Jahwareer
Siyaasadeed kii ugu xumaa oo ka taagan Magaalada
Baydhabo ee Xarunta Barlamaanka Somalia.
(Baydhabo, December
09, 2008 Ceegaag Online)
Madaxda sar sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu
khilaafku ka dhaxeeyo ayaa ku wada sugan Magaalada
Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, iyagoo gooni gooni
kulamo Siyaasadeed kula leh Xildhibaanada Barlamaanka.
Dhaq-Dhaqaaqa Siyasadeed ee maalmahan ka jira Baydhabo
ayaa laga dareemay Xitaa goobaha ganacsiga ee dadka
isugu yimaadan ee lagu cabo Shaaha ama cabitaanada kale
dooda noocaas oo kale ayaa ka jirta, waxaa dhici karta
mararka qaar inaad aragto dad badan oo ka doodaya
muranka u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo
Ra'iisal Wasaarihiisa Nuur Cadde.
Hoyga
ay ka dagan yihiin Baydhabo Madaxweynaha, Guddoomiyaha
Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha ayaa Mashquul ah,
waxaana ka dhaca daqiiqad kasta kulamo Siyaasadeed oo
dhex maraya Madaxdaas iyo xubnaha Baarlamaanka.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa qado uu u sameeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada
Baydhabo jooga waxaa uu kulankaas ka sheegay hadalkiisa
ahaa in dalka aan wax dowlad ah ka jirin, isagoo
Baarlamaankana ugu baaqay in ay qaadan tallaabooyin cad
cad oo dalka wax looga qabanayo.
Ra'iisal Wasaaraha Dowladda KMG ah Nuur Xasan Xuseen (Nuur
Cadde) ayaa isna Hotelka uu ka degan yahay Magaalada
Baydhabo waxaa ka socda kulamo uu la qaadanayay Xubnaha
Baarlamaanka isagoo ku war gelinayay Baarlamaanka inay
taageeran Xukuumaddiisa cusub, Maamulka cusub ee Gobolka
Banaadir iyo qodobadii ka soo baxay shirkii Jabuuti ka
dhacay.
Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa qeyb
ka ah kulamada ka socda Magaalada Baydhabo isagoo
dhiniciisa ka abaabulaya kulamo Siyaasadeed oo looga
hadlayay khilaafka ka dhex jira Madaxda Dowladda
Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka ay ku biyo
shubato Xaaladda Siyaasadeed ee ka dhex taagan
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur
Cadde.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |