee aanay ahayn Ujeedada laga leeyahay ee
keli ahi inuu la yimaado Muslimku Shuruudaheeda, Arkaanteeda
iyo Waajibaadkeeda oo keli ah bal ay korkiisa tahay hadana
in uu ogaado Ujeedada iyo Xikmada uu owgeed hadana ugu
sharciyayay Allaah casaa wajalaa Adoomihiisa Mu’miniinta ah
Shan Salaadood Maalin iyo Habeen kasta, taasuna waa tan uu
ku tilmaamay Rabigeenu casaa wajalaa Hadalkiisa:
إِنَّ
الصَّلَاةَ تَنْهَى عَنِ الْفَحْشَاء وَالْمُنكَرِ }}
{Salaadu
waxay reebtaa ama nahyidaa Fuxshiga oo ah wax kasta oo wayn
oo xun oo ah Macsiyado ah oo ay rabaan Nafuhu oo shahiyad u
hayaan, iyo Munkarka oo ah Macsiyado kasta oo ay diidayaan
ama inkirayaan Caqliyada iyo Abuurtu}, hadaba inta uu
yahay Qadarka ay noqonayso Salaada Muslimka mid ka reebta
ama ka nahyida isaga Fuxshiga iyo Munkarka ayay ka
noqonaysaa mid la aqbalay xaga Allaah casaa wajalaa, waxa
uuna ku tilmaamay Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam
Xaqiiqadatan ku tacaluqda Salaada Xadiith saxeex ah waana
Hadalkiisa calayhi salaatu wasalaam: (إن
الرجل ليصلى الصلاة ما يكتب له منها إلى عٌشرها)
(Qof
baa wuxuu tukanayaa Salaad aan looga qorayn iyada ilaa toban
meelood oo meel maaha ee) Qof baa wuxuu tukanayaa
Salaad inta looga qorayaa Salaadaa ay tahay toban meelood oo
meel yacni iyadii oo dhan loo qori maayo ee waxaa loo
qorayaa iyada oo dhiman Nisbada kala gedgedisan,
Wuxuu taas ku
cadayay calayhi salaatu wasalaam Xadiithkanu markuu dhan
yahay waana Hadalkiisa: (إن
الرجل ليصلى الصلاة ما يكتب له منها إلى عشرها، تسعها، ثمنها،
سبعها، سدسها، خمسها، ربعها، نصفها)
(Qof
baa wuxuu tukanayaa Salaad aan looga qorayn iyada ilaa toban
meelood oo meel maaha ee, sagaal meelood oo meel maaha ee,
sideed meelood oo meel maaha ee, todoba meelood oo meel
maaha ee, lix meelood oo meel maaha ee, shan meelood oo meel
maaha ee, afar meelood oo meel maaha ee, nus ama badh maaha
ee) halkan ayuu markaa isku taagay(waa badhka ee)
isaga oo tilmaamaya in ay Salaada dhami tahay wax aad iyo
aad u yar oo naadir ah aad iyo aad in uu ku kaco Muslimku,
kooda ugu khayrka badani waa kan loo qoro badhkeeda iyo
sidaas oo kale ilaa iyo toban meelood oo meel, toban meelood
oo meeshuna waa hadii ay tahay Salaadiisu mid laga aqbalay
xaga Allaah casaa wajalaa, hadii kale se wax badan bay
noqonaysaa Salaada kan tukanayaa Salaadahaa Qofka Wejiga
lagaga dhufanaayo Maalinta Qiyaamaha, waxaan ka magan galay
Allaah tabaaraka watacaalaa ee
Taasna Nebigu
sala Allaahu calayhi wasalam wuxuu tilmaamay labadan
Xaqiiqo, Xaqiiqada kowaad waa tii aan ka soo hadalay ee ku
saabsanayd Soomka, Xaqiiqada kalena waa tan ku saabsan
Salaada, marka wuxuu yidhi calayhi salaatu wasalaam: (كم
من صائم ليس له من صيامه إلى الجوع والعطش)
(imisaa
mid sooman aan ku lahayn Soomkiisa waxaan ahayn Gaajo iyo
Haraad) waayo?! Waayo kama tegin wixii uu ka nahyiyay
ama ka reebay Allaah casaa wajalaa isaga, waxa uu ku soo
gaabsaday uun oo keli ah wixii aynu ku magcownay Afuriyaalka
Maadiga ah, wuxuuna u malaynayaa in uu soomay, kaas waxaynu
leenahay isaga oo kale waa soomay mana soomin, waa soomay oo
wuxuu iska qabtay ama iska daayay Afuriyaalkii Maadiga ahaa,
mana soomin waayo iskama qaban Afuriyaalkii Macnawiga ahaa
Sidaas
darteed ayuu u yidhi calayhi salaatu wasalaam: (كم
من صائم ليس له من صيامه إلى الجوع والعطش، وكم من قائم ليس له
من قيامه إلى السهر والنصب)
(imisaa
mid sooman aan ku lahayn Soomkiisa waxaan ahayn Gaajo iyo
Haraad, imisaa se mid tukanaaya aan ku lahayn Salaadiisa
waxaan ahayn soo Jeedis iyo Daal ama tacab), hadaba
waxaan ka rajaynaynaa Allaah tabaaraka watacaalaa inuu nagu
ilhaamo ka soomista Afuriyaalka labadeeda Qayboodba ee
