shebekada wararka ee ceegaag waxay idiinku baaqaysaa wararkii ugu danbeeyey ee dalka iyo debedaba 

Zendani" Baaqeygu Waa Jihaad Lala Galo Ciidamada EU-da Ee Xeebaha Somalia

(Sanca, Yaman, December 25,  2008 Ceegaag Online) 

Madaxa Jaamacadda Al-iimaan ee dalka Yemen Sheikh Abdelmajid Zendani ahna caalim si weyn looga yaqaan dunida islaamka ayaa sheegay in uu jiro qorshe cusub oo gumeysi ah oo lagu doonayo in lagula wareego dalalka Yemen iyo Somalia.

Sheikh Zendani oo doonayey in uu fahansiiyo dadkii isugu soo baxay dhegeysiga khudbadiisa in dalalka reer galbeedka ay doonayaan in ay la wareegaan soomaaliya iyo Yemen ayaa tusaala ahaan u yiri “ waxaa jirta oraah caan ah oo ay adeegsadaan melateriga, taas oo ah qofkii Badda haysta ayaa berigana haysta”.

Sheikh Zendani oo ah wadaad si weyn loogu yaqaan ka hadalka xaaladda ay ku sugan tahay Umadda islaamka ayaanan ka codsan dolwadda Yemen iyo dowladaha kulaala gacanka cadmeed in ay iska difaacaan waxa uu ku tilmaamay quwadaha gumeysiga , balse waxa uu ku dhawaaqay in Jihaad looga hortago quwadaha isticmaarka, isagana uu yahay mujaahid dalkiisa difaacaya, waa suu sheikha hadalka u yiriyee.

Mar uu ka hadlayey sheekha joogitaanka maraakiibta midowga Europe xeebaha Somalia waxa uu yiri “Joogitaanka ciidamada midowga Europe xeebaha Somalia waxa ay ka dhigan tahay in Somalia ay u gacan gashay quwadaha isticmaarka”.

Dadka u kuurgala siyaasadda Yemen ayaa ku micneeyey hadalka sheikh Zendaani ee gaarsiisan in lala Jihaado ciidamda Midowga Europe ee ku sugan xeebaha gacanka cadmeed in ay tahay mid ka turjumaysa dareenka shacabka iyo dowladda Yemen ee ku aadan hawlgalka wadamada isku bahaystay ladagaalanka burcadbadeeda ka qawleysata gacanka cadmeed.

Inkastoo dowladda mareykanka ay horey ugu dartay Sheikh Zendaani  shakhsiyaatka kujira liiska waxa ay u taqaan argagaxisada haddana sheikhu waxa uu taageero wanaagsan ka haystaa Madaxweynaha Yemen Cali C/dell Saalax oo marar badan isku dayay in maagca sheikh Zandaani laga saaro liiska waxa dowladda mareykanka u taqaan argagaxisada.

Xigasho: SBC

webmaster@ceegaag.com