“550 Mudane
iga dhig Maandhow oo inagu day 350 Mudane ay Isimadu dib
u soo xulaan”, Hooyo Soomaliyeed oo waraysi siisay
Wariye Soomaliyeed.
(Muqdisho, December
11, 2008 Ceegaag Online)
Kadib
markay arrimaha Soomaalidu daaliyeen cid walba ayaa
wariye Soomaaliyeed oo la yiraahdo Diiriye Habqan uu u
dhaqaaqay dhanka bartamaha dalka.Wuxuu ku hakaday tuulo
ay ku muransanyihiin gobolada Mudug iyo Galguduud oo la
yiraahdo Dhextaal halkaasi oo uu horaantiiba kula kulmay
Hooyo Soomaaliyeed oo magaceda ku sheegtay Warsan
Waxdhowr.
Haddii lagu kor sheekaystay shaahii musaafirka lagu
sooray, sidan ayey u dhacday sheekadii:
Wariye Diiriye Habqan:
Alle janneeyey waxaan kugu soo gaarey warkii idaacadda
oo kasii baxayee maxaad ka qabatay?
Hooyo
Warsan Waxdhowr:
Maandhow khayr iyo dadaal badan. Nabad lagu heshiiyey.
Haddaananse ka baqay inaad tiraadaan habar fadhidaa
lagdan u muuqdaa waxaan dhihi lahaa 550 Mudane iga dhig
Maandhow oo inagu day 350 Mudane oo ay Isimadu
dib u soo xulaan. Maandhow guri qaada Soomaaliyaba kama
dhisna geed hariyaana inooma baxo, mise jabuutibaa
balbalo qaada u dhisi, mise dal saaxiibaa hangar weyn
inoo siin akhbaartana internetka inoo marin? Hadaynuba
heshiiney kii horeba muu inuu sheqeeyo maandhow? Ama
reerkay labo ugu jireen gudaha muu mid soo saroo
midkii dibbadda ku dudsanaa soo galiyo maandhow?
Dagdagga qaarkiisna waaba camal shaydaane, maa
xukuummadda wasiirro laga siiyo iyo gudiyo wadajira oo
wax la qurxiya xukuummadda bilaha yar ee harsan,
markaana Isimadu inoo xulaan 350 Mudane shida yari samir
iyo dulqaad? Maandhow boqoraddii iyo isimadii malaga
maarmay? Haddaysan inoo xukumay sidaynu ugu caano
shubannay may ana inoo saxaan, taban taabiyaan oo inoo
dhamaystiraan waxaynu caluukaysanno, meeye?
Yaa
diidaya hadday dib usoo qabiyaan Isimadu 275tii hore iyo
todobaatan iyo shan ay wax ku xalliyaan oo hor leh kuna
salaysan Allaaha inaga xoreeyee wixii lalaha afar dhibic
bar, illeen laba dal oo isku cadad ah oo hadda kow la
isku darayo maahane, reer meesha ka maqnaana ma jirine?
Intii sidaan danta moodey ee ka badin weydeyna waaba
dadaaleene, oo khayr Allaha siiyee ileyn dadka la iskama
tuhmee, balse maandhow haddee inti horena sow ma moodi karaan
in lagu cinqilaabayo xeelad cusub ee baarlamaaniya
halkii awal la isku cinqilaabi jirey askar?
Hooyo:
oo maandhowse aan ku weydiiyee, maxaa dhacaya markay
laba baarlamaan oo isle’eg kala fariistaan Baydhabo iyo
bu’aale midwalbana leeyahay “annagaa sharci aha iyo
annagaa sharci ah”, intay kolba shiraanna dhahaan
madaxweynihii eriney mid cusubna doorannay, dawlad
cusubna dhisnay? Sow maa ha jugjug iyo kasii daran iyo
maalin walba usii kala daabul Nayroobi iyo Jaabuti si
loo heshiisiiyo dalkuna waxaan soo socon iyo waraabayaal
ha dhawro? Jabuuti iyo Eriteriyana waaba walaaleheen ina
jecele xalkana waaba inoo rabaane may inoo abaal gudaan
oo dunidda u jeediyaan xalku inuu yahay Soomaali oo meel
la isugu keenoo kuwada xorowda taasoo gobolkana dantiisa
guud ah illeen dhammaanteen xabbad iyo caataan u
dhammaanaye, gobolkeena bariga Afriaka oo ku can baxay
quudinta makhluuqaadka badaha aduunka? Dhanka kalena
maandhow, Doqontii hore ee xaabada cuslaaatay kordhisey
mid ka daran iney jirto ayaaban tuhunsanahay maandhow.
Wariye:
Bal Alle janneeyey taas yara faahfaahi.