Maadiga iyo Macnawigaba iyo inuu nagu ilhaamo in ay noqoto
Salaadayadu mid uu aqbalay tabaaraka watacaalaa ayna noqoto
Salaada naga reebaysa Fuxshiga iyo Munkarka, hadaba
Munaasibadan waxaa laabud ah in aan sheego Xadiith ka mid ah
Xadiithyada ku fiday Carrabka Dadka oo aanay sax ahayn bal
aanay banaanayn in loo nisbayo Nebiga sala Allaahu calayhi
wasalam
Waayo iyada
oo aanu ka sugnaan ugu horayn xaga dhismihiisa ama
Sanadkiisa, tan labaadna xaga macnihiisa, Xadiith kaasu
wuxuu yahay : (من
لم تنهاه صلاته عن الفحشاء والمنكر لم يزداد بها من الله إلى
بعداً)
(
midkii aanay ka nahyiyin ama ka reebin Salaadiisu Fuxshig
iyo Munkarka kagama korodhsado iyada xaga Allaah waxaan
ahayn sii fogaansho) Xadiithkaasu wuxuu la macaanaan
karaa Dadka qaar in ay maqlaan, waana la wanaagsanaan karaa
Macnihiisu iyaga oo aan u fiirsan Macnaha Munkarka ah ee ku
hoos jira ee uu xambaarsan yahay, taas waxay tahay in
Xadiithkanu haduu ahaan lahaa saxeex aanu ka dhigeen Arinta
dhexdooda kaa tukanaaya ee aanay ka reebayn Salaadiisu
Fuxshiga iyo Munkarka iyo kaa aan tukan haba yaraatee, in uu
noqdo kaa aan tukan haba yaraatee uu uga dhow yahay Allaah
casaa wajalaa kaa tukanaaya ee aanay ka reebayn Salaadiisu
Fuxshiga iyo Munkarka
Taasuna waa
Arin Baadil ah oo Baadilnimadeedu u cadahay sida Qoraxdaa,
yacni inuu noqdo kaa aan tukanayni mid ka khayr badan xaga
Allaah casaa wajalaa kaa tukanaaya laakiin aanay ka reebayn
Salaadiisu Fuxshiga iyo Munkarka, hadaba hadaad aragteen in
Xadiithkan uu ku jiro macnahaa Baadilka ahi, markaa waxaa
noo sax ah anaga in aan nidhaahno Isdilaaxii Culimada
Xadiithka, Xadiithkanu waa Daciif xaga Sanadka waana Baadil
xaga Matniga, waayo? Wuxuu leeyahay (لم
يزداد بها من الله إلى بعداً
)
kagama korodhsanaayo iyada xaga Allaah waxaan ahayn sii
fogaansho!!! Markay sidaas tahay waxa la odhanayaa yaanu
korodhsan sii fogaansho!!! Hadii aanu tukan ba Salaadaa uu
tukanaayo ee aan ka reebayn Fuxshiga iyo Munkarka ee u sii
kordhinaysa Allaah xagiisa fogaanshaha!!! Maya taas, ha
joojiyo hadaba oo yaanu tukan!!! Taas waa Munkar dhinac
kasta, sidaas darteed waxaan jeclaystay in aan idiin sheego
in uu Xadiithkaasu Daciif yahay xaga Sanadkiisa uuna Baadil
yahay xaga Matnigiisa
Salaat
Alqiyaam ama Ataraawiix
Su’aal:
Shiikh waxaa jirta Su’aal in Dadka qaar ku doodaan ama ku
andacoodaan xaga kordhinta ama siyaadinta Taraawiixda ilaa
iyo labaatan Rakcadood waayo bay yidhaahdeen Seyida Caa’isha
radiya Allaahu canhumaa waxay soo werisay Sunnihii Camaliga
ahaa ama Camal ahaaneed ee Rasuulka sala Allaahu calayhi
wasalam ee may soo werin Sunnihii Qowliga ahaa ama Hadal
ahaaneed, markaa waa maxay Jawaabta taasu? Ma se ka
sugnaaday Xadiith sax ah Cumar radiya Allaahu canhu inuu
tukaday Labaatan?
Jawaab:
Su’aashanu waxay u baahan tahay Taraawiix!!! (Waxa uu
shiikhu uga jeedaa Hadalkan waa inay dheeraanayso Jawaabta
Su’aashanu iyada oo Masjidkana Waqti aad u dheer ay
fadhiyeen), wuxuuna yidhi Shiikhu Allaah ha u naxariistee:
ugu horayn kama sugnaan Riwaayad sax ah Cumar Ibnu Khadaab
radiya Allaahu canhu in uu tukaday Waqtigiisii Salaada
Qiyaamka ee ay u bixiyeen kuwii dambe Salaada Taraawiixda
labaatan Rakcadood, taas wax sax ah oo ka sugnaaday ma
jirto, waxaa halkaa ku yimid Riwaayado qaar aanay midoodna
ka badbaadayn Cilad aad u wayn, hadaba mid taas ka soo
horjeeda waxaa ku yimid Mowda’a Iimaam Maalik oo leh Sanad
saxeex inay tukadeen Salaada Qiyaamka koob iyo toban
Rakcadood iyada oo uu amray taas Cumar Ibnu Khadaab radiya
Allaahu canhu, wuxuu amray Cumar Ibnu Khadaab Ubaya Ibnu
Kacab oo ahaa mid ka mid ah Quraadii waawaynayd ee Saxaabada
inuu tukiyo Dadka koob iyo toban Rakcadood
Markaa kama
