shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Bayaan ka soo baxay Culima’udiinka Ahlu Sunna Wal-Jamaaca ee  Qurbaha.

(London, December 28,  2008 Ceegaag Online) 

Anagoo ah Culumada Ahlusuna Wal-jamaaca ee qurba joogta ah, waxaanu halkan ka soo gudbinaynaa in kooxda dhibaatada wada ee qabuuraha fagta, dadkana marin habaabiya inay ka waantoobaan xadgudubyada ay ku hayaan dadka soomaaliyeed. Waxaanu kooxdan shareeca la dirirka ah ee loo yaqaano Al-shabaab (Al-Habaab) uga digeynaa in ay ka waantoobaan la dagaalanka Culuma’udiinka Soomaliyeed iyo isirgoynta ay ku hayaan dadkii us oo halgamay shareecada Islaamka kuna faafiyey diinta Geeska Afrika. Fitnada ninkii wadaa isaga uun baa ku baxa oo ay aakhirkii halaagtaa, ee waxaan idiinkaga nastayxaynaynaa oo aan idin leenahay joojiya gumaadka iyo dabargoynta diinta.

Haddaba waxaanu idin xusuusinaynaa:

Anagoo og in Al-shabaab iyo kuwa kale oo la midka ahba oo diin ku gabadka ah inay ka bilaabeen gobolka Shabeelada Hoose dagaal iyo xasuuq ay u gaysteen ummada soomaaliyeed sanadkii 1993. Ummadan oo ay horay u daashadeen dagaal qabiil iyo Dagaal Ooge, waxay kooxahan khaldani ku fuliyeen dad aan waxba galabsan qisaas khaldan oo shareecada islaamka khilaafsan. Tusaale waxaa noogu filan gabadhii madaxa looga jirey ee saqiirka ahayd ee dhagaxa lagu dilay kismaayo.

Anagoo og in ay bilaabeen dhulbalaarsi iyo waa naloo yeertay ee ay ku xasuuqeen gobalada Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud. waxaanu ognahay in Nabigeena (csw) oo oran jiray asxaabta jihaadka aadaysa dul dega qaryadaas hadii aad ka maqashaan adaanka ha ku duulina. waxaanu ogsoon nahay inay ummada soomaaliyeed ay diinta soo gaartay waqtigii ay asxaabta Nabigeena (csw) u soo haajireen dhulka Xabashida oo ay kasoo degeen Saylac. markaa ma Nebi kalaa wax u sheegay nimankan dadka iska xasuuqaya?

Anagoo og in ay intaas sheeganayeen in ay ka tarjumayaan diinta islaamka oo ah Kitaab Eebe iyo Sunnada! oo aan ogsoonahay in uu ilaahay u balanqaaday qofkii ku dila qof islaam ah xaq daro in abaal marintiisu ay tahay Jahanamo uuna ku waarayo. haddaba maxay kooxdani daliil ah oo ay haystaan marka ay gumaadayaan muslimka?

Anagoo og inay bar tilmaameedsadeen culumadii Ahlu-sunna Wal-jameeca iyo Aqoonyahankii oo ay masaajidada ay ka ugaadhsanayaan qaarna ay ku sugayaan masaajidka hortiisa si ay u dilaan, iyagoo duubanaya gafuurka si aan loogaran. walaalayaal dadkaasi diin caynkee ah ayay inoo wadaan?

Anagoo og inay ka bilaabeen magaada Baydhabo inay isku qarxiyaan dad muslimiin ah ayagoo aaminsan inay ku shahiidayaan dilka muslimiinta. Taasna way kasoo horjeedaa diinta islaamka in la isqarxiyo oo qofka xitaa naftiisa uu dilo ama uu dad laayo. Maxaa yeelay naftaada xaaraam ayey kaa tahay inaad disho si kastaba aad ku dishide, waxaad la mid tahay qof dilay naf muslim ah ee dhiigeeda kaa xaaraam yahay.

Anagoo og inay hadeer usoo dhigteen culuma’udiinka oo ah dadkii ay ku caasiyeen ahna kuwii diinta soo baray oo ay doonayaan inay xaqdaro ku ciribtiraan goobaha dugsiyada, guryaha culimada, iyo masaajidada ah-lusunna waljameeca. tusaale ahaan gumaadka lagu hayo Xirta Ah-lu cilmiga ah ee degan Guriceel iyo dhammaan gobolka Galgaduud.

Haddaba intaasoo dhan waxaa isku fuuqsatay markii ay fagteen qabuurihii Culumadii iyo Awliyadii Ahlusuna Wal-jamaaca ee ay mashruuc kusoo qaateen inay lafahooda iib geeyaan. waaba yaabe waxaanu ogeyn dhuxul la iib geynayo, duurjoogta oo la iibgeynayo, waxaase haatan bilaabatay lafo la iibgeynayo. Waxaanu ognahay inaysan diintu ogolayn in ahlu qubuurka la fagto waayo qofka meydka ahi wuxuu xurmo u leeyahay sida qofka nool oo kale oo aan lagu xadgudbi karin.

Sanadahaan danbe waxaa dadka si khaldan looga dhaadhiciyey inay Culumada Ahlu suna Wal-jamaaca yihiin, ahaana jireen kuwo baadhil dadka u keenay, diin khaldana dalka soo geliyey sidaa daraadeed waxaa lagama maarmaan noqotay in lafahooda lasoo faago lana iib geeyo kuwa noolna la dilo.

Waxaan ummada soomaaliyeen u sheegeynaa inay taageero hiil iyo hooba siiyaan culumada ahlu suna wal-jamaaca kuwaasoo ah culamadii aabayaashood iyo awoowayaashood diinta soo gaarsiiyey soona baray.  Waxaan kaloo u sheegeynaa ummada ugana digaynaa inay iska ilaaliyaan kuwa doonaya inay ku qaraabtaan magaca ahlu suna wal-jamaaca iyagoo aaminsan qabuuro fagid iyo dilka dadka muslimka ah inay jano ku tegayaan.

Waxaa bayaankaan soo saaray Culumada Ahlusunnah Wal-Jamaaca ee Waqooyiga Ameerika, Yurub iyo Australia.

 AHLUSUNNAH WAL-JAMAACA"  

qidmiir@yahoo.co.uk

Xasuusin: Bayaankan Mas’uul kama ahan Shabakada Ceegaag online ee kala xiriir Shaqsiga soo qoray.

webmaster@ceegaag.com