Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo xilkii ka qaaday Ra’iisal wasaare
Nuur Cadde.
(Baydhabo, December
14, 2008 Ceegaag Online)
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed oo
goor dhaweyd shir jaraa'id ku qabtay magaalada Beydhabo
ayaa xilkii Ra’iisal Wasaarenimo ka xayuubiyay
Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde).
Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf ayaa sheegay inuu xilka ka casilay Ra’iisal
wasaaraha islamarkaana uu dhawaan soo magacaabi doono
Ra’iisal wasaaraha cusub, waxa uuna shirka Jaraa’id ee
uu qabtay kaga dhawaaqay inuu soo saaray Digteero uu
xilka kaga qaadayo Ra’iisal wasaare Nuur Cadde.
Madaxweynaha ayaa ku
eedeeyey Ra’iisal wasaaraha inuu gudan waayey xilkii loo
magacaabay sanad ka hor, islamarkaana uu dalka ku soo
kordhiyey qas iyo fowdo, isagoo ku eedeeyay inuu sabab u
yahay qabsashada Gobollada Koofureed iyo kuwa Bartamaha
Soomaaliya ay qabsadeen Kooxaha Islaamiyiinta.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaaraha uu
Xilkii ka xayuubiyay ee Nuur Cadde ayaan in muddo ahba
iskuma fiicnayn, iyadoo Khilaafkoodu uu billowday markii
Golaha Wasiirradu ay xilka ka xayuubiyeen Gudoomiyihii
hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Max’ed
Dheere).
Go'aankan Xilka ka qaadista Nuur Cadde ayaa kusoo
beegmaya maalmo ka hor markii ay Dowladda Ethiopia ku
dhawaaqday in ay Ciidamadeeda ka jooga Somalia ay kala
baxayso.
www.ceegaag.com
webmaster@ceegaag.com |