sugnaan Riwaayad sax ah Cumar in uu tukiyay Waqtigiisii
labaatan Rakcadood bal waxaa ka sugnaatay oo sax ah taas
khilaafkeeda, hadaba taas ka sugnaatay ee saxa ah Cumar Ibnu
Khadaab radiya Allaahu canhu ee uu amray isagu ayaa ah tan
aanay suurgal ahayn inay ka soo baxdo isaga khilaafkeedu
taas, waayo wuxuu ogaa siday u ogayd Seyida Caa’isha radiya
Allaahu tacaalaa canhumaa in Nebigu sala Allaahu calayhi
wasalam aanu tukan Salaada Qiyaamka Ramadaan iyo qayr
Ramadaan toona wax ka badan koob iyo toban Rakcadood, waxaa
ku yimid Saxeexa Bukhaari iyo Muslim kaasaana idinkaga filan
Riwaayadahaas aan idinku idhi hada kama madhna midood waliba
Cilad aad u wayn, waxaana idinku filan inaad ogaataan in aan
waxba kaga jirin Saxeexaynka Riwaayadahaas haba yaraatee,
hadaba Saxeexaynka waxaa ku jira Xadiithkaa laga soo sheegay
Caa’isha radiya Allaahu canhumaa in la waydiiyay Salaadii
Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Ramadaanta
Habeenkii
Waxayna u
Jawaabtay Asluubtii Xakiimka, Asluubta Xakiimku waxay tahay
waxbaa la waydiinayaa, markaas ayuu wuxuu kaga jawaabayaa
mid ka sii badan, taasuna waa Shani’ga Caalimka Cilmiga leh
ee sii daynaaya Cilmiga, maaha daruuri in Masa’ala kasta
looga soo jeediyo Su’aal bal isaga ayaa soo horaysiinaaya
Jawaabtii intaanay Su’aashu u iman, sidaas ayay ahaayeen
Salafkii hore, waxayna tidhi Seyida Caa’isha iyada oo u
jawaabaysa kii Su’aasha ka waydiiyay Qiyaamkii Rasuulka sala
Allaahu calayhi wasalam ee Ramadaan, waxayna tidhi : (ما
كان رسول الله صلى الله عليه وسلم يزيد في رمضان ولا في غيره
على إحدا عشرة ركعة)
(ma
uu ahayn Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam mid
dhaafiya ama ka kordhiya Ramadaanta iyo qayr Ramadaan toona
koob iyo toban Rakcadood) laakiin se maqla waxay
tidhi : (يصلى
أربعاً فلا تسئل عن حسنهن وطولهن ثم يصلى أربعاً فلا تسئل عن
حسنهن وطولهن ثم يصلى ثلاثاً)
(wuxuu
tukan jiray afar hana warsan wanaagooda iyo dheeraantooda,
dabadeedna wuxuu tukan jiray afar hana warsan wanaagooda iyo
dheeraantooda dabadeedna wuxuu tukan jir saddex)
Taas ay
sheegtay Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa shaki kuma
jiro in Cumar radiya Allaahu tacaalaa canhu uu ogaa taas,
sidaas darteed ayuu wuxuu amray Hanuunkiisii calayhi salaatu
wasalaam Ubaya Ibnu Kacab inuu tukiyo Dadka koob iyo toban
Rakcadood, hadana waxaan Jawaabta ku darayaa si aan
Qalbiyada ugu dejino Walaalahayaga Ahalka Sunnaha ah ee
jecel inay dhowrtaan Sunnaha oo aanay ka leexan, ma
odhanaayo dhamaanteed waayo taasu waa Arin mustaxiil ah, uma
aha suuragal midkeena inuu samayo wuxuu samayn jiray
Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam, taasu waa Arin
mustaxiil ah laakiin sida la yidhi: (فتشبهوا
إن لم تكون مثلهم * إن التشبه بالكرام فلاح)
(isu
ekaysiiya hadaydaan noqon karayn sidooda * isu ekaysiinta
kuwa Karaamada lihi waa Badhaadhe ee ama Guul ee)
Waa kuma kan
kari karaaya inuu taagnaado Rakcad keli ah oo uu ku aqriyo
Suurat Albaqarah, Aala Cimraan iyo Almaa’idah dabadeedna
Anisaa, afar Suuradood oo dhaadheerka ah Rakcad keli ah,
mana aha taas oo keli ah ee wuu rukuucaa markaas ayay
noqotaa Rukuucdiisu mid ku dhow taagnidiisii, mana aha taas
oo keli ah ee markuu Madaxiisa kor uga qaado oo ka soo noqdo
Rukuucda waxay ahayd taagnidiisu mid ku dhow Rukuucdiisii,
mana aha taas oo keli ah ee hadii uu sujuudo waxay ahayd
Sujuudiisu mid ku dhow taagnidiisii labaad, hadiina uu
fadhiisto labada Sujuudood dhexdooda oo Madaxa kor uga qaado
Sujuuda koobaad wuxuu ahaa fadhigiisu mid ku dhow
Sujuudiisii, sidaas oo kale waxay ahayd Sujuuda labaad mid
ku dhow fadhigiisii labada Sujuudood dhexdooda yaa kari kara
taas?!!!