Hooyo:
waa iska muuqataayo waa tan gurada laga saaray xaabo
awoodeeda ka culus aanse dhihi Karin lama kici karee
qaar iga dajiya, waayo walwalka dad badan qabo ee
hawleheenna iyo maskaxdeenna iyo maan keenna kala
qaybinaya ayaa ah, ilaa la xalliyo qaybsanaanta
Soomaalida oy wada xorowdo, meeshana ka baxayso amay
Soomaali isu soo gurmataa markale, dawlad inoo dhismaysa
majirto! Waxaan ku dagaalamayno marka waaba tii laga
yiri labada nin ee haraga isku haystaa habartood waa
sida gacantaas. Waxaan dhisnayn oon dhismi karayn
hooyoo hogaami waa xaabo tankaaga ka culus la kac
maandhow. Maxaa inoo diidan inaan dhahno
walaalayaalooow darisoooow tani dhismi maysee gobolka
aan hor marinno kuna bilowno kala-shaki-bixin
micnaha dib-u-yagleelka Soomaalidii hore iyo gobolka oo
isu furanoo nabad iyo barwaaqaa?
Wariye:
Haddee Alle janneeyey wuxuba waa caruurtaadiiyoo wayba
kuusoo joogsane maad la hadasho ilayn ilmaahagu kaagama
koraan boqornimo iyo saldano kale toonnee?
Hooyo:
Haddee maandhow Dhextaal maba joogaan mana yimaadaan
boostana ma leh, haatufka la sheegana waligay lama
kulmine bal si dheh hadayba i maqli lahaayeen !ha haha?
Wariye:
Alle janneeyey bal ka warran dhalinyaradii maxaa tuulada
kaala jooga waatan marmar waalidka laga kala shaqatagee?
Hooyo:
Maandhow khayr qabe caruurtii mid iyo labo mooyee
sidaadaas ayey Diriye Habqanow isaga habqameen, mid iyo
hortiis wuxuu Alle u dhigay. Mid Fidiraal u ciidmay iyo
mid iskacaabin u ciidmay. Rabbi talo ku filan. Bal
fidiraalka kuwii noogu soo deeqay kuma soo darin ciidan
meelmariyee waxay yiraahdeen isdabara ama dalalkaan ka
qaybqaadan dhismihii fidiraalku ha meel mariyeen. Hadee
maxay keentay? Caruurtayadii in la iska horkeeno. Dalkii
noosoo gurmadana in la yiraahdo waa ka fulaan iyo bad
malehee kaasi amuu yahay biya-doon? Horayna waaba loo
kala shakisanaa oo intayada waaweyni waxaanuba ka
qoomamaynayney ka mid noqoshaddii ururkii Afrikaanka ee
xeertay in siduu isticmaarku ugu falaaday Afrika loo
daayo oo micneheedu mardambe noogu soo baxay inaan
Soomaali waligeed wada xoroobin wadana midoobin,
maandhow qoomamo! Balse taladi ba’dayow sow talo
kuuma dhalato haddii la yiri, qaran saas ku
weynaye gobol maan doono maandhow?
Wariye:
Oo bal Alle janneeyey haddeer xagee wax laga mari karaa
bay idin la tahay haddaad markii hore khaldanteen?
Hooyo:
Maandhow Habqanow lama aqoon waayin sida wanaagsan ee
yaa doonaya yaanse dooneyn weeyoo umaduhu dhammaantood
intay shireen ayey ku heshiiyeen in dadyowgii la
gumeystey ee dunida eek ala qoqobay sideenoo kale oo
dhan dib loo mideeyo saasna xorriyad lagu gaarsiiyo.
Haddee gumeysi khiyaamo ma daayee haddaan la iska
dhicine intuu xagga kasoo wareegey ayuu inagu dagay
Midnimo Afrikaan iyadoon lakala xaqsiman oo la kala
xoolo guran! Maandhow taasi ma xaqbaa mise waa xis?
Midnimo Afrikaan oo daris iyo walaalba leh yaa diidan?
Sow maahan inaan garanayno waxaan kala leenahay oon isku
darsanayno horta ileen wuxu waa shirkade, hadday jeeble
tahay iyo haday ka
wayntahayba? Bal gobolkaasi eego ma cid baa cidda
kale ka nolol fiican ama ka xorsan? Kiinyaati iyo
Itoobiyaan iyo Cafari iyo Soomaali miduu yahayba? Waannu
isku wada foogannahay oon isku wada dulleysannahay!
Soomaalida haddii dib loo mideeyo yaa khayr iyo nabad
iyo biyo iyo bad ka waayaya gobolka mise maandhow
labadaasi xeerbaan is jabinayn oo aynaan ku dulmanayn?
