shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Madaxweyne Yuusuf oo Ra’iisal Wasaare u magacaabay Gacma Dheere.

(Baydhabo, December 16,  2008 Ceegaag Online) 

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane C//laahi Yuusuf ayaa u magacaabey Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo Dheere) inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Dowladda KMG ah.

Madaxweyne Yuusuf oo Munaasabad balaadhan saaka ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo ayaa yidhi “Sidaan horey idinkugu balan qaadey waxaan hortiina kaga dhawaaqayaa Ra’iisal Wasaare oo aan u magacaabey Xildhibaan Maxamed Maxamuud guuleed (Gacmo Dheere) anigoo la tashadey Golaha Barlamaanka iyo dadka kale ee wax garadka ah , hadana aan ogahey go’aanadii qaldanaa ee Baarlamaanku qaatey waxaa idiin cadeynayaa in aan sidaas ku magacaabay Ra'iisal Wasare Cusub” Ayuu yidhi Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Waxa isna halkaasi ka hadley Ra’iisul wasaaraha Cusub ee la magacaabey Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) waxa uuna yidhi “waxaan soo dhaweynayaa Magacaabida Maanta uu iigu magacabey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xilkaan culus ee xiliga adag ku soo aadey isla markaasna aan soo magacaabi doono dad karti u leh waqtiga adag ee hada lagu jiro kana bixin kara” .

Magacaabidan Ra'iisal Wasaaraha Cusub ayaa timid, ka dib markii shalay Barlamaanku ansixiyey Xukuumada uu horey u soo magacaabey Ra’iisul wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo labo maalmood ka hor  xilka laga qaadey.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com