Hadii ay
ahaayeen Asxaabtii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam
kuwa aan kari karayn Salaadiisii oo kale, markaa kuwamaynu
nahay inagu?!!! Waxaa samayay Salaadaa oo ku daba tukaday
calayhi salaam Xudayfa Ibnu Yamaan, Habeen buu kacay markaas
ayuu arkay Rasuulkii oo Masjidka ku tukanaaya kelidiis,
markaas ayuu ku xidhay isagu, wuxuu ku furay Suurat
Albaqarah markaas ayuu Gacantiisa ku dhacay, sidaas ayay
ahayd Nafsiyada Xudayfa wuxuu inooga sheegaayo Xadiithkiisii
Nebiga sala Allaahu calayhi wasalam waxaana uu ku dejiyay
Naftiisa in Rasuulku calayhi salaam si kasta oo uu ugu
dheeraado Qiraa’ada intee ku dheeraanayaa!! Dee waxa uu ku
rukuuci doonaa ilaa boqolka Aayatood ee ugu horeeya, sidaas
ayuu kula sheekaystay Naftiisa, wuxuu yidhi: wuu waday oo ma
rukuucin! wuu waday, hadana labadii boqol ee labaad! Wuu
waday, wuxuu dhameeyay Albaqarah oo dhan, markaas ayuu isu
dhiibay Waaqica uu ku jiro waa Xudayfa ee, mar dambena
isuguma sheekayn haduu rukuucayaa, haduu rukuucayaa, wuxuu u
dhiibay Arinkiisii Allaah casaa wajalaa
Wuxuu aqriyay
Albarah ka dib sidaad maqasheen Aala Cimraan dabadeedna
Almaa’idah sidaas ayuu ahaa, hadana wuxuu ku soo noqday
Anisaa, sidaas ayuu ahaa waa kaa Saxaabigii ahaa Hayaha
Sirtii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam Xudayfa Ibnu
Yamaan!!!, Saxaabi jiliil ah oo kale Cabdullaahi Ibnu
Mascuud radiya Allaahu tacaalaa canhu ayaa ku tukaday mar
Habeen kale Gadaalkiisa calayhi salaam wuxuuna yidhi: waa ku
dheeraaday oo ku dheeraaday ilaa aan ku ham hamiyay Arin
xun!!! Markaas bay ku yidhaahdeen: oo maxaad ku ham
hamiday?! Wuxuu yidhi: waxaan ku ham hamiyay in aan isaga
daayo ha taagnaadee oo aan anigu fadhiisto!!! Ujeedadu waxay
tahay ma kari karaayo Qofna weligiisba in uu falo Ficilkii
Rasuulka oo uu Allaah ku caabudo Cibaadadii Rasuulka, hase
yeeshee sidaan hada idhi: (فتشبهوا
إن لم تكون مثلهم)
(isu
ekaysiiya hadaydaan noqon karayn iyaga oo kale), hada
aan halkan isku taagno joogsi gaaban laga yaabee, ma wuxuu
noqonayaa isu ekaysiinta Rasuulku inaad ka sii siyaadisid
isaga?! Ha ahaato xaga intee ama sidee ee? Xaga sidee taasu
waa mustaxiil
Xaga se intee
taasu waa wax Waaqic ah, hada Dadku waxay ilaaliyaan inay
tukadaan Taraawiixda saddex iyo labaatan Rakcadood, taas oo
khilaafsan tiradii Rakcadaha Rasuulka sala Allaahu calayhi
wasalam, qaarkood taasuna waa Waaqic aan lahayn Cid
difaacaysa, waxay ku tukadaan Salaada ah saddex iyo
labaatanka Rakcadood mudo ah labaatan Daqiiqo, wixii intaa
ka sii wanaagsan waa sodon Daqiiqo, markay ugu badato waa
Saacad, markaa Walaalayaal hadii aad ku tukataan koob iyo
toban Rakcadood labaatankaa Daqiiqo ama sodonkaa Daqiiqo ama
Saacadaa, taas ayaa idiinka khayr badan Rakcadahaas aanad ka
helayn wax idmi’naan ah yacni aanay Naftu ku xasilaynin ee
uu iyada oo kale yidhi Cabdullaahi Ibnu Mascuud ee yidhi
waxaan ku ham hamiyay Arin xun, wuxuu yidhi: isaga oo ka
hadlaaya Salaada Safarka ma waxa weeye Qasar laba Rakcadood
ah mise waa afar Rakcadood
Wuxuu yidhi:
Sunnihii Rasuulku sala Allaahu calayhi wasalam ee Safarku
waa laba Rakcadood siduu yidhi Anas Binu Maalik radiya
Allaahu tacaalaa canhu: (خرج
رسول الله صلى الله عليه وسلم من المدينة إلى المكة فلم يزل
يصلى ركعتين ركعتين حتى رجع إلى المدينة)
(wuxuu
ka baxay Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi wasalam
Almadiinaha isagoo u socda Makka kamana suulin in uu tukado
laba Rakcadood laba Rakcadood ilaa uu ku soo noqday
Almadiinah) wuxuu yidhi Ibnu Mascuud muxuu yidhi?!!
Halkan ayayna ku jirtaa cibradu ee wuxuu ku cataabay alaa
may alaa may ka mid ahaato Salaadayda laba Rakcadood oo la
aqbalaayaa, ma anaa tukada afar oo khilaafa Rasuulka?