Haddaannuse jiil hore ahaan khaldannay, maad naga
roonaataan dhallinyaroy ood dunida qodobadaas isburiyey
kula doodaan sidaasna ku samaysataan gobol afrikada
bariya oo nabadoo nolol istaahila dadkuna yahay walaalo
ilayn marba intii isku dagaanaa isku danee? Nin
qaarad kale dagan kula dan maahee dariskayogow annaga
nala sammaysta nabad iyo nolol maad ku tiraahdaan
walaallihiinna dariskaa dhallinyarooy?
Wariye:
Danbigaaga Allaha dhaafee Alle janneeyey bal taasna
Allaha noo diree, tuulada Dhextaal waa tuulo yara hadana
ma dhaqdhaqaaq xuma sida ay u yartahaye , inkastoysan ka
fogeyn xeebta, xageebay barakadan ka heshay, ma xoolo
badan tahay mise dad badan ayaa dibadda ugu dhoofay?
Hooyo:
Haha! Maandhow amaad nagu tuhunsan tahay wixii la lalaa
burcad badeed? Maandhow nafac badeed horta bal xagga
dhige, odagaygii iyo wiilkaan ku khatimayba siday noogu
safreen xagga badda, haddaan juuqba muddo ka weyney
waxaa noo xigtey jirriifbaa ganafka surtay laash-koodii,
odagiina meykiisii waa danbaa la helay wiilkiina raq iyo
ruux… raq iyo ruux…(ilmayn)!...abtigayna haamihii suntan
ayuu u dhawaadey haatanuu tuulada inoo yaal isagoo iyo
dhaga beelay…mmmm reerka dariskaa wiilkii ka dhacay iyo
laashkiisii biyo baylaa la sheegaa in lagu furay lama
soo rogin. Bal yaa ah, aan is weydiinnee, burcad badeed?
Ma kuwa saas dadka u dulleynaya oo u dulmiyaaya …dil,
qafaal, dhac, sun…iyo shucuubta noo soo diraya ama nagu
fiirsanaya, waligoodna iyagu burcad badayn jirey, mise
agoomaha lagu khasbayo waxaysan ab-iyo-isir u lahayn
iyo aqoon toonna?
Wariye:
Naxariis Alle iyo samir iyo iimaan! Geeridu xaq weeye
dulmiilena Alle kama baxsado dhagarle kasta ee uu yahya,
bacda diiqna in shaa Allaah faraj! Maxaa laga qabtay
jariimadaasi baaxadda leh Alle janneeyey?
Hooyo:
Oo maandhow yaad u jeedaa oo wax qabta? Dawladina inoo
ma dhisna waxqabad laga sugo ama loogu ciilqabo,
adduunka beenta la buuqayana waaba kii eelka dhigaye,
yaa wax qabanayey? Hadda markay agoomihii asaagooda laga
reebay ku dhaqaaqeen waxay dan moodeen sidaasna u
cuntami weydey jiriifle iyo sun-daabul ayaa cidna
loo danayn maayee iyagaa danaysanayee la hadlayaa wax-qabad.
Yaa og? Amuuba yahay jiriiflihii oo isasoo hubeeyey? Wax
badan ayaan maqlayey maraakiibta dagaalku haday doonaan
kalluunka waaba warshadaystaan intay karsadaan mooyee!
Yaa koontoroolaya? Mise waaba qabsigii dhammaystirayey
qaadashada badaheenna? Mase ii soo qabanayaan
jiriiflihii la tagey wiilkaygii iina soo tuuray meydkii
odaga, maandhow? Maka sugaynaa?
Wariye:
Alle janneeyey jawaabtaasi intaynu Alle iyo cilmi qaybka
u deyn oo waqti siinno, jiilashiinnii hore haddaad horay
khaladkiinnii hore ka qoomamaynaysaan taxadarka ma
kordhiseen oo saad u aragtaan hadda sida wax u socdaan,
agoomaheennu amay caradii la fogaatey oy inagu noqdaan
homboborodii libaaxa soo hageysey oy inaga dhigaan
cawskii ay maroodiyaashu ku kor dagaalameen iyo eel
kasii daran?
Hooyo:
Habqamow khayr qabe anigu taxadar halkaasaan kaga
sugnahay iyo Dhextaal, balse amay baroortu orgiga ka
weyn tahayoo agoomaha ciidan la inoogu soo daray si ay
xasaraddu u noqoto homboboro iyo tigid la inagu soo galo?
Maandhow wax badan iyo siyaasad wax weyn kama ogi balse
haddaan iska ag fadhiyoo weheshado siday wiilal ii noqon
idaacaddaas yar, waxaan xusuustaa in dhawaan Afrikaanku
diidey saldhig milatari oo maraykan horkacayo in la
dajiyo qaaradan cabsi laga qabo hordhac gumeysi hor leh!
Haddee maandhow amaaba saldhigaasoo Yurub la dajiyey
tartiib loo soo rarayaa? Badda iyo berriga yaa lagula
diriri oo xoogaas leh, ma agoomaha ay caatadu ka
ceeraatey? Yaase inaga rari markay kusii daraan wax hor
leh ooy dhahaan burcad badeedda waxaaba ka badan burcad
berriyeedda kumana layn karno wax ka yar toban sano!
Yaa inaga rari doona? Intii shakisanaydna sow dhihi
maayaan biyo-doon iyo beeri-doonba waa la dhanyahay oo
sidii waayihii hore weeye xaalku?
Wariye Diiriye Habqan:
Alle janneeyey, Rabbi talo u daah! Halkaagaana iska
khayr dhawr anigu waan iska sii habqamiye.
Hooyo
Warsan Waxdhawr:
Amiin maandhow Diiriye Habqanow, Allaha ku nabad yeelee
waana la idinka dhur sugayaaye dadaaloo doorkiinnii
weeyee naga roonaadoo waxaad qabanaysaanna Rabbi la
kaashada illeen wax-wanaajintaan Rabbi lala kaashan waa
wax lala kaashaday shaydaane sidii kacaankiiye salkoodna
waa khasaaree.
Amiir
Cabduraxmaan Xuseen Muxammed Islaam (BBA, cand.MBA)
Email:
amiirdaljire@hotmail.com
Mobile: 967 713580 329
Maqaallo kale: google ku qor: “amiirdaljire” kana dhiibo
fadlan fikraddaada arrimaha ay ka hadashay hooyo
Warsan Waxdhawr kuna soo hagaaji boggan internetka
ama emailka kor ku xusan amaba kan:
amiirdaljire@rediffmail.com
1-Ma
kuula muuqataa xaabo lala kici la’yahay oon la dhahayn
halla dhimo hoggaaminta ama isku dayga dhisme dawlad
Soomaaliyeed sababihii dumiyey tii hore oo taagan?
2- Ma
kuula muuqataa xaabo lala kici la’yahay oo la kordhinayo,
Soomaali Bari (British Somali Land and Italian Somali
land) oo dawlad loo la’yahay, in laga hadlo in la
hormariyo sammaynta Gobolka Afrikada Bari (Horn Region
Cooperation for Justice, Peace and Prosperity) oo loo
marayo xoraynta Somali Galbeed (Northern Frontier
District placed under Kenya by the British, Ogadenya
placed under Ethiopia by the British and the French
Somaliland now Djibuti with permanent French and
American Military Bases) iyadoo la ogyahay jiritaanka
dood xoogan oo leh: “Soomaali xor ah oo xoogan ma
cadda in laga namad galayo intuu Soomaali kale dulman
yahaye dhammaantood ha dulmanaadeen” taasina ay
kufilan tahay inaan dadka gobolku is aaminsanayn waxna
kala faa’iidi Karin isna caawin Karin waxaasoo dhan oo u
dan ah qaarado kale oo khayraadka gobolka kaydsanaya
waxna u weheshaan?
3-
Hooyo Warsan waxdhawr ma la qabtaa shakigeeda ah
“Africa Command” oo la dajiyey Europe in tartiib loo soo
rarayo maadaama la adeegsan karayey haddii wax la
wanaajinayo qaabab kale sida gobolka oo loo kala xaqsimo
lana nabadeeyo saasna ay ku dhashaan dawlado iyo
shaqaalaynta dadka, amaba iyadoo la adeegsan karo
saldhigyada reer galbeedka ee haatanba ku xoogan
Djibuuti iyo Kenya?
Nin
aamusan dhaxalkii Hooyadi laga qadiye hadal akhristow!
Qoorayada reer galbeedka qaar ka mida laba qodob oo ay
qoraan mid waxaan isleeyahay waa run midna waxaan
isleeyahay waa khalad ay tahay inay iyagu yimaadaan oo
saxaan:
1-
Soomaalida aamuskoodaa la haray una sawiray waranleyaal
aan af iyo qalin wax ku doonan Karin! Waa sax wayse
dilaan reer galbeedku qofkii ka hadla xalka dhabtaa ee
dhibaatooyinka Bariga Afrika;
2-
Dadka
Geesku waa isu cadaw dabiiciya ama dhaqameed/traditional
or natural enemies. Waa khalad iyaagaana sameeyey dhibta
oo waa imported waana inay yimaadaan oo saxaan, dadka
gobolkuse waa walaalo isku dagaanoo isku dana, kuna
waajibtey inay gartaan.
Amiir
Cabduraxmaan Xuseen Muxammed Islaam (BBA, cand.MBA)
Email:
amiirdaljire@hotmail.com
Mobile: 967 713580 329
webmaster@ceegaag.com |