shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xildhibaanada Baarlamaanka oo loo qeybiyay mooshan ka dhan ah Xukuumadda RW Nuur Cadde.

(Baydhabo, Aug 25,  2008 Ceegaag Online)

Xubnaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loo qeybiyay mooshan ka dhan ah Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) xilli Madaxda ugu sareysa Dowladda Federaalka kulan dib u heshiisiin ah uga socda Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Mooshankan ka dhanka ah Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Cadde iyo Xukuumaddiisa ayaa waxaa uu soo jiitamayay muddo ka badan 3 bilood hase yeeshee maanta ayaa gacanta loo geliyay xubnaha Baarlamaanka.

Waxyaabaha xildhibaanada maanta soo gudbiyay mooshinka ka dhanka ah xukuumada Ra'isul wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ka mid ahaa in xukuumadda ay ku guuldareeysatay in ay dhisto Bank dhexe iyadoo mooshanka Xildhibaanada soo gudbiyeen Baarlamaanka u aqriyay xildhibaan Cali Cabdullaahi Cosoble.

Xubnaha Baarlamaanka ee Mooshinka wada ayaa soo sheegay in ammaanka dalka faraha ka sii baxayo iyo Dowladda oo faraheeda ka baxeen Maamuladii Gobolada dalka.

Lama oga waxyaabaha u dhimi karo mooshankan maanta loo gudbiyay Barlamaanka dadaalka Xukuumadda Addis Ababa  ka dhex wado Madaxda Dowladda gaar ahaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf  iyo Ra'iisal Wasaarihiisa.

www.ceegaag.com

  

webmaster@ceegaag.com