Rasuulkii wuxuu tukaday laba Rakcadood, markuu ka baxay
Madiinah ilaa Makkah ilaa uu ku soo noqday Madiinah wuxuu
tukanaayay laba laba Rakcadood, markaas ayaad adigu
tukanaysaa afar!!! Alaa may alaa may ka mid ahaato
Salaadayda laba Rakcadood oo la aqbalaayo
Markaas
iyamaa Jid hanuunsan oo Hadal toosan kuwaas ku tukanaaya
Taraawiixda odhan mayno labaatan Daqiiqo, sodon Daqiiqo ee
Saacad ku tukanaaya saddex iyo labaatan Rakcadood iyo kuwaas
ku tukanaaya koob iyo tobanka!!! Shaki kuma jiro inay kuwaa
koob iyo tobanka tukanayaa u dhow yihiin xaga isu ekaysiinta
Rasuulkii calayhi salaam, ma odhanaayo kuwaasu waxay la
yimaadeen Sunnihii, ogaada waa mustaxiil inaan kari karo
inaan la nimaadno Sunnihii, laakiin aan isu ekaysiino Cidii
inoo sunnaysay Sunnahan oo tukano Salaada Qiyaamka koob iyo
toban Rakcadood oo keli ah, hadaba Walaalayaal iska dhaafa
doodeeda Rasuulkii wuxuu tukan jiray koob iyo toban iyo
wuxuu tukan jiray saddex iyo labaatan ee bal tukada koob iyo
toban Rakcadood halkii aad ka tukan lahaydeen saddex iyo
labaatan iyo Waqtigii aad tukan lahaydeen saddex iyo
labaatan, taas baad ku noqonaysaan kuwa guulaystay uguna
dhow isu ekaysiinta Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam
Waxaan u
malaynayaa waxaa hadhay Su’aashii ahayd saddexda Qaybood
Qaybtii ugu damabaysay, waana ku andacoodka Hadalkiisa sala
Allaahu calayhi wasalam ee Caamka ah, iyada oo ay Su’aashu
ku timi in qaarkood ku andacoodaan in Seyida Caa’isha radiya
Allaahu canhumaa ay ka hadashay Ficilkiisii calayhi salaam,
laakiin aanay ka hadal Hadalkiisii, waxayna ujeedaan
Hadalkiisii calayhi salaam ee Xadiithkii Cabdullaahi Ibnu
Cumar Ibnu Khadaab radiya Allaahu canhumaa sida ku timid
Labada Saxeex: (عن
إبن عمر قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم صلاة الليل
مثني مثني فإذا خشي أحدكم الصبح فاليوتر بركعة توتر له ما قد
صلى) (Ibnu
Cumar in uu yidhi: wuxuu yidhi Rasuulkii Allaah sala Allaahu
calayhi wasalam Salaada Habeenkii waa laba labo markaa hadii
uu ka baqo midkiin Aroorta ha ku witiriyo Rakcad u witirisa
wixii uu tukaday), taasi waa Xujad muuqaalkeedu ama
daahirkeedu yahay xoog, hoosteeda ama baadinkeedu se yahay
daciif aad u wayn, taasu waxay tahay sida xaqiiqada ahna
tanu waa Qaaciido aad iyo aad u muhiim ah, markaa waxaan
rajaynayaa in Walaalaha halkan jooga gaar ahaana intooda ah
Ardayda Cilmiga waa inay aad ugu wacyi qaataan oo u xafidaan
Waayo waxay
ka gargaaraysaa fahmida Masa’alado badan oo Fiqhiga ah,
kuwaas oo ay isku khilaafsan yihiin Culimada hada Waqtigan
jooga iyo laga yaabee kuwii horeba, waxaana ku andacoon kara
Ahalka Bidcada si ay ugu shakisiiyaan Bidcooyinkooda, markaa
waxaan leeyahay xaqiiqa ahaan kanu waa Nas Caam ah (صلاة
الليل مثني مثني)
ma odhan calayhi salaatu wasalaam waa toban Rakcadood
Rakcada ugu dambaysaana waa Witir keli ah, ee wuxuu yidhi
waa laba labo, markaa waxaanu leenahay waana halkan diqada
Mowduucu ee waxaan rajaynayaa in loo fiirsado, Nas kasta oo
Caam ah oo ay soo hoos galaan Jusas badan oo aad u badan oo
aan ognahay ama ogaano in Jus ka mid ah Naskaa Caamka ah
aanu ku camal falin Rasuulkii calayhi salaam ku camal falka
Juskaa inkasta oo uu soo gelaayo Naska Caamka ah waxay
noqonaysaa Bidcah, waa Masa’alad diqad wayn xambaarsan!!!
Laakiin se waxa laga yaabaa in Tusaalayaal qaar ahi
cadayaan, Tusaalayaashaa ka hor waxaan leeyahay Asalka Bidca
kasta ee Dhulka korkiisa waxaa u sabab ah qabsashada Nasaska
Caamka ah ee aan ku camal falkeeda Caam ahaaneed ka sugnaan
Cahdigii Kowaad
U soo qaado
Tusaale Aadaanka, Aadaanku Wadama badan oo Islaam ah wuxuu
leeyahay Hordhac iyo Gebagebo, xagayaga Shaam waxay ku
magcaabaan Hordhaca Tadkiir, Gebagebaduna waa ku saliyida
Rasuulka calayhi salaam, ku saliyidaasna waxaa ku jira
siyaadooyin badan oo Baadil kan ugu Baadilsan ah sida
yeedhitaankooda Hadalkooda ah “ kii ugu horeeyay ee Allaah
abuurow” waxaas oo dhan waxa lagaga dhaqmaa Suuriya iyo laga
yaabee Masar iyo Wadamo kale, si kasta ha ahaatee aan soo
qaadano Masa’alada xasaasiga ah waa ku saliyida Nebiga sala
Allaahu calayhi wasalam ee Mu’adinka Waqtiga Aadaanka, taas
wuxuu soo gelayaa Caamamka Quraanka iyo Xadiithka Rasuulka
calayhi salaam: {إِنَّ
اللَّهَ وَمَلَائِكَتَهُ يُصَلُّونَ عَلَى النَّبِيِّ يَا
أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا صَلُّوا عَلَيْهِ وَسَلِّمُوا
تَسْلِيماً
}
{Allaah
tacaalaa wuxuu ku amaana Nebiga Malaa’ikta dhexdeeda ee
Mala’ sare jeclaanta uu u qabo tacaalaa awgeed, wayna u
amaanaan Malaa’ikta u dhowi wayna u ducayaan, ee hadaba
kuwii Allaah iyo Diintiisa Xaqqa ah rumayayow idinka oo ku
dayanaaya Allaah iyo Malaa’iktiisa ugana abaal gudaaya qaar
Xuquuqda uu idinku leeyahay iyo dhamaystirid Iimaankiina iyo
Waynayntiisa calayhi salaam iyo jeclaantiisa iyo
karaamayntiisa iyo inaad kordhsataan Xasanaatkiina kana
kufridaan Xumaantooyinkiina u amaana calayhi salaatu
wasalaam Allaah, Salaamana Salaam waynayn ah} ma
waxaa jirta Cid Muslimiinta ka mid ah oo inkiraysa
Aayatan?!!! Cidii inkirtaa waa Cid gaalowday, markaa ma
jirto Cid inkiraysaa, hadaba waayahay ee maxaynu odhanaynaa
kuwaas ku andacoonaaya Aayatan?!!! Ee odhanaaya maxaydin
idinku noogu diidaysaan inuu Rasuulka ku saliyo Mu’adinku
Aadaanka ka dib, waa kaas oo Allaah tacaalaa wuxuu leeyahay
sidaas iyo sidaas ee?!!!
Mana aha taas
oo keliyah ee waxaa jira halkaa Xadiithyo uu ka mid yahay
Hadalkiisa calayhi salaam: (من
صلى علي مرةً واحدةً صلى الله عليه بها عشره)
(Cidii
igu salida aniga mar keli wuxuu Allaah tacaalaa ugu saliyaa
iyada toban jeer) hadaba anigu waxaan ahay Mu’adin
waxaana jecelahay inaan ku saliyo Rasuulka Aadaanka dabadii
ee maxaad noogu diidaysaan?!!! Sidaas kaga qiyaas qaado
Shayaal badan oo aad u badan, xagayaga Shaam hadana waxa
lagu saliyaa Rasuulka Faradyada ka dib, dhamaan Shayadaasu
may jirin Cahdigii Rasuulka calayhi salaam, markaa halkan
waa laba Arimood miduun: waa inay noqonayso fahamka kuwaas
Mubtadicada ahi dabaqaadooda Nusuustan, ku tiirsanaanta
Cumuumkooda ama inay yihiin kuwa saxan!!! Markaa maxay
noqonayaan Salafkii oo uu ugu horeeyo Rasuulkii Allaah sala
Allaahu calayhi wasalam, waxay noqonayaan kuwa khaldanaa!!!
Cidii taas tidhaahdaana waxay uga baxaysaa Islaamka siday
Tintu uga baxdo Cajiinka, mana jirto Cid odhanaysaa taas,
hadaba waxaa hadhay Shay kale oo hadana aanay suurgal ahayn
inay Cidi tidhaahdo
Waana “anagu
waxaanu uga baahi badanahay Daacada Allaah Salafkii
wanaagsanaa” taasuna hadana hadaanay noqon Kufrinimo waa wax
u eg Kufriga “anagu waxaanu uga baahi badanahay Daacada
Allaah Salafkii wanaagsanaa” waxana uu ku yidhi Rasuulkii
Allaah calayhi salaam Xadiithyo badan ay ka mid tahay sida
ku yimid Saxeex Almuslim: (إن
النبي صلى الله عليه وسلم قال: ما بال أقوامٍ يتنزهون عن فعل
أفعله والذى نفس محمد بيده إني أخشاكم لله وأتقاكم لله)
(in
Nebigu sala Allaahu calayhi wasalam yidhi: bal ka warama
Qoomam iska daahirinaya ama iska fogaynaaya Ficil aan anigu
falay waxaan ku dhaartay kii ay Nafta Maxamed Gacantiisa ku
jirtay ee aniga ayaa idiinku baqdin badan Allaah xagiisa oo
idiinku taqwad badan Allaah xagiisa) taas ayuu ku
yidhi calayhi salaam Xadiithka Saxeex Almuslim, waxaana
halkaa jira Xadiith ku yimi labada Saxeex oo ku tacaluqa
Nimankii saddexda ahaa ee yimid Gurigii Nebiga sala Allaahu
calayhi wasalam
Markaas ayay
ka waayeen, markaas ayay waxay waydiiyeen Dumarkiisii
calayhi salaam Soomkiisii iyo Salaadiisii Habeenkii iyo
guurkiisa Dumaraka, markaas ayay uga warameen waxay
ogaayeen, waxayna yidhaahdeen isagu calayhi salaam wuu u
kacaa Salaada Habeenkii waana seexdaa, waana soomaa waana
afuraa, Dumarkana waa guursadaa, markaas ayay waxay
yidhaahdeen halkana weeye Khaladka wayn ee lafdigooda, waxay
yidhaahdeen kaasu waa Rasuulkii Allaah sala Allaahu calayhi
wasalam, Allaah ayaa u dhaafay isaga Denbigiisa kii tegay
ama hormaray iyo kii hadhsanba, Carrabkooda Xaaladaasu wuxuu
leeyahay oo dee muxuu u kacayaa Rasuulku Habeenkii oo dhan,
oo muxuu u soomayaa Cimrigiisa oo dhan, oo muxuu u kayfi
waayay oo u guursan waayay Dumarka labo, saddex, afar iyo in
ka badan weliba oo Nebiga calayhi salaam khaas u ahayd,
anaga se xagee ayaanu leenahay oo Allaah nooga Denbi
dhaafayaa anaga?!!!
Markaa waxaa
Waajib ah in aan ku dheeraano oo buunbuunino Daacadiisa
casaa wajalaa, wayna isu balan qaadeen dhexdooda iyada oo ay
Dumarkii Rasuulkuna maqlaayaan, wuxuu yidhi midkood: anigu
guursan maayo Dumarka weligay, kii labaadna wuxuu yidhi:
aniguna inta aan noolahay oo dhan waan soomi, kii
saddexaadna wuxuu yidhi: aniguna waxaan u taagnaan Salaad
Habeenkii oo dhan mana seexan doono, wayna tageen
Rasuulkiina calayhi salaam waa yimid, waxaana looga waramay
Warkii saddexda Nin, markaas ayuu galay Masjidka wuxuuna soo
shiriyay Dadkii wuxuuna yidhi waana halkan Markhaantigu ee:
(ما
بال أقوامٍ يقولون كذا وكذاوكذا ألآ إني أخشاكم لله وأتقاكم
لله ألآ إني أصوم وأفطر وأقوم الليل وأنام وأتزوج النسآء فمن
رغب عن سنتي فليس مني)
(bal
ka warama Qoomam odhanaaya sidaas iyo sidaas iyo sidaas alaa
aniga ayaa idiinku baqdin badan Allaah xagiisa oo idiinku
taqwad badan Allaah xagiisa alaa anigu waan soomaa waana
afuraa, Habeenkiina waan u kacaa Salaada waana seexdaa,
Dumarkana waan guursadaa, ee markaa kii aan doonayn
Sunnahayga iga mid maaha) hadaba waxa aad u muhiim ah
si aynu u fasirno Nusuusta Caamka ah waa in aan garanaynaa
Sunnihiisii calayhi salaam Camal ahaaneed ama Ficil
ahaaneed, waxaa ku yimid halkan Su’aashan Jahliga ay qabaan
qaar Waydiiyaalka awgeed wuxuu yidhi: in Seyida Caa’isha ay
ka hadashay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay ka hadal
Hadalkiisii calayhi salaam!!! Laakiinse ma aragtay miyay
Sunnihiisa Ficil ahaaneed khilaafaysaa Sunnihiisa Hadal
ahaaneed!!! Quraankana waxaa ku jirta:
وَمَا
أُرِيدُ أَنْ أُخَالِفَكُمْ إِلَى مَا أَنْهَاكُمْ عَنْهُ }}
{mana
aan rabo in aan anigu falo waxaan idiin diidaayo oo idinka
reebaayo bal Amarkii aan idinka reebo waxaan ahay kan ugu
horeeya ee ka tegaaya} markaa wuxuu Rasuulkii Allaah
sala Allaahu calayhi wasalam ugu cadayn jiray Dadka Hadalka
Allaah Ficilkiisa mana aha Ficilkiisa oo keli ah ee bal iyo
Qiritaankiisa, hadii uu arko Cid Camal samaynaysa ama
Cibaado oo uu qiro iyada waxay noqotay Cibaado Mashruuc ah
ama uu Camal caadi ah arko oo uu qiro isaga wuxuu noqday
Camal ay banaana tahay samayntiisu, markaa hadaba Cadaynta
Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam ee Hadalka Allaah
casaa wajalaa iyo weliba Hadalkiisa isaga, isaga ayaa ku
kici jiray dabaqaadiisa Hadalkan iyo tafsiiltiisa
Cadayntiisa Hadal ahaaneed iyo Qiritaankiisa hadana
Taasu ma
waxay tahay Waydiiyahaa yidhi in ay Seyida Caa’isha ka
hadashay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay ka hadal
Hadalkiisii ama Qowlkiisii?!!! Hadaba Hadalkeeda ah
Ficilkiisii calayhi salaam Ficilkiisa ayaa cadaynaaya
Hadalkiisii ahaa laba labo, Daliilna waxa u ah in Nebigu
sala Allaahu calayhi wasalam uu noolaa labaatan Sano isaga
oo gaadhsiinaaya Shareecada Allaah ilaa iyo Adoomihiisa,
astaqfiru Allaah laakiin waxaan leeyahay inuu Dadka
qancinaayay, intaa miyaanu marna khaldameen, Habeen keli
ahna oo tukadeen labaatan Rakcadood ama tukadeen sodon
Rakcadood, sida ay ka samayaan Masjid Alxaaraamka mar mar
ayay tukan jireen afartan Rakcadood, marna miyaanu
samayeen!!! Markaa hadaba ku socashada Rasuulka calayhi
salaam ee Salaada Qiyaamka koob iyo toban Rakcadood waxay
macnaheedu tahay Cadaynta Hadalkiisa ee isaga Naftiisa: (صلاة
الليل مثني مثني)
Waxaan
idiinku soo dhowaynayaa taas Tusaale oo aan ku soo
gebagebaynayaa Jawaabta: wuxuu ku yidhi Allaah tacaalaa
Quraanka kariimka ah: {وَالسَّارِقُ
وَالسَّارِقَةُ فَاقْطَعُواْ أَيْدِيَهُمَا
}
{Tuuga iyo Tuugadana Gacmahooda gooya} hadii
aynu mari lahayn Jidka kuwaa Mubtadicada ah bal Waydiiyahaa
ku khaldamay Su’aashiisa markuu yidhi: in Seyida Caa’isha ay
cadaysay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay cadayn
Hadalkiisii wuxuu u jeedaa in Hadalkiisu koobaayo wax ka
badan wuxuu samayay!!! Ila eega hada, Gacantu xaga Luqada
sida loo yaqaano waxa la yidhaahdaa laga bilaabo Faraha,
Calaacash, Dhudhunka, Cududa ilaa Garabka intaas oo dhami
waa Gacan, Tuugana waxa la yidhaahdaa laga bilaabo kan
Irbada ama Beedka xada ilaa iyo kan xada Xoola aad iyo aad u
farabadan, hadaba ma waxa la gownayaa Tuug kasta Gacanta?!!!
