Sidee looga
Arkay Hargeysa Xasuuqii Shalay ka dhacay Gaza?
(Hargeysa, December
28, 2008 Ceegaag Online)
Tzipi Livni oo weerarka (Xasuuqa) ka hor la
fadhiya Hosni Mubarak (Baqaratu Daaxikah)
Sida aynu ka
war qabno, shalay waxaa ka dhacay, Gaza xasuuq, iyadoo lagu
diyay dad Reer Falastiin ah oo gaadhaya, 230-qof, Dhaawacuna
wax uu caga cageeynayaa, 800 boqol.
Laga soo
bilaabo, Xiligii yuhuudu ay qabsatay Falastiin1967-kii waxa
ay dadka falastiiyiintu ku haysay, Dil iyo dhibaato, Waxaa
intaasi oo dhan jiray, dadaalo nabadeed oo ay wadeen
caalamka, Qeybihiisa kala duwan, hase ahaatee suuro gal mey
noqon, in xasuuqa laga daayo, Shacabka reer falastiin, waayo
Dowladaha dadaalada, nabadeed waday oo ay ugu horeeyso,
Dowlada mareykanka, Qudhooda, daacad kama aha Nabad kusoo
dabaalida Dhibaatada ka taagan Bariga dhexe.
Badhtamihii
2006-dii markii, ay xukunka la wareegtay, koox diimeedka,
Xamaas ayaa waxaa sii kor dhayay, xasuuqa loo geeysanayo,
walaalaha reer falastiin, Waxaa jirtay oo kale in kooxda
xamaas, ay ku baaqeysay, nabad galyo hase ahaatee, iyaduna,
mey dhicin, mar walba oo xoogaha horumar la sameeyo, waxaa
heshiiksa jabiya, Dowlada Isreal.
Hadaba shalay
falkii, ka dhacay Gaza, ayaa dad badan aad uga xumaadeen,
dadkaasi oo isugu jira carab iyo muslimiinta kale. hadaba
Dadka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ayaa iyagu dareen
kala duwan ka muujiyay, xasuuqii shalay dhacay, iyagoo ku
tilmaamay, mid laga naxo.
Qaar ka mid
Culimada Magaalada Hargeysa, ayaa saaka salaadii subax, ka
hadlay, iyagoo sheegay in loo baahanyhay in ilaaheey loo
noqdo, samirna ay muujiyaan, dadka reer falastiin, waliba ay
ogaadaan, wax walba hadii Isreal (Yuhuuda) loo sameeyo,
marna inaanay raali noqoneeynin, ilaa diintooda la raaco
Siduu ilaahey noo sheegayba.
Sidoo kale,
Imaamka masjidka Jameeca weyn ayaa saaka salaadii dhexdeeda
ugu duceeyay, dadka reer falastiin, intii uu ku guda jiray,
Ducada ayaa sheekhu indhihiisu ay ilmeynayeen. Taasoo
kaliftay markii dambe inuu ducadii dhameystiri waayo.
Waxaan iyana
maanta la dhex maray Microphone-ka, Qaar ka mid aqoonyano,
reer Hargyesa, iyagoo Shaaheynaya, waxa ayna muujiyeen in ay
aad uga xun yihiin, waxaana ka muuqatay murugo, Arintani
waxa ay kuu muujineeysaa, sida ay uga xunyihiin dadka reer
Hargeysa, Dhibta lagu hayo walalahood reer falastiin.
Aadan
Cabdulaahi
Hargeisa,
Somaliland
webmaster@ceegaag.com |