shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

QM oo qaraar ku ansixiyay in Burcad Badeeda Soomaaliyeed lagula dagaalayo Barriga.

(New York, December 17,  2008 Ceegaag Online) 

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda u ansixiyay Qaraar ay Xukuumada Washington soo bandhigtay kaas oo u ogolaanaya wadamada caalamka inay burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya kula dagaalami karaan beriga Soomaaliya.

Qaraarkan ayaa wadamada caalamka u ogolaanaya inay gali karaan hawada Soomaaliya xilliga ay baacsanayaan kooxaha burcad-badeeddka, balse Qaraarkan waxaa ku lifaaqan shuraad ah in marka hore wadamadan inta aysan talaabo ka fulin gudaha Soomaaliya ay ogolaansho ka helaan Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qaraarkan golaha amaanka ayaa lagu ansixiyey fadhi ay ka soo qeyb galeen saraakiil sare oo ay ka mid yihiin Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Condoleeza Rice, Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada u qaabilsan Afrika Ms Jandaayi Frazer, Cali Axmed jamac Jengali iyo wasiirka arrimaha dibada ee Russia Sergey Viktorovich Lavrov.

Xoghayaha arrimaha dibadd dalka Maraykanka Condoleezza Rice ayaa kulankaasi ka sheegtay in qaraarkan ay golaha amaanku ansixiyeen uu saameyn weyn ku yeelan doono dagaalka lagula jiro burcad-badeeda, waxayna sheegtay inaysan macquul ahayn in burbad-badeedda lagu xakameeyo badaha oo berigana lagula dagaalamo.

www.ceegaag.com

webmaster@ceegaag.com