shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Xoogaga Maxkamadaha oo la wareegay Gacan ku haynta Magaalada Kismaayo.

(Kismaayo, Aug 22,  2008 Ceegaag Online)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in magaalada kismaayo ay gacanta gabi ahaanba u gashay xoogaga Maxkamadaha ee uu horkacayo Sheekh Xasan Turki iyadoo magaalada laga saaray maleeshiyo Beeleedkii horay gacanta ugu hayay maamulka magaalada.


Mas’uul ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u xaqiijiyay Ceegaag Online in magaaladu ay hada si buuxda gacanta ugu jirto Xoogaga Maxkamadaha ee uu Hogaamiyo Sheekh Xasan Turki.

Col. Barre Aadan Shire (Bare Hiiraale) oo ahaa madaxii maleeshiyo beeleed gacanta ku haysay magaalada ayaan la ogeyn meel uu hada ku sugan yahay,Xasiloonidii magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inay dib usoo noqoto dadkuna ay nolal maalmeedkoodii ay si caadi ah ay halkoodii kasii wataan.

Dhinaca kale majiraan Ciidamo Al-Shabaab ah oo kamid ah ciidamada qabsaday magaalada balse ay yihiin ciidamadii Maxaakiimta ee ku sugnaa Jubooyinka ee uu Hogaaminayay Sheekh Xasan Turki..
www.ceegaag.com

 

  

webmaster@ceegaag.com