Jawaabta Manhajka Mubtadicada bal Manhajka Waydiiyahaa
yidhi: in ay Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa
cadaysay Ficilkiisii calayhi salaam ee aanay cadayn
Hadalkiisii!!! Allaah ha ku saamaxo
Hadalkiisii
calayhi salaam waxaa cadayay Ficilkiisii, Hadalku ma
khilaafo Ficilka, Ficilkuna ma khilaafo Hadalka, hada xagee
ayuu ka gooyay calayhi salaam Gacanta Tuuga waa halkaa
Rusukha ee ay iska galaan Calaacasha iyo Dhudhunku, markaa
hadaba wuxuu khilaafay Ficilkiisu Naskii Quraanka ahaa ee
Caamka ahaa ee maaha Naskii Caamka ahaa ee Nabawiga!!! Ma la
odhan karaa taas waa khilaafay!!! Xaashaa lilaah, waa maxay
tacbiirta Cilmiga ah ee Fiqhiga daqiiqa ah ee uu cadayay
Rasuulka Allaah calayhi salaam markuu ka gooyay Gacanta
Tuuga Rusukha? Waxa uu cadayay Hadalkiisa tacaalaa ee Caamka
ama Mudlaqa ah ee {
وَالسَّارِقُ وَالسَّارِقَةُ
},
markaa hadaba waxaa laabud ah in aan u qaadano Hadalka
Fasire ku cadaya Ficil xataa haduu yahay Hadalku Quraanka
kariimka ah iyo weliba Hadalka Rasuulka kariimka ah
Taas waxaad
ku dartaa in waxa ku saabsan Tuuga in aanu Rasuulku calayhi
salaam gown jirin Gacanta Tuug kasta bal wuxuu ku cadayay
taas hadana Hadalkiisa ku macruufka ah labada Saxeex: (لا
قطع إلى في ربع ذينار فصاعداً)
(ma
jirto gowni ilaa Rubuc Diinaar iyo wixii ka saraya maahee),
hadaba Sunnaha Rasuulku calayhi salaatu wasalaam waa laba
Qaybood bal saddex Qaybood Hadal, Ficil iyo Qiritaan (قولية،
فعلية، وتقريرية),
markaa waxaa la rabaa inaad qaadatid dhamaan Qaybaheeda
saddexda ah oo aynaan ku dhufan qaarba qaarka kale. Hada
inagu waxaynu ku jirnaa Salaadii Qiyaamka waxaana saxeex ah
inuu yidhi calayhi salaam: (صلاة
الليل مثني مثني)
taasuna waxay koobaysaa tobanka Rakcadood, labaatanka,
sodonka iwm laakiin se muxuu ka dabaqay calayhi salaam
Hadalkiisaa? Waa koob iyo toban Rakcadood,
Anoo soo
gaabinaaya hada waxaan leeyahay macnaha Xadiithka, Muslimow
hadii ay kuu muuqato inaad Habeenkii kacdo oo aad tukato
Salaada Laylka ama Habeenimo, Salaada Qiyaamka, Salaada
Tahajudka, Salaada Taraawiixda dhamaan Magacyadaas oo dhami
waxay muujinayaan Magac keli ah yacni waa isku mid Salaadaha
Magacyadaa kala wataa, ee waxaad tukataa laba laba
Rakcadood, laakiin ha ku dheerayn iyada ee ku aqri intii aad
doontid oo Quraanka ah Taagnidana dheeray iyo Rukuucda iyo
Sujuuda, markaa waan ku celinayaa ee isu ekaysiiya Rasuulka
Allaah sala Allaahu calayhi wasalam, dabadeedna hadii aad ka
baqdid laakiin waxaan leeyahay waxa ah wax laga xumaado in
aanu ahayn Khidaabkanu ama Hadalkanu mid loo jeediyo
Muslimiinta Maanta!!!
Waayo anigu
Shakhsi ahaan laga yaabee inaan Dadka ka qiyaaso Naftayda,
anigu Shakhsi ahaan ma aan malaynaayo in Qof intuu kaco
Habeenkii oo tukado laba Rakcadood oo ay ku rumowdo waxay ka
tidhi Seyida Caa’isha radiya Allaahu canhumaa afartii
Rakcadood (فلا
تسئل عن حسنهن وطولهن)
oo uu ku dheeraado Qiraa’ada labada Rakcadood oo ku
dheeraado ku dheeraado dabadeena uu tukado laba Rakcadood oo
uu ku dheeraado ku dheeraado oo markaa ka baqo inuu Waagu ku
beryo ama Fajarka ayuu yidhi Rasuulkii calayhi salaam hadaad
ka baqato Fajarka ku witiri Rakcad, meeday markaas
Salaadatan dheeri Maanta?!!! Markaa inagu waxaan ka
qaadanaynaa Xadiithkaa in Muslimow hadaad doontid inaad
Habeenkii kacdo waxaad tukataa laba Rakcadood oo
wanwanaagsan wanwanaagsan oo dhaadheer dhaadheer weli hadii
Waqtigu joogo tuko laba Rakcadood oo kale, laba kale hadana
oo sidii oo kale ah, hadii aad markaa ka baqdo inuu Fajarku
kugu soo baxo markaa tuko hal Rakcad ee maaha macnaha
Xadiithku tuko toban Rakcadood wixii ka dambayana ku dar
intaad doonto xaashaa lilaah, waana taas Jawaabtii
Su’aashaasu
Allaah ha u
naxariisto Shiikhayaga oo ha ugu daro Miisaanka
Xasanaatkiisa Cilmigaa qaaliga ah ee aynu ka dhaxalnay
inagana ha inaga yeelo kuwii ku intifaaca aamiin
Asalaamu
calaykum waraxamatullaahi wabarakaatuhu
Essa Mohamoud
almutawaadic@hotmail.com
webmaster@ceegaag.com |